Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

    July 7, 2025

    DEG DEG Dagaal Culus oo ka socda Duleedka Moqokori.

    July 7, 2025

    DEG DEG:- Qarax Ismiidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay Maqokori

    July 7, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

      July 7, 2025

      DEG DEG Dagaal Culus oo ka socda Duleedka Moqokori.

      July 7, 2025

      DEG DEG:- Qarax Ismiidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay Maqokori

      July 7, 2025

      Guddoomiye ku xigeynkii Hore Arimaha Bulshadda Degmadda jalalaqsi Ayaa Taladaan Soo jeediyay Abuukar Maxamed Cali Gaabow

      July 5, 2025

      War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

      July 4, 2025

      Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

      July 4, 2025

      Madaxweynaha Jubaland, Axmed madoobe ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo

      June 30, 2025

      DEG DEG Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan 

      June 28, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

      July 7, 2025

      DEG DEG Dagaal Culus oo ka socda Duleedka Moqokori.

      July 7, 2025

      DEG DEG:- Qarax Ismiidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay Maqokori

      July 7, 2025

      Guddoomiye ku xigeynkii Hore Arimaha Bulshadda Degmadda jalalaqsi Ayaa Taladaan Soo jeediyay Abuukar Maxamed Cali Gaabow

      July 5, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Tartankii feedhka ee ugu horreeyey oo Hargeysa lagu qabtay

    Tartankii feedhka ee ugu horreeyey oo Hargeysa lagu qabtay

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJuly 29, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Waxa magaalada Hargeysa laga bilaabay tartan dhinaca Feedhka ah, oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qabto Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanideeda ee Somaliland.

    Tartankan oo ay ka qayb galeen siddeed feedhyahan oo ka socday xarumo lagu barto feedhka oo ku yaalla magaalada Hargeysa iyo Gebilay, ayaa dhowr maalmood socon doona, sida la baahiyey.

    Furitaankii tartanka oo lagu qabtay Garoonka Tima Cadde ee Hargeysa, waxaa ka qayb galay boqollaal qof oo tartankan aad u xiisaynayey.

    Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland ayaa BBC u sheegay in ay ka taxaddareen sidii loo ilaalin lahaa bedqabka tartamayaasha, isla mar ahaantaana ay diyaariyeen agabkii muhiimka u ahaa oo ay ka taxaddareen in waxyeello ay soo gaadho dhallinyarta tartamaysa, si gaar ah caafimaadka.

    “Shuruuc ahaan iyo caafimaad ahaan intaba waannu maaraynay, oo amniga iyo bedqabka aad baa loo ilaaliyey, oo nidaamka caalamiga ah buu waafaqsan yahay. Mana ahaa feedhkii cuslaa ee waa ka fudud” ayaa BBC-da uu u sheegay wasiir Cabdirisaaq Muuse Faarax.

    Sidee ayay u arkayeen ka soo qaybgelayaashii tartankan?

    Cayaarta Feedhka
    Cayaarta Feedhka

    Tartankan ayaa tartamayaasha loo kala tirinayey dhibco ku xidhan habka uu ka qaybgaluhu u raaco shuruucda ciyaarta sida ay Xidhiidhka Ciyaaraha Feedhka ee Somaliland.

    Siddeedda tartame ayaa u wada ciyaarayey laba laba, taas oo ay u soo gudbeen wareeggii koowaad afar tartame.

    “Marka hore, dhibcahayga waxaan keenay 145, halka walaalkayga aan ka badiyey uu keenay 138, waxa aan ka sarreeyeyna yahay toddoba dhibcood la isma odhan karo waan ka badiyey ee nasiibkaa i caawiyey” ayuu yidhi Xamse Mahad oo metelayey goobta feedhka lagu barto ee ZU Boxing Centre, oo ku taal magaalada Gebilay, kana mid ahaa guulaystayaahii tartankan oo BBC-da la hadlay.

    “Ciyaarta waxaa u soo diyaargaroobay guul iyo guuldarro, aniga nin saxiibkay ah baa iga badiyey, cashar bandanna waan ka bartay waxyaalaha galdalooladayda ahna in aan soo saxo tartamada danbe ayaan rajeeynayaa” ayuu yiri Maxamed Cabdi Muuse, oo metelayey Saban Boxing Center, oo Hargeysa ku taal, kana mid ahaa tartamayaashii hadhay wareeggan.

    Tartankan oo ay soo gudbeen afar tartame ayaa la filayaa in wareegga labaad ay sii wada ciyaaraan afartaas tartame, oo ugu danbayn uu ka soo baxo guulaystaha u danbeeya ee tartankan.

    Cayaarta Feedhka

    Soomaalida iyo Feedhka

    Wasaaradda Ciyaaraha ee Somaliland ayaa sheegtay in abaalmarin la guddoonsiin doono tartamaha ku guulaysta tartankan.

    Feedhka ayaa ka mid ah ciyaaraha loogu jecel yahay ee adduunka laga ciyaaro, kuwaas oo ay xiiseeyaan taageerayaal aad u tiro badan.

    Balse, tartanka feedhka ayaan ka mid ahayn ciyaaraha sida weyn looga tixgeliyo guud ahaan dhulka Soomaalida.

    Soomaaliya waxaa jirtayba mar la hakiyey ciyaarta feedhka xilligii dawladdii Kacaanka.

    Xidhiidhka Soomaaliyeed ee feedhka (SBF) waxa uu soo bilowday sanadkii 1935-kii, balse waxaa ciyaarahan ka mamnuucay dalka 1978-dii dowladdii milateriga ahayd ee xilligaasi jirtay, ka dib markii uu qof dhintay isagoo ka qayb qaadanaya tartan feer. 40 sano ka dib – 2018 – ayaa dib loo bilaabay goobaha lagu barto feerka.

    Soomaaliya weligeed kama ay qayb galin tartanka feedhka ee ciyaaraha Olombigga, billad ay ku guulaysatana waxaa sannadahan dambe jiray qaar aan badnayn oo Cayaaryahan Mudalib Mahad Faarax uu ka soo hooyey tartamo gobolka Afrikada bari ka dhacay, Sidoo kale waxaa jira ciyaartoy Soomaali ah oo ku nool qurbaha kuwaas oo isku deyeya in ay tatankan guul ka gaadhaan.

    Dadkaas waxaa ka mid ah Ramla Cali oo ku rejo weyn in Soomaalida ay ku metesho feedhkaas fagaarayaasha iyo tartamada caalamiga sida cayaaraha Olombigga ee haatan dalka Faransiiska, gaar ahaan Paris ka socda.

    Ciyaaraha fudud ee lagaga qayb galo tartammada Olombikada sida orodka Soomaali badan ayaa guul ka gaadhay sida Cabdi Bile oo hore Soomaaliya guul weyn ugu soo hooyay iyo orodyahanka Soomaaliga ee Mo Farah oo UK u orda kaas oo wacdaro dhigay Olombikadii laba jeer oo kala duwan.

    Ciyaaraha fudud ee feedhku ka mid yahay ayaa ka mid ah waxyaalaha dad badan u arkaan in shaqo abuur u noqon karo dhallinyarta Soomaaliyeed.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

    July 7, 2025

    DEG DEG Dagaal Culus oo ka socda Duleedka Moqokori.

    July 7, 2025

    DEG DEG:- Qarax Ismiidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay Maqokori

    July 7, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG:- Kooxda ee AS ayaa la wareegtay degmada Moqokori

    July 7, 2025

    DEG DEG Dagaal Culus oo ka socda Duleedka Moqokori.

    July 7, 2025

    DEG DEG:- Qarax Ismiidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay Maqokori

    July 7, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.