Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Madaxweyne Xasan oo Booqday balan qaadna u sameyay Dhawacyadda Macawisleyda Hiiraan.

    May 19, 2025

    Sanbaloolshe oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka iyo maamulka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

    May 19, 2025

    DEG DEG Xildhibaan Qaali Cali Shire ayaa loo doortay Guddoomiyaha guddiga saaxiibtinimada

    May 19, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweyne Xasan oo Booqday balan qaadna u sameyay Dhawacyadda Macawisleyda Hiiraan.

      May 19, 2025

      Sanbaloolshe oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka iyo maamulka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

      May 19, 2025

      DEG DEG Xildhibaan Qaali Cali Shire ayaa loo doortay Guddoomiyaha guddiga saaxiibtinimada

      May 19, 2025

      DEG DEG Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad ayaa gordhow gaaray furimaha dagaalka

      May 19, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo dagaalka AS kala hadlay dhigiisa dalka Ciraaq

      May 18, 2025

      Weeraro aay fuliyeen ciidammadda Ruushka oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira

      May 17, 2025

      Maxay Soomaaliya ka baran kartaa Ciraaq oo ay isku xaalad iyo dagaal sokeeye soo wada mareen?

      May 17, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Madaxweyne Xasan oo Booqday balan qaadna u sameyay Dhawacyadda Macawisleyda Hiiraan.

      May 19, 2025

      Sanbaloolshe oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka iyo maamulka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

      May 19, 2025

      DEG DEG Xildhibaan Qaali Cali Shire ayaa loo doortay Guddoomiyaha guddiga saaxiibtinimada

      May 19, 2025

      DEG DEG Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad ayaa gordhow gaaray furimaha dagaalka

      May 19, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Trump oo mar kale weeraray Ilhaan Cumar isaga oo qof kale u dan lahaa

    Trump oo mar kale weeraray Ilhaan Cumar isaga oo qof kale u dan lahaa

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJuly 29, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Intii lagu guda jiray khudbad uu Sabtidii ka jeediyay ololahiisa doorashada ee magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota, musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump ayaa u muuqday in uu isku khalday labada gabdhood ee xisbiga Dimuqraadiga ee kala ah Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Minnesota iyo Rashida Tlaib oo laga soo doorto Michigan.

    Labadan gabdhood ee Congress-ka ku jira, oo labaduba ah labadii haween ee Muslim ahaa ee ugu horreeyay ee taga Congress-ka, ayaa ah aasaasayaasha xubnaha “Squad”, oo ah koox aan rasmi ahayn oo xubno ka tirsan Aqalkaasi samaysteen sannadkii 2019.

    Trump ayaa inta badan dhaliilo kala duwan u jeediya kooxdaas haweenka ah.

    Waxaana aad loo xasuustaa 2019 mar uu farriin xilligaas ku soo qoray barta Twitter isaga oo ku dooday inay “ku noqdaan oo ay gacan ka geystaan hagaajinta gebi ahaanba qaran jabnimada iyo dembiyada laga gelayo meelihii ay ka yimaadeen.”

    Faallooyinkiisaas ayaa kiciyay waagaas dad isugu soo baxay North Carolina oo ku dhawaaqayay “dib u celiya!” una jeeday in masuuliyaantaas dalka laga saaro.

    Dhanka kale, xubnahan haweenka ah ee garabka bidix, oo tan iyo markaa sii ballaadhanayey oo haatan gaaraya sagaal, ayaa aad uga soo horjeeda Trump iyo hadalladiisa.

    Sannadkii 2020, Ilhaan Cumar waxa ay Trump ku tilmaantay hadal u dhignaa “Kaliya maaha cunsuri, laakin waa cunsuri isir-nacayb ku jiro, sababta oo ah kama soo horjeedo dadka dalkan yimid, kaliya wuxuu ka soo horjeedaa soo galootiga aniga oo kale ah”.

    Khudbaddiisii habeenkii sabtida ayuu Trump ku khalday dhacdooyinka ku lug lahaa Tlaib, Ilhaan Cumar, isaga oona xilligaa yidhi, “Ilhaan Cumar, waxa ay ka soo qayb gashay hadal aan jeedinayey markii ugu horreysay ee aan tartamayey, waxa ay ka mid ahayd dhegeystayaashii.. xilligaas way qaylinaysay, waxa aanan idhi ‘waa ayo qofkani’ saw waa isla qoftii waalan ee aan habeen kasta hadda hadalkeeda daawado.”

    Trump ayaa ku eedaynaya in hore ay u taageeri jirtey haddana ay isaga ka soo horjeeddo.

    Waxa uu ku celceliyay dadkii isku soo baxay, “Anigoo qudbad jeedinaya, dad badan ayaanu joognay… way kacday oo qaylisay, waxaan ku idhi naagtaasi waa waalan tahay, way waalan tahay”.

    Qaybta hadalkaas ee Trump ayaa aad loogu baahiyey barta X, ee hore u ahaan jirtay Twitter, iyada oo isticmaalayaashu uu ka mid yahay Acyn, oo ah tifaftire sare oo ka tirsan warbaahinta bidixda u janjeedha ee MeidasTouch, ayaa muujiyey in Trump uu ku jahawareeray oo uu isku khalday labada haween ee Congress-ka ka wada tirsan.

    “Ma hubo in uu halkan ula jeeday qof kale,” Acyn ayaa qortay.

    Dhanka kale, Trump ayaa mar sii horeysay ku sifeeyey Ilhaan Cumar inay tahay taageere “argagixisanimo’, wuxuuna ku andacooday inay “neceb tahay Maraykanka”.

    Maxaa mideeya labadan masuul?

    .

    Xigashada Sawirka,Getty Images

    Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib waxay taariikh sameeyeen bishii Nofembar ee sanadkii 2018-kii, markaas oo ay noqdeen dumarkii ugu horreeyay ee muslimiin ah oo ku biiray aqalka wakiillada Mareykanka.

    Labadooduba waxay xubno ka yihiin xisbiga dimuqraaddiga Mareykanka waxayna horumar weyn ka sameeyeen doorkooda siyaasadda.

    Arrimaha kale ee ay ka mideysan yihiin waxaa ka mid ah inay taageeraan xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.

    Intaas waxaa usii dheer inay cod sare ugu doodaan dadka soo galootiga ah iyo qaxootiga.

    Laakiin waxaa jira hal wax oo iyaga khaas u ah ayna uga duwan yihiin cid walba oo kale, xitaa xubnaha kale ee aqalka wakiillada ay ka tirsan yihiin, waxaasina waa Israel.

    Ilhaan iyo Rashida labadooduba waxay aad u cambaareeyaan sida ay Israel ula dhaqanto Falastiiniyiinta, waana labada siyaasi ee kaliya ee ka tirsan aqalka Congress-ka ee sida cad u taageera falcelinta falastiiniyiinta ee ku aadan go’doonka ay Israel galiso, iyo waliba dhaqdhaqaaqyada lagu bartilmaameedsado Israa’iiliyiinta, tan iyo muddo dheer.

    Arrintan waxay hadda sababtay in Ilhaan iyo Rashida ay noqdaan wakiilladii ugu horreeyay ee laga soo doortay Mareykanka oo abid laga mamnuuco galitaanka Israel.

    Rashida oo ah Haweeneyd 42 jir ah oo baratay cilmiga sharciga, waxay heysataa dhalasho Mareykan ah, balse waxay asal ahaan kasoo jeedda Falastiin.

    ka kale is-qabqabsiga u dhaxeeya, Donald Trump iyo Ilhaan Cumar oo Minesota ku matasha aqalka Kongareeska ee dalka Mareykanka ayaa ahaa mid soo socday, tan iyo markii la doortay Ilhaan.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Madaxweyne Xasan oo Booqday balan qaadna u sameyay Dhawacyadda Macawisleyda Hiiraan.

    May 19, 2025

    Sanbaloolshe oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka iyo maamulka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

    May 19, 2025

    DEG DEG Xildhibaan Qaali Cali Shire ayaa loo doortay Guddoomiyaha guddiga saaxiibtinimada

    May 19, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Madaxweyne Xasan oo Booqday balan qaadna u sameyay Dhawacyadda Macawisleyda Hiiraan.

    May 19, 2025

    Sanbaloolshe oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka iyo maamulka degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

    May 19, 2025

    DEG DEG Xildhibaan Qaali Cali Shire ayaa loo doortay Guddoomiyaha guddiga saaxiibtinimada

    May 19, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.