Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in ciidamada Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada iyo Dadka Deegaanka ay dib u billaabayaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee hakadka galay intii lagu guda-jiray Bishii Ramadaan.
Gen Ibraahim ayaa tilmaamay in ciidamada Qaranka ay ku jireen difaac isla markaana ay adkeeyeen amniga deegaannada horay uga qabsadeen ‘AS’ Balse haatan wixii ka dambeeya dagaallada dib u billaabanayaan.
Shacabka ku sugan deegaannada ay joogaan ‘AS’ ayuu ka dalbaday in aanay la bixin lacago uu ku tilmaamay in si awood ah looga qaadayo si ay hub ugu iibsadaan Shabaab sida uu hadalka u dhigay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.
S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa dhowaan kormeer qiimayn ah ku sameeyay qaar kamid ah furimaha dagaalka waxaana uu la kulmay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada gacanta ku haya deegaannadaas isaga oo kala hadlay dardargelintahowlgallada socda.
Muddooyinkii u dambeeyay waxaa aad loo hadal hayay hakadka ku yimid howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socday deegaanno intooda badan dhaca Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug.