Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Gudoomiyaha Gobalka hiiraan mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa shir gudoomiyey kulan aan caadi aheeyn oo aay isugu yimaaden xubnaha maamulka gobolka heer degmo iyo heer gobal

    May 14, 2025

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

    May 14, 2025

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Gudoomiyaha Gobalka hiiraan mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa shir gudoomiyey kulan aan caadi aheeyn oo aay isugu yimaaden xubnaha maamulka gobolka heer degmo iyo heer gobal

      May 14, 2025

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

      May 13, 2025

      Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

      May 13, 2025

      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

      May 14, 2025

      DEG DEG Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday iskaashi dhaqaale oo istiraatiiji ah

      May 13, 2025

      Dood ka taagan diyaarad weyn oo hadiyad ahaan loo siinayo Trump

      May 13, 2025

      DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

      May 10, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Gudoomiyaha Gobalka hiiraan mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa shir gudoomiyey kulan aan caadi aheeyn oo aay isugu yimaaden xubnaha maamulka gobolka heer degmo iyo heer gobal

      May 14, 2025

      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

      May 14, 2025

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

      May 13, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Trump markale madaxweyne ma noqon karaa? iyo 3 su’aalood oo kale oo jawaab u baahan kadib dambiga lagu helay

    Trump markale madaxweyne ma noqon karaa? iyo 3 su’aalood oo kale oo jawaab u baahan kadib dambiga lagu helay

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 2, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Donald Trump ayaa Khamiistii maxkamada Manhattan ku heshay danbi ah inuu been abuur ku sameeyay dukumeenti uu ku qarinayay lacag uu siiyay jilaagii hore ee filimada anshax xumadada ah ee Stormy Daniels si ay uga aamusto xiriir ka baxsan guurka oo ay lahaayeen.

    Waa markii ugu horeysay oo Madaxweyne hore ee Mareykanka lagu soo oogo dacwad dambiyeed.

    Waxa lagu helay 34 tii eedaymood ee lagu soo oogay.

    Trump ayaa la filayaa inuu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimo ee dhici doonta 5-ta November.

    Ka dib markii xukunka lagu dhawaaqay, madaxwaynihii hore wuxuu ku andacooday inuu ahaa “xukun la musuqmaasuqay” sidaas darteed “xukunka dhabta ah uu noqon doono kan dadka ee bisha November.” ee doorashada.

    Haddaba waxaanu eegeynaa waxa xigi doona kiiska iyo sida ay u saamayneyso rabitaanka madaxweynenimada Trump.

    1. Maxaa xiga?

    Trump oo salaamaya taageerayaashiisa kadib markii xukunka lagu dhawaaqay.

    XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

    Qoraalka sawirka,Trump oo salaamaya taageerayaashiisa kadib markii xukunka lagu dhawaaqay.

    Trump ayaa maxkamada ka tagay isagoo xor ah.

    Garsoore Juan Merchan ayaa ku dhawaaqay in la xukumi doono 11-ka July saacadu marka ay tahay 10-ka subaxnimo.

    Garsooruhu waa inuu tixgeliyo dhowr arrimood marka uu xukunka ku ridayo, sida da’diisa (waa 77 jir), inuu horay dembi usoo galay iyo inuu ku guuldareystay inuu u hoggaansamo amarada ee ay soo saartay maxkamadda (kuwaasoo horeyba loogu ganaaxay).

    Xukunku waxa uu noqon karaa ganaax, sii dayn kormeer la socdo, ama xukun xabsi ah.

    Trump ayaa shaki la’aan dooran doona inuu racfaan ka qaato xukunka, habkaas oo qaadan doona bilo ama xitaa sanado.

    Marka uu racfaanka qaatana, waxaa la filayaa in lagu sii daayo damiin.

    2. Trump ma geli doonaa xabsiga?

    Waa suurtogal, in kasta oo aanan la dhihi karin boqolkiiba boqol xabsi ayuu Trump geli doonaa.

    34-ka dacwadood ee lagu helay ayaa dhamaantood ah dambiyada heerka E, qaybta ugu yar ee sharciga New York. Eedeyn kastaa wuxuu u dhigmi kartaa ugu badnaan afar sano.

    Sababo la xiriira da’da Trump, dambi hore oo uusan gelin, iyo xaqiiqda ah in dambigan loo haysto uu yahay dambi aan rabshad lahayn ayaa Garsoore Merchan wuxuu dooran karaa xukun ka yar sidaas darteedna wuxuu ka fogaanayaa inuu xabsiga dhigo madaxweynihii hore iyo musharaxa macquulka ah.

    Waxa kale oo jirta arrin la taaban karo. Trump, sida dhammaan madaxweynayaashii hore, wuxuu xaq u leeyahay ilaalinta ama in amnigiisa la sugo inta uu nool yahay oo dhan. Tani waxay ka dhigan tahay in ilaalada qaar ay tahay inay ku ilaaliyaan xabsiga.

     Arrinta Trump, "Waxay noqon doontaa tusaale dhab ah ... ma jiro taliye xabsi oo ogolaanaya,"

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka,Arrinta Trump, “Waxay noqon doontaa tusaale dhab ah … ma jiro taliye xabsi oo ogolaanaya,”

    Sidaas oo ay tahay, aad ayay u adag tahay in xabsiga lagu ilaaliyo madaxweynihii hore oo maxbuus ah. Waxay noqon doontaa khatar weyn oo xagga ammaanka ah oo uu kharash badan ku baxayo.

    “Nidaamyada xabsiyadu waxay daneeyaan laba shay: amniga hay’adda iyo hoos u dhigista kharashka,” ayuu yiri Justin Paperny, agaasimaha la-talinta xabsiga ee White Collar Advice.

    Arrinta Trump, “Waxay noqon doontaa tusaale dhab ah … ma jiro taliye xabsi oo ogolaanaya,”ayuu raaciyay.

    3. Trump markale ma noqon karaa madaxweyne?

    Siyaasad ahaan, lama ogaan karo sida xukunka Khamiista uu u saameyn doono tartanka madaxtinimo ee Trump.

    XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

    Qoraalka sawirka,Siyaasad ahaan, lama ogaan karo sida xukunka Khamiista uu u saameyn doono tartanka madaxtinimo ee Trump.

    Haa Dastuurka Maraykanku wuxuu digayaa shuruudo yar oo la xiriira u-qalmitaanka musharraxiinta madaxweynaha: Qofka musharraxa ah waa inuu ahaadaa ugu yaraan 35 jir, waa inuu muwaadin Maraykan ah yahay oo ugu yaraan 14 sano ku noolaa waddanka. Ma jiraan xeerar ka hor istaagaya musharraxiinta leh diiwaannada dembiyada inay ka qaybgalaan.

    Siyaasad ahaan, lama ogaan karo sida xukunka Khamiista uu u saameyn doono tartanka madaxtinimo ee Trump.

    Ra’yi ururin Bloomberg-Morning laga sameeyay horaantii sanadkan ayaa lagu ogaaday in 53% codbixiyayaasha gobolada muhiimka ah ay diidi doonaan inay u codeeyaan Trump haddii lagu xukumo.

    Ra’yi ururin kale oo jaamacadda Quinnipiac laga sameeyay ayaa lagu ogaaday in 6% codbixiyayaasha Trump ay aad u yar tahay inay u codeeyaan haddii lagu helo dambiga, taas oo keeni karta cawaaqib doorasho.

    Si kastaba ha ahaatee, marka la eego sida xooggan ee taageerada Trump ay u ahayd siddeedii sano ee la soo dhaafay, jawaabaha su’aalaha mala-awaalka ah ayaa laga yaabaa inaysan si sax ah u muujin xaqiiqda.

    5. Ma laga yaabaa in Trump uu iska cafiyo dambiga lagu helay haddii uu doorashada ku guuleysto?

    Maya. Madaxweynayaasha ayaa cafis u fidin kara kuwa galay dambiyada federaalka. Kiiskan waa arrin qaran, taasoo la macno ah inay ka bixi lahayd gacanta Trump haddii uu mar kale madaxweyne noqdo.

    Si la mid ah kiiskii Trump uu ku wajahay Georgia, halkaas oo lagu eedeeyay inuu dambi maleegay si uu u beddelo guuldarradii ciriiriga ahayd ee madaxweyne Joe Biden ee gobolkaas intii lagu jiray doorashada 2020. Kiiskaas ayaa hadda yaalla maxkamadda rafcaannada.

    Trump ayaa wajahaya labo kiis oo kale oo federaal ah, laakiin midkoodna uma badna in uu maxkamad hor istaago ka hor doorashada.

    Haddii labadaas kiis midkood lagu helo, khubaradu waxay isku khilaafeen inuu awoodda cafiska u adeegsan karo naftiisa. Trump wuxuu noqon karaa madaxweynihii ugu horreeyay ee tijaabiya.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Gudoomiyaha Gobalka hiiraan mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa shir gudoomiyey kulan aan caadi aheeyn oo aay isugu yimaaden xubnaha maamulka gobolka heer degmo iyo heer gobal

    May 14, 2025

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

    May 14, 2025

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Gudoomiyaha Gobalka hiiraan mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa shir gudoomiyey kulan aan caadi aheeyn oo aay isugu yimaaden xubnaha maamulka gobolka heer degmo iyo heer gobal

    May 14, 2025

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

    May 14, 2025

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.