Taliyaha Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka soomaaliyeed Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa aroornimadii hore ee saaka soo gaaray Magaalada Baladwayne.
Taliyaha waxaa safarkiisa qayb ka aha Nabadoono iyo Siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaasii oo lagu wado ineey qayb ka noqdaan Aas loo samaynayo dhalinyaradii lagu laaayaay ceelbaraf.
Sanbaloolshe ayaa magaalada baadwayne usoo gaaray sidii loo Aasi lahaa xalna looga gaari lahaa dhalinyaradii ka tirsanaa ciidanka xooga dalka oo dhawaan lagu dilay deegaanka ceelbaraf ee gobolka shabeelada dhaxe.
Taliyaha ayaa tan iyo markii uu dhacay falkii foosha xumaa ee lagula kacay askartii ka tirsaneed ciidanka xooga dalka waxa uu waday dadaalo lagu daminaayo xiisad horleh oo ka dhalata falkaasi isagoona safar ku maray degaano iyo degmooyin kala duwan oo katirsan hirshabelle ayna kamid yihiin Jowhar, Maxaas, iyo Baladwayne.
26-kii bishii lasoo dhaafay ee december ayeey aheed markii 7 askari oo ka tirsnaa ciidanka xooga lagu dilay deeganka ceelbaraf.