Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG: Gudoomiye Muungaab oo ku wajahan furimaha Dagaalka .

    August 18, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tagaya Dhuusamareeb iyo ujeedka Safarkiisa

    August 18, 2025

    Taliye ku Xigeenkii CID Beledweyne oo qof shacab ah ku dilay deegaanka bacaad ee Waqooyiga Beledweyne, 

    August 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG: Gudoomiye Muungaab oo ku wajahan furimaha Dagaalka .

      August 18, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tagaya Dhuusamareeb iyo ujeedka Safarkiisa

      August 18, 2025

      Taliye ku Xigeenkii CID Beledweyne oo qof shacab ah ku dilay deegaanka bacaad ee Waqooyiga Beledweyne, 

      August 16, 2025

      Maxay ka wada hadleen odayaasha caawa lakulmay Gudoomye muuse salaad wehliye?

      August 15, 2025

      Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Xarigga Ka Jaray Safaaradda Cusub

      August 11, 2025

      Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Xarigga Ka Jaray Safaaradda Cusub

      August 11, 2025

      Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

      July 31, 2025

      Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

      July 31, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      DEG DEG: Gudoomiye Muungaab oo ku wajahan furimaha Dagaalka .

      August 18, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tagaya Dhuusamareeb iyo ujeedka Safarkiisa

      August 18, 2025

      Taliye ku Xigeenkii CID Beledweyne oo qof shacab ah ku dilay deegaanka bacaad ee Waqooyiga Beledweyne, 

      August 16, 2025

      Maxay ka wada hadleen odayaasha caawa lakulmay Gudoomye muuse salaad wehliye?

      August 15, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Taliye Sanbaloolshe ma ku guuleysan doona qorshaha uu ku doonayo inuu reerkiisa…

    Taliye Sanbaloolshe ma ku guuleysan doona qorshaha uu ku doonayo inuu reerkiisa…

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 13, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa laba jeer ku laabtay gobolka Hiiraan, tan iyo markii loo magacaabay hoggaanka cusub ee hay’adda NISA.

    Sababta ugu weyn ee safaradiisa ayaa lagu sheegay mid uu ku raadinayo inuu reerkiisa ku qanciyo inay dib u bilaaban gulufkii ka dhanka ahaa argagixisada.

    Reer Hiiraan, gaar ahaan beesha uu ka dhashay Taliye Sanbaloolshe ayaa haysta diiwan ammaan mudan marka laga hadlayo sida ay ula dirireen argagixisada, ugana saareen inta badan deegaanadooda.

    Tan iyo markii uu dagaalka dhaafay waxaa batay jabka iyo ciidamada kasoo baxaya furimaha. Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh waxay fahamsan tahay in howl-galkan cusub aan looga maarmi karin reerkan sida ba’an u jabiyay argagixisada.

    Waxay qabaan reerkan tabashooyin siyaasi ah, si gaar ah mid la xiriirta maamulka HirShabelle. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saddexdii bilood ee ugu dambeysay waxa uu reerkan siiyay laba kursi oo muhiim ah, waana Taliyaha NISA iyo Safiirka Turkiga, waxaana uu hadda uga fadhiya inay dagaalka ku garabsiiyan.

    Waxay u muuqata in tabashadooddii federaalka ay hoos u dhacday balse midda ay ka qabaan HirShabelle iyo sida looga qanci karo ayaa ah culeys weyn oo horyaala Taliye Sanbaloolshe.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu sugayo in Sanbaloolshe reerkiisa kusoo qanciyo inay dagaalka dib ugu soo laabtan. Culeysyada kale ee jira ee burintana u baahan waxaa kamid ah; argagixisada oo odayaal iyo dad deegaanka jooga oo reerkaas ah dhowr jeer usoo bandhigay inay nabad ka qaataan.

    Sida muuqata reerkan loogama maarmo dagaalka, Sanbaloolshe inuu kusoo qancin waayo wax weyn ayey u dhimi kartaa qorshihiisa cusub ee la-dagaalanka argagixisada iyo jihada cusub ee hay’adda NISA.

    Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dooneysa inay dib ugu laabato la-dagaalanka argagixisada, halkaas oo uu sidoo kale madaxweynaha doonayo inuu kusoo ceshto dhibcihii uga lumay xoog ku meel-marintii dastuurka iyo buuqii siyaasadeed ee taagna waayahan.

    Dadka qaar waxay aaminsan yihiin inuu Sanbaloolshe reerkiisa kusoo celin karo dagaalka, balse ay dhici karto inay shuruudo adag miiska keenaan sida; in loo damaanad qaado madaxtinimada maamulka HirShabelle doorashada soo aadan.

     

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Dabley hubeysan oo laba ruux ku dilay magaalada matabaan duleedka

    May 6, 2025

    Wararkii u dambeeyay dagaal ka dhacay Aboorey iyo dhaqdhaaqyo ka socda deegaankaas

    April 23, 2025

    Dhageyso:-Dhagaweyne oo ku sugan furimaha dagaalka ayaa beeniyay warar shaqsiyaad u adeega Argagixisada baraha bulshada ku baahiyeen

    February 26, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG: Gudoomiye Muungaab oo ku wajahan furimaha Dagaalka .

    August 18, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tagaya Dhuusamareeb iyo ujeedka Safarkiisa

    August 18, 2025

    Taliye ku Xigeenkii CID Beledweyne oo qof shacab ah ku dilay deegaanka bacaad ee Waqooyiga Beledweyne, 

    August 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.