Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Villa Somalia oo u jawaabtay kooxda N&N iyo CC Shakuur

    Villa Somalia oo u jawaabtay kooxda N&N iyo CC Shakuur

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 12, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali Dige oo haatan qayb ka ah wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ee ku sugan magaalada Oslo ee caasimada dalka Norway ayaa usoo jawaabay kooxda Nabad iyo Nolol iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo siyaabo kala duwan uga hadlay xaalada ka taagan qabuuraha Iskuul Buluusiya, kadib markii kasoo baxay dowladda.

    Ugu horeyn agaasime Dige ayaa sharraxaad ka bixiyay baahida keentay in dhulka Iskuul Buluusiya laga saaro maydadka, wuxuuna tilmaamay in laga dhigayo xero ciidan oo loo diyaarinayo ciidanka badda Soomaaliyeed.

    “Dhulka qabuuraha laga rarayo waa halkii ahaan jirtay Xaruntii Ciidanka Badda Soomaaliyeed, waxayna dowladdu hadda ka hirgalineysaa dhismaha xarun lagu tababaro, dibna loogu hawlgaliyo Ciidankii Badda Soomaaliya, oo hada Qaranku baahi weyn u qabo in ay kaalin tooda ka qaataan difaaca madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalkeenna.”

    Intaas kadib wuxuu u jawaabay kooxda Nabad iyo Nolol iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxuuna sheegay in labadaas dhinac aanay u doodi karin shacabka, isaga oo sheegay inay horay u gaysteen dambiyo waa wayn oo ay ka galeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

    “Siyaasiga kabahooda ku aasay meydka askar Soomaaliyeed oo uu xaqdaro ku laayay islamarkaana qabriyadooda ilaa maanta aysan ehelkoodu aqoon meesha ay ku yaalaan, mayahay qofkii dhihi lahaa “Waxaan aad uga damqanayaa, jirkeyguna la jiriricoonaya. Ma waxaa Xurmada Qabuuraha ka hadli kara siyaasiga askari Soomaaliyeed oo nool gacanta u galiyey cadawga maanta baddeena doonaya?” ayuu qoraalkiisa ku yiri agaasimaha Dige.

    Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Siyaasiga baddii uu muranka geliyay la soo celiyay miyaa garan kara muhiimadda ay Qaranka u leedahay dhismaha xarunta ciidamada badda Soomaaliyeed?#8221;.

    Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ah agaasimihii hore ee warfaafinta madaxtooyada, haatana afhayeen u ah Farmaajo ayaa isaga oo ka hadlay xiisadda qabuuraha Iskuul Buluusiya sheegay in dowladda hadda jirta lagu wareejiyay iyada oo la dhowray dhammaan dhulalka danta guud ee ku yaalla magaalada Muqdisho, hadana ay ku kacday dhul boob.

    “Ummadda Soomaaliyeed way ka dheregsan yihiin labada madaxweyne, midka ay caadada u tahay musuqmaasuq, wayna xusuustaan in Maxadweyne Farmaajo wareejiyey dhulkii danta guud iyada oo la dhawray iyo Madaxweynaha hadda xilka haya oo isaga oo aan sannad joogin xafiiska dhaxal wareejiyey inta badan dhulkii danta guud” ayuu yiri.

    Dhankiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu horay uga yiri arrintan “Aaminaadda waa cunsurka ugu wayn ee shacabka iyo dowladda u dhexeeya, haddii la waayana aysanba dowladnimadu shaqayn karin. Wiilka uu dhalay AUN Cabdi Muruudi Dheere (AJAKIS) markii uu maydka aabihii la baxay, waxaa lagu qasbay in uu beeniyo in dowladdu ay ku amartay arrinkaas oo ay dhulka doonaysay, laakiin taa bedelkeeda uu iskiis ula baxay.

    Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Maadaama ay ogyihiin in la aaminaynin, ayey madaxdii dawlada iska soo hormariyeen culimo si loo aamino. Waa arrin laga xumaado in culimadu ay noqoto marin wax lagu xalaalaysto”.
    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.