Taliyaha Ciidanka Dhulka Uganda Sarreeye Guud Kayanja Muhanga ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliye ku xigeenka Ciidanka howlgalka Kumeel-gaarka ah ee Midowga Afrika loona soo gaabiyo ATMIS Sarreeye Gaas Marius Ngendabanka oo ay kawada hadleen arrimo la xiriira Amniga & hannaanka bixitaanka ciidankaan.
Kayanja ayaa bogaadiyay ciidamada Midowga Afrika oo uu sheegay in ay u dhabar-adeegeen xaaladaha adag oo ay ku wajahayn Soomaaliya iyo sida ay u caawinayaan Dowladda & Shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu intaas ku daray in haatan diiradda la saarayo amniga guud ee Soomaaliya maadaama uu gabagabayo yahay muddo sharciyeedka ciidamadaan Afrika ka socda kuna howlgalla Magaca Ururkaas sida uu yiri.
Taliyaha ciidanka Dhulka Uganda Sarreeye Guud Kayanja Muhanga ayaa tilmaamay in hannaaka socda ee kala guurka ah laguna saarayo ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga uu yahay mid u baahan wadatashi laga sameeyo si diiradda loo saaro arrimaha horyaalla.
Bisha ugu dambaysa sanadkaan 2024 ee Deseembar ayuu ku siman yahay muddo sharciyeedka ee howlgalka Kumeel-gaarka ah ATMIS, bartamaha sanadkaan waa Bisha Juun waxaa la dhimayaa qayb kale oo kamid ah ciidamadaan.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada & Dadka deegaanka ee macawiislayda loo yaqaan ayaa deegaanno badan ka qabsaday ‘AS’ iyada oo aanay la howlgaleen ciidamadaan Dalka jooga tan iyo 2007dii.