Madaxweynaha dalka Mareykanka Donland Trump ayaa bartiisa Truth Social ku baahiyay qoraal u uku sheegay in ciidamo badan oo ah kuwa badda ay ku wajahanyihiin dalka Iiraan.
Wuxuu sheegay in ay yihiin cudud xooggan oo xiiso u qaba shaqada loo idmaday kuwaas oo xawaare ku socda.
βWaa maraakiib ka tiro badan kuwii loo diray Venezuela, waxaana hoggaaminaya markabka weyn ee xambaara diyaaradaha, Abraham Lincoln,β ayuu yiri Trump.
βSida ku dhacday Venezuela, ciidankanu waa mid diyaar ah, doonaya, awoodna u leh in uu si dhakhso leh u fuliyo hawshiisa, xawaare iyo xoog, haddii loo baahdoβ.
Wuxuu intaa ku daray Trump: βWaxaan rajaynayaa in Iran ay si degdeg ah βu timaaddo miiska wada-xaajoodkaβ oo ay ka gorgortanto heshiis caddaalad iyo sinaan ku dhisan , MA JIRO HUB NUKLIYEER AH, heshiis faaβiido u leh dhammaan dhinacyada. Waqtigu wuu sii dhammaanayaa; arrintu waa mid aad u degdeg ah!
Sidii aan hore ugu sheegay Iran mar hore, heshiis gaara ! Way diideen, waxaana dhacay βHowlgalkii Midnight Hammer,β oo ahaa burbur weyn oo loo geystay Iran. Weerarka xiga wuxuu ahaan doonaa mid ka sii daran!, ha oggolaanin in taasi mar kale dhacdo

