Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

      June 1, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Kenya

      May 26, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

      June 1, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Waa kuma da’yarka loo doortay madaxweynaha dalka Senegal

    Waa kuma da’yarka loo doortay madaxweynaha dalka Senegal

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMarch 26, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Bassirou Diomaye Faye waxa uu ku guuleystay madaxnimada dalka kadib Ousmane Sonko, oo u ayiday inuu beddelo.

    Bassirou oo 44 sano jir ah ayaa lagu wadaa in uu noqdo madaxweynaha ugu da’da yar ee Senegal ka taliya ka dib markii ninkii la tartamayay ee doorashada madaxtinnimada uu aqoonsaday guushiisa Isniintii.

    Waxaa xabsiga laga sii daayay 14-kii Maarso, isla markiiba isaga iyo xulafadiisu waxay bilaabeen olole dabeylo wata oo ay ku farxeen dadweynaha Senegal, kuwaasoo ku dhawaaqayay “Sonko mooy Diomaye, Diomaye mooy Sonko”, ama “Sonko waa Diomaye, Diomaye waa Sonko”.

    Faye – oo aan waligiis qaban xafiis la doortay – ayaa u ballan qaaday bulshada Senegal isbeddel qoto dheer iyo inuu aad u taageeri doono garabka bidix ee siyaasadda pan-Africanism-ka.

    Isaga oo raacaya wadsada jiilka cusub ee siyaasiyiinta Afrika, waxa uu aaminsan yahay qarannimada, in si caddaalad ah loo qaybsado hantida, iyo dib u habaynta waxa uu u arko in uu nidaamkii dowladii hore yahay nidaam cadaaladeed oo musuqmaasuq ah.

    Waxa uu sidoo kale wacad ku maray in uu dib ugala xaajoon doono qandaraasyada shidaalka iyo kalluumeysiga ee shirkadaha gaarka loo leeyahay ay heystaan, waxaana uu sheegay in uusan ka cabsaneyn in uu sameeyo lacag cusub oo qaran oo lagu beddelo lacagta senegal ee franc-ka taas oo uu ku dhaleeceeyay ra’iisul wasaarihii hore Amadou Ba.

    Mucaaradka ayaa Faye ku eedaynaya inuu hoggaaminayo koox “qar-iskatuur ah” oo doonaya inay raacaan siyaasado khatar ku ah dalka.

    Isaga oo ka soo jeeda asal ahaan miyiga, Faye, oo Muslim ah ayaa ka soo muuqday isu soo baxiisii ugu dambeeyay isaga oo ay weheliyaan labadiisa xaas oo ku labisan calaamadda dharka boubou-ga, waxa uu raacay waddadii Sonko oo isagoo soo maray imtixaannada garsoorka, ka hor inta uusan madaxnimada ururka shaqaalaha kala wareegin Sonko.

    Faye iyo Sonko waxay wada aasaaseen xisbi siyaasadeedka Pastef sanadkii 2014, kaas oo dowladii hore kala direen sannadkii lasso dhaafay. “Waa laba dhinac oo isku mid ah oo leh laba qaab oo kala duwan,” ayuu yidhi Moustapha Sarr, oo ah tababaraha dhaqdhaqaaqayaashii hore ee xisbiga Pastef.

    “Dabcan, waxaan door bidi lahayn (musharraxa) inuu noqdo Ousmane Sonko. Laakiin waxaan ku kalsoonahay Diomaye sababtoo ah Sonko ayaa aaminay isaga, Waxay wadaagaan aragti isku mid ah.” Ayuu yiri Mourtalla Diouf, 27 jir, ka soo jeeda koonfurta gobolka Casamance.

    Faye ayaa xitaa ugu magac daray mid ka mid ah wiilashiisa Ousmane si uu ugu sharfo saaxiibkiisa siyaasadeed. Labaduba waxay sidoo kale waqti kusoo wada qaateen hal xabsi.

    Bishii April ee sannadkii hore, Faye ayaa lagu soo oogay dacwado dhowr ah oo ay ka mid tahay inuu ku xad-gudbay maxkamadda, kaddib markii uu baahiyay fariin uu ku dhaliilayo garsoorka dacwadaha sharci ee ka dhanka ah Sonko.

    Sonko ayaa isagana xabsiga kula biiray Faye bishii Luulyo isaga oo lagu eedeeyay eedaymo ay ka mid yihiin in uu ku baaqay kacdoon.

    Dhowr boqol oo xubnood oo mucaaradka ah ayaa la xiray tan iyo 2021-kii, kadib markii Sonko uu billaabay iska horimaadka ba’an ee uu kula jiro dowlada taas oo dhalisay rabshado dad badan lagu dilay.

    Qalalaasahaas ayaa door ku lahaa go’aankii madaxweynaha xilka ka degaya ee Macky Sall uu dib ugu dhigay doorashada, taasoo dalka Senegal gelisey qalalaasihii siyaasadeed ee ugu xumaa muddo tobanaan sano ah.

    “Madaxweyne, inta badan waxaad tiraahdaa waan madax adagahay, weligeen isma haleelno, haddana ma kala tagno,” ayuu yiri Faye oo la hadlayay Sonko mar uu shir jaraa’id qabtay maalin kaddib markii lagu sii daayay sharci cafis ah.

    Isla markiiba ka dib markii uu doorashada codkiisa dhiibtay Axadii, waxa uu ugu baaqay dadka reer Senegal in ay “dejiyaan” oo ay “ku soo noqdaan xasiloonida sida xun loo carqaladeeyay bilihii iyo sannadihii la soo dhaafay”.

    Isha: BBC

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

    May 31, 2025

    Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

    May 24, 2025

    Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

    May 12, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

    June 4, 2025

    Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

    June 4, 2025

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.