Close Menu
    What's Hot

    Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

    February 24, 2026

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

      February 24, 2026

      Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

      February 24, 2026

      DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

      February 24, 2026

      Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

      February 24, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

      February 24, 2026

      Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

      February 24, 2026

      DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

      February 24, 2026

      Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

      February 24, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Villa Somalia oo ka baxday heshiiskii madax goboleedyada iyo waxa ka dhalan kara

    Villa Somalia oo ka baxday heshiiskii madax goboleedyada iyo waxa ka dhalan kara

    By radiohalgan.comApril 1, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Madaxda afarta maamul goboleed ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa lasoo warinaya inay gadood ka qaadeen tallaabooyinkii u dambeeyay ee Villa Somalia u qaaday dhanka dastuurka, gaar ahaan isbeddelka uumadaxweyne Xasan Sheekh ku sameeyay qodobbadii ay isaga iyo maamullada ku heshiiyeen bishii May 2023.

    Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka maqan tahay Puntland ayaa ku heshiiyay bishii May 2023 inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo la mideeyo doorashooyinka labada heer dowladeed, in nidaamka xukunka ee dalka uu noqdo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, in guddiga doorashada uu noqdo 15 xubnood oo ay min laba xubnood ka timaado 5-ta maamul goboleed, 5-ta kalena ay ka timaado dowladda dhexe iyo Benaadir, iyo in xisbiyada dalka noqdaan laba xisbi.

    Madaxda maamul goboleedyada arrintaan dhowr jeer oo ay mucaaradka kala hadleen waa difaaceen, oo waa ku adkeysteen waxayna la safteen doonista madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin qaar badan oo kamid ah qodobaddii ay ku heshiiyeen dowladda dhexe iyo afartaasi maamul goboleed ayay Villa Somalia ka baxday dhowr maalmood kahor ansixinta afartii cutub ee ugu horreysay dastuurka.

    Waxyaabaha la beddelay ayaa kala ah;

    1. Haykalka dowladnimada

    Maamullada iyo madaxweyne Xasan Sheekh waxay isku ogaayeen in haykalka dowladnimada uu noqdo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen. Laakiin iyada oo aan talo loogu laaban ayuu Xasan Sheekh iska tuuray qodobkaas wuxuuna ku beddeshay ra’iisul wasaare uu isagu eryi karo.

    2. Tirada xisbiyada

    Maamullada waxay heshiiska hore ku galeen laba xisbi oo dalka uu yeelanayo laakiin talo la’aantooda waxaa laga dhigay saddex xisbi.

    3. Guddiga doorashooyinka ee labada heer dowladeed

    Maamullada waxay kula heshiiyeen madaxweyne Xasan Sheekh guddi doorasho oo 15 xubnood ah oo qabanaya dhamaan doorashooyinka dalka oo maamul goboleedyada xaq u leeyihiin soo magacaabista min laba xubnood.

    Laakiin hadda waxaa laga dhigay 18 xubnood iyaga oo wax talo ah la siinin, waxaana dhamaan soo magacaabaysa xukuumadda federaalka ah

    Xogo soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda maamullada go’aannadii u dambeeyay wax talo ah laga siinin, waxa kale oo Villa Somalia hoos iskaga dhigtay dhowr jeer oo ay afartaan maamul dalbadeen in la qabto shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

    Axmed Madoobe, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen waxay hadda ku sugan yihiin Boqortooyada Sacuudiga oo ay Cumro u joogaan, halka la filaayo inuu maalmaha soo aadan ku biiro Qoor-Qoor.

    Illaha ku dhow-dhow xubnahaan waxay warinayaan inay gadood ka qabaan sida uu madaxweyne Xasan Sheekh howsha u qaabeeyay iyo inay qaarkood ka fikirayaan inay tallaabooyin deg deg ah qaadan Ciidda kadib, maadaama ay badi isbeddeleen wixii ku qornaa heshiiskii ay la galeen madaxweyne Xasan Sheekh.

    Halkaan waxaa kasoo socda culeys, mana cadda sida madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ugu diyaarsan yihiin inay la dhigtaan haddii ay afartaan maamul goboleed isku dayaan inay ka horyimaadan.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

    February 24, 2026

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

    February 24, 2026

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.