Wasiirka Arimaha Gudaha Hirshabelle Mudane Cabdiraxmaan Daahir Guure Karoore iyo Guddomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Mudane Axmed Meyre Makaraan ayaa joob joog ahaa Doorashada xubno katirsan golaha Deegaanka Degmada Warsheekh oo maanta Doorashadooda markale ka dhacday Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe
Doorashada Golaha deegaanka oo socota maalintii labaad ayaa lagu doortay Todobo kursi oo kamid kuraasta Xildhibaanada golaha Deegaanka Degmada Waraheek iyado laba kamid ah ay ku Guuleysteen Dumar /Haween waxaana hoolka ku sugna oo goob joog ka ahaa Gudoomiyaha xilka ka dagaya ee Maamulka Degmada Warsheekh iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Hirshabelle
Wasiirka Arimaha gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan ayaa ugu Hambalyeeyey xubnaha maanta kuso baxay Doorashada dadaalkii ay muujiyeen iyagoona kula dardaarmay in si cadaalad ah ugu adeegaan Bulshada ay Mas’uulka ka yihiin.