Close Menu
    What's Hot

    Magacaabista Raโ€™iisulwasaare Cusub- Awood Siyaasadeed oo ka Dhalata Marxaladda Kala-guurka

    February 5, 2026

    Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

    February 4, 2026

    ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

    February 4, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG.Musharax Farxaan Jimcaale ”Waxaan go’aansaday in aan ka baxo tartankan

      February 4, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐–๐ž๐ž๐ซ๐š๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ซ๐š๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐ž๐ž ๐ˆ๐ข๐ซ๐š๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฅ๐š๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Magacaabista Raโ€™iisulwasaare Cusub- Awood Siyaasadeed oo ka Dhalata Marxaladda Kala-guurka

      February 5, 2026

      Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

      February 4, 2026

      ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

      February 4, 2026

      DEG DEG.Musharax Farxaan Jimcaale ”Waxaan go’aansaday in aan ka baxo tartankan

      February 4, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home ยป Toban waxyaabood oo Muslimiintu laga doonayo inay sameeyaan Ciidul-Fitriga

    Toban waxyaabood oo Muslimiintu laga doonayo inay sameeyaan Ciidul-Fitriga

    By radiohalgan.comApril 10, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ciidul-Fitri ayaa loo dabaal-degaa maalinta koowaad ee bisha Shawaal, waxaana loo dabaal degaa sidoo kale dhammaadka bisha barakeysan ee Ramadaan, oo ah tan ugu barakeysan taariikhda bilaha Islaamka.

    Muslimiinta dunida ayaa iyagoo aad u faraxsan u dabaal-dega bishan. Waxay Muslimiintu bishan kusoo dhoweeyaan xirashada dhar cusub, karinta cunnooyin macaan, iyo la kulanka asxaabta iyo qaraabada.

    Muslimiinta ayaa ku bilaaba maalintooda akhrinta Takbiirta oo lasii wadayo kahor salaadda Ciidda.

    Dalalka Islaamka oo Soomaaliya ka mid tahay, Takbiirta waxaa laga sii daayaa idaacadaha iyo telefishinnada sidoo kale. Takbiirtu waa aqoonsashada weynaanta Alle.

    Inkastoo meelo badan laga ciidayo, haddana Muslimiinta qaar ayaa laga yaabaa inay xoogaa ka daahaan Ciidda iyadoo ay ku xiran tahay halka ay joogaan. Dadka qaar ayaa soomay maalin kadib markii inta badan Muslimiintu ay soomeen, waxayna u badan tahay inay maalin kale uga dambeeyaan Ciidda.

    Caadiyan, waa xilli ay isugu yimaadaan qoysaska iyo saaxiibbada ayna isku rajeeyaan “Ciid Mubaarak” waxayna wadaagaan cunno, is dhaafsadaan haddiyado waxayna sidoo kale bixiyaan sadaqo.

    Mala isku raacay Ciiddan?
    Ciid

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Ciidul Fidriga ayaa ku beegan maalinta koowaad ee bisha tobnaad ee Shawaal oo maanta ay u tahay inta badan dalalka Islaamka ee dunida, laakiin Islaamka dhexdiisa waxaa ka taagan dood ku saabsan goorta ay tan dhab tahay.

    Halka qaarna ay raacaan jadwalka Dayaxa ee la dejiyay qaarna ay isticmaalaan indho-indheynta xiddigiska si ay ugu dhawaaqaan bisha curashadeeda, inta badan muslimiintu waxay calaamadeeyaan bil cusub kaliya ka dib markii bil dhalatay oo cusub dhab ahaan loogu arko cirka.

    Tan waxaa sida caadiga ah sameeya mas’uuliyiin ka tirsan mas’uuliyiinta Islaamka, halkii ay ka ahaan lahaayeen shakhsiyaadka eegaya cirka.

    Lama hubo tirada dalalka Islaamka ee aan maanta ciidin, balse waxaa jira dalal ay ka mid tahay Hindiya oo aan qeybo badan oo ka mid ah laga ciidin.

    Haddaba maxaa laga doonayaa Muslimiinta?

    Ciidda

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Ciiddu waa muhiim sababtoo ah waxay ka dambeysaa Ramadaan – bisha soonka markaasoo Muslimiintu ay iska daayaan wax cunidda, cabidda, sigaarka iyo arrimo kale xilliga maalintii.

    Bishan ayaa loo markaa xilli uu qofku is xisaabinayo, naftiisa hagaajinayo, is xakameynayo uuna Alle u dhowaanayo.

    Bal aynu eegno, 10 waxyaabood oo culimadu ay kula talinayaan Muslimiinta inay sameeyaan maanta oo kale.

    • Ku bilow inaad wax cunto ama cabto kahor inta aadan salaadda aadin
    • Alle u mahad-celi adiga oo cunno wanaagsan qoyska u diyaarinaya si ay u cunaan kahor inta aysan salaadda Ciidda soo tukan.
    • Hubi in Zakatul-Fitriga la bixiyay haddii aan hore loo bixin kahor Ciidda.
    • Qubeyska iyo nadaafadda oo lagu dadaalo.
    • Xiro dhar cusub amaba nadiif ah sidoo kalena is carfi (ragga).
    • Aad masjidka adiga iyo qoyskaagaba – oo carruurtu ka mid yihiin, rag iyo dumarba sidoo kale.
    • Tirada Takbiirta inta lagu guda jiro masjidka waa in la sii wadaa ilaa Imaamku uu goobta imaanayo bilaabayana salaadda.
    • Waxaa la jecel yahay in la dhegeysto khudbada Sheekha kadib salaadda marka la tukado.
    • Waa sunno in la beddesho waddada – taasinaa waa, in qofku uu jid kale maro oo ka duwan tii uu ugu yimid masjidka si dadka dunidu ay u arkaan Muslimiinta oo Ciidda u dabaal-degaya.
    • Kadib marka aad kasoo baxdo masjidka, adiga, asxaabtaada iyo qoyskaaguba isla wadaaga farxadda Ciidda.
    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Magacaabista Raโ€™iisulwasaare Cusub- Awood Siyaasadeed oo ka Dhalata Marxaladda Kala-guurka

    February 5, 2026

    Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

    February 4, 2026

    ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

    February 4, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Magacaabista Raโ€™iisulwasaare Cusub- Awood Siyaasadeed oo ka Dhalata Marxaladda Kala-guurka

    February 5, 2026

    Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo Xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

    February 4, 2026

    ๐˜๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐—๐ฎ๐ช๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ฅ ๐ˆ๐ง๐ฌ๐š๐š๐ง๐ค๐š?

    February 4, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.