Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Labada mas’uul ayaa waxaa halkaas si diirran ugu soo dhoweeyay Taliyaha xilka ka dagaya ee Ciidanka Booliiska Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin.
Sidoo kale, Wasiirka iyo Taliyaha ayaa u kuurgalay hannaanka shaqo ee Hoggaannada iyo Fadhiyada madaxa-banaan ee Ciidanka Booliiska, isaga oo Wasiirku halkaas ugu Kala wareejiyey galka guud iyo hoggaaminta shaqada Ciidanka oo uu si buuxda ula wareegey Xafiiska Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Taliyaha Cusub ee Ciidanka Boliiska S/guuto Asad Cusmaan Cabdulaahi.
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa faray Saraakiisha in ay dardargeliyaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee xaqiijinta amniga dalka, ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.