Dalalka Turkiga iyo Masar ayaa ka wada shaqaynaya sidii xal waara loogu heli lahaa qalalaasaha Suudaan sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga.
“Waxaan xoojineynaa kulamada iyo booqashooyinka labada dhinac ee Turkiga si aan u horumarino xiriirka iyo wadashaqeynta,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry oo uu weheliyo dhiggiisa Turkiga Hakan Fidan.
Turkiga iyo Masar ayaa ka wada shaqeynaya sidii xal waara loogu heli lahaa qalalaasaha muddada sanadka ah ka socday Suudaan, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Sabtidii.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan, ayaa sheegay in dalkiisu Qaahira kala shaqyanayo sidii colaada Sudan loogu heli lahaa.
Fidan ayaa sheegtay in arrimaha Liibiya, Suudaan, Soomaaliya, iyo Itoobiya oo sidoo kale ah ay yihiin meelaha muhiimka ah ee iskaashiga Ankara iyo Qaahira, isagoo intaas ku dartay in labada wasiir arrimo dibadeed ay doonayaan inay si joogto ah uga hadlaan arrimahan.
Wuxuu kaloo sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo joojin lahaa dagaalka sokeeye ee ka socda Suudaan, saameynta uu gobolka ku yeelan karo, hannaanka wada xaajoodka ee socda, iyo qorsheyaasha xal loogu raadinayo.
“Waxaan sidoo kale go’aansanay inaan kordhino la tashiyada iyo dadaallada aan ku bixinayno arrintan, sidoo kale waxaan si wadajir ah uga wada hadalnay dhibaatada cusub ee ka soo cusboonaatay Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan mida khatar ku ah midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Fidan.
Wasiirka arriamaha dibadda ee Turkiga Fidan ayaa sheegay in ka go’a tahay ilaalinta madaxbananida dhuleeda ee Soomaaliya sidaas oo kale si lamida ay ugu go’antahay dhiggiisa Shoukry ee Masar.
Wuxuu intaa ku daray Fidan, is waydaarsanayaan tillaabooyinka la qaadi karo si looga hortago in khilaafka siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika uu isu beddelo colaad.
Fidan ayaa ku nuuxnuuxsatay in uu jiro aag muhiim ah oo iskaashi oo aan ahayn oo keliya xiriirka labada dal, balse sidoo kale arrimo kale oo khuseeya gobolka u dhexeeya Qaahira iyo Ankara, Fidan ayaa tiri: “Arimahan ayaa lama huraan ka dhigay in labada dal ay si wadajir ah u wada shaqeeyaan.”
Iskaashiga Ankara iyo Qaahira ee xalka gobolka
Turkiga iyo Masar waxay hoosta ka xariiqeen inay yihiin labada dal oo ‘walaalo ah’ kuwaas oo ku yaala labada daraf ee bariga badda Mediterranean-ka, isla markaana ay leeyihiin awood weyn oo iskaashi.
“Waxaan si faahfaahsan uga wada hadalnay arrimaha ku saabsan ajandaha laba geesoodka ah, gaar ahaan ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalaha ayaa ah mid ka mid ah dhinacyada ugu xooggan, maal-gashigeena Masar wuxuu horey u gaaray 3 bilyan oo doolar, mugga ganacsi ee naga dhexeeya waa ku dhawaad $8 bilyan,” ayay tiri Fidan.
Colaadda Suudaan ayaa sababtay in dalkaasi galo fowdo iyo kala danbayn la,aan, labada ciidan ee ku dagaalamay awwooda dalka ayaa sababay in kumanaan kun ku dhinteen colaada,malaayiin ku baracakaan dalkuna qarna u saaran yahay inay macaluul ka dilaaco sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.
Faransiiska ayaa dhawaan sheegay inuu qaban doono shirweyne ka dhacaya Paris si indhaha calaamka loogu soo jeediyo colaada laga aamusan ee dalka Sudan sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibada ee Faransiiska.
Colaadda ayaa dhalisay in dad malaayiin reer Suudaan ka tallaabaan soohdinta dalka iyagoo qaxooti ku noqday dalalka dariska la ah Suudaan.
Labadan dal ee Turkiga iyo Masar ayaa ka mida kuwa saamaynta ku leh gobolka iyadoo xiisada Sudan oo gashay sanadkeedii labaad u muuqato mid xooggaysanaysa.
Labada Jeneral ee awwooda isku haya midna uma suura galin inuu si dhamaystiran ula wareego dalka balse colaada ayaa ku sii baahaysa dalka sida Qaramada Midoobay sheegtay.
Haya’addaha Xaquuqul Insaanka ayaa ku eedeeyey dhinacyada inay galeen gabood falo ka dhana xaquuqda aadanaha intii colaadu ay socotay sanad ka badan.