Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

      June 9, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

      June 9, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Tallaabo laga qaaday nin Soomaali ah oo ‘sharciga xaaskiisa’ dal Yurub kamid ah ku geliyay gabar wariye ah

    Tallaabo laga qaaday nin Soomaali ah oo ‘sharciga xaaskiisa’ dal Yurub kamid ah ku geliyay gabar wariye ah

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 6, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ninkan Soomaali ah ayaa la xiray kadib markii lagu helay dambi ah in gabar wariye ah oo kasoo carartay Soomaaliya uu ku geliyo dalka Ireland isaga oo isticmaalaya sharci qaldan.

    Gabadha ayaa markii la qabtay sheegtay in dalkeeda oo aan ammaan ahayn awgiis ay isaga soo carartay, sidaasna ay isku arkeen ninkan oo tahriibinayay.

    Ninka lagu helay isaga oo si sharci darro ah kusoo gelinaya gabadha dalka Ireland ayaa xabsiga ku jiray muddo 18 bilood ah.

    Ninka oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Cumar oo 31 jir ah ayey maxkamaddu u sheegtay in uusan helin wax lacag ah markii uu gabadha wariyaha ah siiyay kaarka aqoonsiga ee Sweden ee ay lahayd xaaskiisa si uu uga caawiyo gelitaanka dalka.

    Cabdiqaadir ayaa xilliga uu gabadha wariyaha ah soo gelinayay dalka waxa ay kasoo kicitimeen magaalada Madrid ee dalka Spain sida ay Maxkamadda Dembiyada ee Dublin sheegtay xilli kiiskiisa la dhageysanayay.

    Sarkaal ka tirsan waaxda socdaalka ee garoonka diyaaradaha ee Dublin ayaa ogaaday in haweeneyda wejigeedu uusan la mid ahayn sawirka kaarka ku dheggen, waxaana markii la baaray boorsadeeda la helay dukumeentigeeda aqoonsiga. Haweeneyda ayaa markaas dhiibatay codsi ah in aan dib loo celin, waxaana magangelyo laga siiyay Ireland, sida ay maxkamaddu sheegtay.

     

    Cabdiqaadir oo ciwaan deganaasho ah ku leh magaalada Sandesslatt ee dalka Sweden, ayaa qirtay hal danbi oo ah in qof uu tahriib kusoo geliyay garoonka diyaaradaha ee Dublin 3-dii November ee la soo dhaafay. Waxa hore loogu xukumay qaar ka mid ah dembiyada waddooyinka yar yar, waxaana sidaas caddeeyay qoraal ka yimid booliska Interpol. Waxa uu xabsiga ku jiray tan iyo markii uu dalka ku galay qaabka tahriibinta ah.

    Garda Pat Murray ayaa maxkamada u sheegay in Cabdiqaadir iyo haweeneyda ay ku yimaadeen garoonka diyaaradaha ee Dublin diyaarad ay ka soo raaceen Madrid maalintii su’aalaha la weydiiyay, iyagoo iska dhigayay lamaane is qaba.

    Ireland

    XIGASHADA SAWIRKA,NIALL CARSON/PA WIRE

    Qoraalka sawirka,Ireland iyo xarigga uu wajahay ninka Soomaaliga ah

    Si kastaba ha ahaatee, kaarka aqoonsiga ee laga leeyahay Sweden isla markaana ay sida sharci darrada ah ku isticmaaleysay suxufiyaddan ayaa waxaa ka muuqatay isku ekaansho la’aan wejiga ah marka loo eego qaabka tignoolajiyadda waxaana soo baxay shakiga sarkaalka socdaalka.

    Haweeneyda ayaa sarkaal Gardaí u sheegtay in lacag dhan 2,800 oo Yuuro ay siisay nin ku sugan Soomaaliya, kadibna uu la soo xiriiray Cabdiqaadir si uu dalka Ireland u geliyo. Waxa ay sheegtay in ay Soomaaliya uga soo carartay Shaqadeeda Suxufinimo iyo caqabdo ay kala kulantay, sida ay Maxkamaddu sheegtay.

    Cabdiqaadir oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, balse ku nool dalka Sweden ayaa haweeneydan la kulmay kadib markii uu u duulay magaalada Madrid halkaas oo uu ugu tagay. Waxa uu siiyay kaar aqoonsi oo Swedish ah oo “u eg”, kaas oo ay si dhab ah u lahayd xaaskiisa.

    Oisín Clarke BL, oo difaacayay ama ahaa qareenka, ayaa sheegay in Cabdiqaadir uu hooyadiis iyo walaalihiis kala soo baxsaday Soomaaliya isagoo 13 jir ah. Waxa uu sheegay in Cadbuqaadi uu aqbalay in uu gabadha weriyaha ah caawiyo xilli ay kasoo carartay Soomaaliya isagana uu yahay waayo arag og waxa Soomaaliya kajira. “Waxa uu u sameynayay sababo nafsi ah.”

    Xukunka Cabdiqaadir, Garsoore Martin Nolan ayaa aqbalay in uu dambiga u galay “ujeedooyin wanaagsan” laakiin waxa uu ku xukumay 18 bilood oo xabsi ah, kaas oo uu dib ugu celiyay markii eedaysanaha xabsiga la dhigay bishii November ee la soo dhaafay.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.