Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bani aadamnimada ee loosoo gaabiyo UNOCHA ayaa warbixin uusoo saaray maanta waxa uu ku sheegay in 20kii cisho ee lasoo dhaafay ay kasii dartay xaaladda Magaalada Gaza.
UNOCHA ayaa tooshka ku ifisay tacadiga ka dhacay Koofurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaza waxaana warbixintooda lagu soo daray in Dad badan ay isaga barakaceen Magaaladaas kuwaas oo qiyaasta lagu sameeyay kor u dhaafaya in ka badan 1 Milyan oo ruux.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu muujiyay in Dadka Gaza boqolkiiba shan kamid ah ay noqdeen Dad ku dhintay dagaallada socda, kuwa ku dhaawacmay iyo kuwo kale oo lagu waayay nolol ama geeri halka ay jiraan carruur looga tagay goobihii ay joogeen.
Duqaynta hubka culus, taangiyada ciidanka Israaiil ay dulmarinayaan ama ku duminayaan guryaha qaar ayay Hay’addu sheegtay in ay xaaladda kasii darayso maadaama suuragal ay tahay dhismaha dumay in ay gabbaadsanayaan Dad badan oo aanay u suuragelin in ay barakacaan.
“In ka badan 5% Bulshada Magaalada waa ay dhinteen, kuwo waa ay dhaawacmeen halka qaar kale nolol ama geeri lagu waayay, ugu yaraan 3,000 oo Haween ah ayaa garoob noqday oo laga dilay Raggii qabay halka 10,000 oo Carruur agoon noqdeen, 17,000 oo carruur ah waxa ay isaga baxeen Magaalada iyaga oo aanay la socon ehelkooda, hal milyan oo ruux waa ku guryo waayeen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay UNOCHA.
Israaiil ayaa ka dhega-furaysatay baaqyo iyo go’aamo ay gaareen xubno ay kamid tahay Qaramada Midoobay taasi baddelkeed waxa ay xoogga saartay dagaallada ay ku beegsanayso goobaha loo digay oo ay uga horreyso Magaalada Rafax.