Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Shiikh Muxuyadiin, ayaa heshiis la saxiixday Ku xigeenka Taliyaha Ciidamada guud ee Uganda, ahna ku-simaha Taliyaha Ciidamada dalkaas, Lt Gen Sam Okiding.
Heshiiskan ayaa ku saabsan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaasoo bilaaban doona sanadka 2025.
Dowladda Uganda ayaa hore u sheegtay in ay diyaar ka mid noqoshada howlgalka cusub Midowga Afrika ee AUSSOM.
Dowladda Soomaaliya faahfaahin dheeraad ah kama bixin heshiiskan, inuu la xiriiro ka mid noqoshada howlgalka cusub ee dowladda Uganda, balse Ciidamada Uganda ayaa kamid ah askartii ugu horreeyay ee nabad ilaalin u yimaada Soomaaliya, iyaga oo ku howlgalaya magaca AMISOM.
Dhinaca kale, Sarreeye Gaas Ibraahim Shiikh Muxuyadiin oo hogaaminaya wafdi ka socda Soomaaliya, ayaa sidoo kale safaro ku tagi doona dalalka Burundi iyo Kenya. Safarradan waxay diiradda saarayaan sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo taageerada ciidamada ee ka imanaya dalalka Midowga Afrika, iyo qorshaha howlgalka cusub Midowga Afrika ee Soomaaliya.