Hay’adda isgaarsiinta ee dowladda Turkiga ayaa Jimcihii xannibtay barta bulshada ee Instagram-ka.
Waxay timid maalmo ka dib markii Fahrettin Altun, oo ah agaasimaha isgaarsiinta ee madaxtooyada ahna kaaliyaha madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, uu ku dhaleeceeyay madal ay leedahay Meta inay si ula kac ah uga hor istaagayaan dadka isticmaala adeegyadooda ee ku nool Turkigu inay barahooda soo dhigaan fariimo loogu tacsiyadaynayo hoggaamiyaha la dilay ee Ismaaciil Haniyah.
Si ka duwan xulafadiisa reer galbeedka, Turkigu uma arko Xamaas urur argagixiso. Erdogaan oo aad u dhaleeceeyay dhaq-dhaqaaqa militari ee Israel ka wado Qaza, ayaa kooxda ku tilmaamay “Dagaalyahano xornimo doon ah.”

Dalka Turkiga ayaa maanta oo Jimce ah laga dhigayaa baroor diiq loo samaynayo hoggaamiyihii siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniyah, iyada oo hoos loo dhigayo qayb ahaan calanka dalkaas.