Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi la socda ayaa lagu wadaa in ay tagaan qaar kamid ah furimaha dagaalka deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug.
Ujeedka safarkiisa waa in uu la kulmo Saraakiisha Ciidamada Iskaashanaya ee ka howlgala deegaannadaas, Taliyaha ayaa horay u sheegay in uu dardargelinayo dagaallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobollada Dalka.
Waxyaabihii uu ballanqaaday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka waxaa qayb ka ahaa dardargelinta dagaallada ka dhanka ah ‘AS’ si loo gaaro hadafkaasina loo baahan yahay in la isku dubo ama la diyaariyo Ciidamada ku habboon.
Isbaddelka lagu sameeyay hoggaanka Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa loo arkaa in uu wax badan ka baddeli doonno diyaarinta ciidamo duullaan ku qaada deegaannada gacanta Dowladda Federaalka ka maqan.
La soco wixii kasoo kordha