Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    WAR CUSUB: Israa’iil oo cabaad iyo catawaa afka labadiisa taago ku dhawaaqday.

    June 15, 2025

    DEGDEG: Dowladdaha waa weyn ee reer galbeedka oo cabsi weyn soo food saartay kadib jawb celinta Iran.

    June 15, 2025

    DEGDEG: Dowladdaha waa weyn ee reer galbeedka oo cabsi weyn soo food saartay kadib jawb celinta Iran.

    June 15, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweyne Deni oo bil kadib soo dhaweeyay Golaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

      June 15, 2025

      MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILKA AGAASIMAHA NISA U WAREEJIYEY MUDANE MAHAD MAXAMED SALAAD

      June 14, 2025

      RW Xamse oo daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12aad.

      June 14, 2025

      DEG DEG Ciidanka Puntland oo qabtay nin u dhashay Turkiga oo Daacish katirsanaa.

      June 14, 2025

      WAR CUSUB: Israa’iil oo cabaad iyo catawaa afka labadiisa taago ku dhawaaqday.

      June 15, 2025

      DEGDEG: Dowladdaha waa weyn ee reer galbeedka oo cabsi weyn soo food saartay kadib jawb celinta Iran.

      June 15, 2025

      DEGDEG: Dowladdaha waa weyn ee reer galbeedka oo cabsi weyn soo food saartay kadib jawb celinta Iran.

      June 15, 2025

      News: Xarunta ugu weyn ee lagu barto hubka nuclear-ka Israa’iil oo burbur keeda lasoo bandhignay.

      June 15, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      WAR CUSUB: Israa’iil oo cabaad iyo catawaa afka labadiisa taago ku dhawaaqday.

      June 15, 2025

      DEGDEG: Dowladdaha waa weyn ee reer galbeedka oo cabsi weyn soo food saartay kadib jawb celinta Iran.

      June 15, 2025

      DEGDEG: Dowladdaha waa weyn ee reer galbeedka oo cabsi weyn soo food saartay kadib jawb celinta Iran.

      June 15, 2025

      News: Xarunta ugu weyn ee lagu barto hubka nuclear-ka Israa’iil oo burbur keeda lasoo bandhignay.

      June 15, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Tirada shaqaalaha ay shirkadda Hormuud ku waysay qaraxyo iyo dilal qorshaysan

    Tirada shaqaalaha ay shirkadda Hormuud ku waysay qaraxyo iyo dilal qorshaysan

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 30, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee ka jira Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay la kulmaysay weerarro qaraxyo ah iyo dilal toos ah oo lala beegsaday xarumaha iyo shaqaalaheeda.

    Dhacdadii ugu dambeysay ayay shirkaddu ku wayday lix ka mid ah shaqaalaheeda oo ku geeriyooday qarax lala eegtay gaari ay saarnaayeen oo marayey deegaanka Garasbaaley oo ka tirsan Muqdisho.

    War kooban oo ay shirkaddu soo saartay waxay sheegtay in qaraxan uu ka mid yahay qarayxo ka horreeyay oo lagu weeraray shaqaalaheeda iyo xarumaheeda oo 19-kii bishii Maarso oo la weeraray xaruntooda Daallo oo ku taalla degmada Howlwadaag ee Muqdisho.

    Dowladda Soomaaliya oo iyaduna ka hadashay weerarka Hormuud ayaa cambaaraysay weerrarkaas oo ay ku tilmaameen “inay ka dambeeyeen al-Shabaab’ sida uu BBC-da u sheegay wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-cadaala, laakiin ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

    Wasiir Cadaala oo BBC-du waydiisay waxaa shirkada xarumaheeda Muqdisho loo beegsanayo iyadoo xarumo ku leh halka ay al-Shabaab maamulaan ayuu yiri,“Hormuud waxay ku jirtaa shirkado iyo ganacsato badan oo Soomaaliyeed oo kooxda al-Shabaab weerareen oo bartilmaameedsadeen” ayuu yiri Cadaala.

     

    Tirada shaqaalaha Hormuud ee ku dhintay weerraro qaraxyo ah iyo dilal

    Hormuud

    XIGASHADA SAWIRKA,ERIC LAFFORGUE/ART IN ALL OF US

    Warbixin BBC-du ka heshay waaxda warfaafinta ee Shirkada Hormuud ayaa muujinaya sida ay u korortay tirada shaqalaaha shirkadda ee ku dhintay qaraxyo lala eegtay xarumaha shirkada, gawaari shaqaalaheedu saarnaayeen iyo dilal bartilmaameedsi ah oo lala eegtay.

    Sida ilo ka tirsan shirkadda ay BBC u sheegeen, tirada shaqaalaha laga dilay shirkadda intii u dhaxeysay 2023-2024 ayaa ahayd siddeed qof, oo lix ka mid ahaa isku meel lagu dilay.

    Sidoo kale xarumaha laga burburiyay shirkadda ayaa gaaraya sagaal xarun oo ku kala yaalla Muqdisho iyo naxaawigeeda, sida ay shirkaddu sheegtay.

    Waxay ahayd dabayaaqadii bishii December ee sanadkii hore, markii aroortii 26-kii December gaari uu lahaa nin injineer ah oo ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud lagu qarxiyay dibadda gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Daaru Salaam ee magaalada Muqdisho.

    Qaraxa oo ahaa nooca gawaarida lagu xiro ayaa qarxay wax yar uun ka hor inta uusan injineerku gaariga fuulin bannaanka gurigiisa. Lama soo sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxaas, waxaase jiray burbur soo gaaray gaariga.

    Qaraxan ayaa noqonaya kii 13-aad ee lala beegsado shaqaalaha, gawaarida iyo xarumaha shirkadda tan iyo 7-dii Noofeembar markaas oo qaraxyadii ugu horeeyay lagu weeraray labo xarumood oo ku kala yaala Xero Jarmal iyo deegaanka tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.

    Ma jirin cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas lala eegtay gaariga injineerka.

    Hormuud

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

    Qoraalka sawirka,Gaariga injineerka ee la qarxiyay, 26 December 2023

    Sidoo kale isla bishii December ayay ahayd markii qarax loo adeegsaday nooca miinada nooca dhulka lagu aaso lala eegtay gaari ay leedahay Shirkadda Hormuud oo marayey deegaanka KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho.

    Axmed Cumar Cabdulle oo ka tirsanaa shaqalaha shirkadda Hormuud ayaa u geeriyooday xilligaas dhaawac kasoo gaaray qaraxa.

    Xarumo ay shirkadda ku lahayd degmada Dayniile iyo Ceelasha Biyaha ayaa sidoo kale qaraxyo lagu burburiyey.

    Xarumaha shirkadda keliya laguma beegsan Muqdisho iyto naxaawigeeda, sanadkii 2019 shirkadda ayaa dowladda Kenya ku eedeysay burburin loo geystay xarumo ay ku lahayd xadka Soomaaliya iyo Kenya.

    Mid ka mid ah xarumaha shirkadda ee xilligaas la weeraray ayaa waxaa ka mid ahayd xarun ku taalla deegaanka Cows-qurun oo u dhow degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxaa lagu burburiyay anteenada iyo qalabkii shirkadda ee halkaas ka shaqeynayay.

    Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa markaas cambareysay burburinta biraha isgaarsiinta. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayey dowladda ku sheegtay in “saameyn weyn oo dhanka ganacsiga iyo nolosha ah ay arrintan yeelaneyso”.

    Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeyso burburinta xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee Soomaaliya, balse way ka gaabsatay in ay ka jawaabto.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    WAR CUSUB: Israa’iil oo cabaad iyo catawaa afka labadiisa taago ku dhawaaqday.

    June 15, 2025

    DEGDEG: Dowladdaha waa weyn ee reer galbeedka oo cabsi weyn soo food saartay kadib jawb celinta Iran.

    June 15, 2025

    DEGDEG: Dowladdaha waa weyn ee reer galbeedka oo cabsi weyn soo food saartay kadib jawb celinta Iran.

    June 15, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    WAR CUSUB: Israa’iil oo cabaad iyo catawaa afka labadiisa taago ku dhawaaqday.

    June 15, 2025

    DEGDEG: Dowladdaha waa weyn ee reer galbeedka oo cabsi weyn soo food saartay kadib jawb celinta Iran.

    June 15, 2025

    DEGDEG: Dowladdaha waa weyn ee reer galbeedka oo cabsi weyn soo food saartay kadib jawb celinta Iran.

    June 15, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.