Taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA, Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Sanbaloolshe ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya xildhibaanno iyo siyaasiin ay kamid yihiin madaxweynihii Koowaad ee HirShabelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble, ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha ciidamada deegaanka Cali Jeyte Cismaan, xildhibaan Cabdiraxmaan Gurey iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax.
Mas’uuliyiintan waxa ay marka ay tageen magaalada kusoo dhaweeyay maamulka demada Maxaas mas’uuliin kala duwan saraakiil ciidan iyo boqolaal dadweyne ah.
Ujeedka taliyaha NISA iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ah dhameestirka shirweynaha mid kamid ah beelaha degan gobolka Hiiran oo ka socdey degmada Maxaas, isla markaana uu go-gosha shirka uu dhigay Taliye Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Gogoshaas nabadeed oo uu taliyaha horay ugu dhigay Beelweynta Cali Madaxweyne ee beesha Xawaadle ayaa lagu macneeyay mid aayo ka tashi ah oo ay ku sameysanayaan hoggaamiye dhaqameed ay isku raacsan yihiin.
Sanbaloolshe ayaa sheegay in markii hore beeshaan uu Nabadoon u ahaa Cilmi Hagar Guure oo lagu dilay dagaaladii Al-Shabaab iyo beesha Xawaadle ku dhexmaray gobolka Hiiraan.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Beelweynta Cali Madaxweyne ay talo iyo towfiiq lahaayeen markii ay galeen dagaalkii Al-Shabaab, balse hadda aysan jirin wax talo ah.
Hiiraan ayaa ah halka uu ka billowday kacdoonka dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab, kaas oo haatan ku fiday qaybo badan oo kamid ah dalka.