“W /Q Xildhibaan hore ahna lataliyaha madaxweynaha XSM
Abdulqadir sheikh Xanafi oo Shacabka Soomaaliyeed u faahfaahiyay Faa”idooyinka Doorasho toos ah ee Qof iyo Cod ah.
waxaad ka dheehan kartaa qodobadda hoos ku xusan
Q:-1-aad: Xal u helida xasaradaha iyo
Khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira dalka.
Q:-2-aad: in shacabka Soomaaliyeed
Fursad u heli karaan in ay cabiraan fikirkooda siyaasadeed kana qeyb qaataan go,aan ka
gaarista masiirka dalka.
Q;-3-aad: doorasho toos ah(qof iyo cod ah) waxa ay xaqiijineysaa Matalaad dhab ah iyo ka qeyb
Qaadasho dhamaan bulshada Qeybaheeda kala duwan.
Q:-4-aad: hanaanka dorasho toos ah Waxa ay sare uqaadeysaa hufnaanta iyo habsami usocodka shaqada xukuumadda iyo in Muwaadinka kor joogteeyo Wax qabadka dowlada fursad a
u helo in uu dhaliilo ama dhiiro
galiyo.
Q:-5-aad: doorasho(qof iyo cod ah) Waxay xoojineysaa madax- banaannidda qaranka Soomaaliyeed Ayada oo awoodi gacanta loo
Galinayo shacabka,taasi oo Difaac adag u ah faragelinta Iyo damaca gacmaha shisheeye
Q:-6-aad: waxey si faahfaahsan u Kala Saareysaa awoodaha udhaxeya golaha fulinta- golaha sharci Dajinta iyo garsoorka dalka.
Q:-7-aad: soo bandhiga afkaaro iyo Aragtiyo kala duwan taas oo Abuurta jawi dimuqradiyadeed
Iyo in muwaadinka si xur iyo Xalaal u guto waajibkiisa dastuuriga ah.
Q;-8-aad: Caalamka guud ahaan iyo Ururada caalamiga ah oo diyaar u noqda in ay la shaqeyaan dowlad lagusoo doortay si dimuqaraadiga ah
Q:-9-aad: in lahelo dowlad matasha Dhammaan shacabka Soomaaliyeed Oo aan lagu koobin awoodda Dowladnimo kooxo danleey Siyaasadeed ah iyo hantiilayaal Burjawasiyiin ah,hogamiyo kooxeedyo maran habaabiya umadda somaliyeed.
Q:-10-aad: waxaa yaranaya eexda nin jecleysiga masuqmaasuqa Qabyaaladda iyo wixii lamid ah,Taasi badalkeeda waxaa hormuud noqonaya Waxgarad xanbaarsan mabaa,di salka ku haysa dhaqanka suuban iyo shareecda islaamka.
Ugu danbeyin
Doorasho toos ah Waxa ka dhalan kara kobcinta Dhaqaalaha dalka xasilooni siyaasadeed sinaan
Iyo cadaalad iyo innaan la jaan-qaadno caalamka intiisa Kale.
إِنْ أُرِيدُ إِلَّا الْإِصْلَاحَ مَا اسْتَطَعْتُ ۚ وَمَا تَوْفِيقِي إِلَّا بِاللَّهِ