Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta oo afka ka qabsan waayay dibadbaxyada rabshadaha wata ee ka socda Dalkaas ayaa madaxdii xilka uu ku wareejiyay ugu baaqay in ay dhagaystaan Dadka cabashada qaba.
Kenyatta ayaa tilmaamay in Dalkiisa uu u baahan yahay badbaadin sidaas awgeed madaxda uu ugu sarreeyo William Ruto waxa uu usoo jeediyay in xalka wadahadalka si shuruud la’aan loo aado si looga hortago dhimasho iyo burbur horleh.
Wax laga xumaado ayuu ku sheegay Kenyatta in Dibadbaxyadu ay xooggaystaan isla markaana ay gaaraan heer dibadbaxayaashu hamiyaan Aqalka Baarlamaanka iyo in gacanta ciidamada ammaanka ay ku baxaan Dad rayid ah.
“Xilligan waxa aan rabaa in aan xasuusiyo dhammaan madaxda in ay shacabku soo doortay dhagaystaan, Isdhagaysigu ma ahan wax la dooran karo ee waa waajib ku qotoma aasaaska dastuuriga ah ee Dimuqraadiyadda” Uhuru Kenyatta Madaxweynihii hore ee Kenya.
Marba marka ka dambaysa waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay Dibadbaxyada ka socda Kenya, Dhalinyarada kacdoonka sameyneysa ee loosoo gaabiyo GZ ayaa ku goodiyay in ay sii wadayaan kacdoonkooda.