Kulankaan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socotay wasaarada amniga gudaha iyo xqfiiska amniga qaranka.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta taageerada deeq-bixiyaashu ay siiyaan ciidanka booliska Soomaaliyeed ee dhinacyada tababarida ciidanka, mashaariicda horumarineed iyo ka qeybqadashada dagaalka.
S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa sheegay in xiligaan oo lagu jiro dagaalka kooxaha argagixisada ah ay muhiim tahay in la helo ciidan boolis ah oo la wareega meelaha laga saaro argagixisada.
Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamka ee la xiriirta tayeynta dhismaha xarumaha ciidanka.
Madaxdii ka socotay safaaradaha Mareykanka,Ingiriiska, Talyaaniga, UNSOM, UNSOS POLICE, EUCAP, ATMIS POLCE, UNDP, IOM, UUNMAS, Adam Smith iyo IDLO ayaa dhamaantood bogaadiyay qorshaha fiidanka booliska Soomaaliyeed iyo doorka xafiiska istiraatiijiyadda.
Xubnahan ayaa sidoo kale ammaanay howsha dardarta leh ee uu taliyaha wado, iyagoo ballan-qaaday iney booliiska Soomaaliya gacan weyn ka siin doonaan sare u qaadista aqoonta, tababarka, iyo agabka ciidanka booliska.
Kulankaan ayaa imanaya xilli taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ay maxkamadda gobolka Banaadir ay fartay inuu soo qabto Axmed Madoobe, si loo horgeeyo maxkamadda, kadib markii ay dhawaan u jartay waaran soo qabasho.
Axmed Madoobe iyo dowladda federaalka ayaa khilaafkooda sii xoogeystay kadib markii uu Kismaayo ku qabsaday doorasho uu markale kusoo baxay, taasi oo ay ka hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.