Close Menu
    What's Hot

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

      January 31, 2026

      Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

      January 31, 2026

      Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho.

      January 31, 2026

      Madaxdii Jigjiga booqatay oo isugu tagtay Shabeelley.

      January 31, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

      January 31, 2026

      Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

      January 31, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho.

      January 31, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Waa kuma da’yarka loo doortay madaxweynaha dalka Senegal

    Waa kuma da’yarka loo doortay madaxweynaha dalka Senegal

    By radiohalgan.comMarch 26, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Bassirou Diomaye Faye waxa uu ku guuleystay madaxnimada dalka kadib Ousmane Sonko, oo u ayiday inuu beddelo.

    Bassirou oo 44 sano jir ah ayaa lagu wadaa in uu noqdo madaxweynaha ugu da’da yar ee Senegal ka taliya ka dib markii ninkii la tartamayay ee doorashada madaxtinnimada uu aqoonsaday guushiisa Isniintii.

    Waxaa xabsiga laga sii daayay 14-kii Maarso, isla markiiba isaga iyo xulafadiisu waxay bilaabeen olole dabeylo wata oo ay ku farxeen dadweynaha Senegal, kuwaasoo ku dhawaaqayay “Sonko mooy Diomaye, Diomaye mooy Sonko”, ama “Sonko waa Diomaye, Diomaye waa Sonko”.

    Faye – oo aan waligiis qaban xafiis la doortay – ayaa u ballan qaaday bulshada Senegal isbeddel qoto dheer iyo inuu aad u taageeri doono garabka bidix ee siyaasadda pan-Africanism-ka.

    Isaga oo raacaya wadsada jiilka cusub ee siyaasiyiinta Afrika, waxa uu aaminsan yahay qarannimada, in si caddaalad ah loo qaybsado hantida, iyo dib u habaynta waxa uu u arko in uu nidaamkii dowladii hore yahay nidaam cadaaladeed oo musuqmaasuq ah.

    Waxa uu sidoo kale wacad ku maray in uu dib ugala xaajoon doono qandaraasyada shidaalka iyo kalluumeysiga ee shirkadaha gaarka loo leeyahay ay heystaan, waxaana uu sheegay in uusan ka cabsaneyn in uu sameeyo lacag cusub oo qaran oo lagu beddelo lacagta senegal ee franc-ka taas oo uu ku dhaleeceeyay ra’iisul wasaarihii hore Amadou Ba.

    Mucaaradka ayaa Faye ku eedaynaya inuu hoggaaminayo koox “qar-iskatuur ah” oo doonaya inay raacaan siyaasado khatar ku ah dalka.

    Isaga oo ka soo jeeda asal ahaan miyiga, Faye, oo Muslim ah ayaa ka soo muuqday isu soo baxiisii ugu dambeeyay isaga oo ay weheliyaan labadiisa xaas oo ku labisan calaamadda dharka boubou-ga, waxa uu raacay waddadii Sonko oo isagoo soo maray imtixaannada garsoorka, ka hor inta uusan madaxnimada ururka shaqaalaha kala wareegin Sonko.

    Faye iyo Sonko waxay wada aasaaseen xisbi siyaasadeedka Pastef sanadkii 2014, kaas oo dowladii hore kala direen sannadkii lasso dhaafay. “Waa laba dhinac oo isku mid ah oo leh laba qaab oo kala duwan,” ayuu yidhi Moustapha Sarr, oo ah tababaraha dhaqdhaqaaqayaashii hore ee xisbiga Pastef.

    “Dabcan, waxaan door bidi lahayn (musharraxa) inuu noqdo Ousmane Sonko. Laakiin waxaan ku kalsoonahay Diomaye sababtoo ah Sonko ayaa aaminay isaga, Waxay wadaagaan aragti isku mid ah.” Ayuu yiri Mourtalla Diouf, 27 jir, ka soo jeeda koonfurta gobolka Casamance.

    Faye ayaa xitaa ugu magac daray mid ka mid ah wiilashiisa Ousmane si uu ugu sharfo saaxiibkiisa siyaasadeed. Labaduba waxay sidoo kale waqti kusoo wada qaateen hal xabsi.

    Bishii April ee sannadkii hore, Faye ayaa lagu soo oogay dacwado dhowr ah oo ay ka mid tahay inuu ku xad-gudbay maxkamadda, kaddib markii uu baahiyay fariin uu ku dhaliilayo garsoorka dacwadaha sharci ee ka dhanka ah Sonko.

    Sonko ayaa isagana xabsiga kula biiray Faye bishii Luulyo isaga oo lagu eedeeyay eedaymo ay ka mid yihiin in uu ku baaqay kacdoon.

    Dhowr boqol oo xubnood oo mucaaradka ah ayaa la xiray tan iyo 2021-kii, kadib markii Sonko uu billaabay iska horimaadka ba’an ee uu kula jiro dowlada taas oo dhalisay rabshado dad badan lagu dilay.

    Qalalaasahaas ayaa door ku lahaa go’aankii madaxweynaha xilka ka degaya ee Macky Sall uu dib ugu dhigay doorashada, taasoo dalka Senegal gelisey qalalaasihii siyaasadeed ee ugu xumaa muddo tobanaan sano ah.

    “Madaxweyne, inta badan waxaad tiraahdaa waan madax adagahay, weligeen isma haleelno, haddana ma kala tagno,” ayuu yiri Faye oo la hadlayay Sonko mar uu shir jaraa’id qabtay maalin kaddib markii lagu sii daayay sharci cafis ah.

    Isla markiiba ka dib markii uu doorashada codkiisa dhiibtay Axadii, waxa uu ugu baaqay dadka reer Senegal in ay “dejiyaan” oo ay “ku soo noqdaan xasiloonida sida xun loo carqaladeeyay bilihii iyo sannadihii la soo dhaafay”.

    Isha: BBC

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

    January 31, 2026

    Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

    April 10, 2024

    Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

    April 9, 2024
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.