Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa musuq maasuq ku eedeeyey Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Xoogga Dalka Jeneraal Cabdi Warsame Maalin.
Jeneraal Odowaa ayaa soo saaray dikreeto uu ku reysteeyey Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee xoogga dalka, waxaana ku bilowday baaritaan ka dhan ah musuqa lagu eedeeyey.
“Laga bilaabo maanta, S/Guuto Cabdi Warsame Cismaan Maalin, wuxuu reysto ku yahay gurigiisa, ilaa inta laga dhameynayo baaritaanka ku bilaabanaya kiiskiisa,” ayaa lagu yiri dikreeto ka soo baxday xafiiska Taliyaha Xoogga oo Warbaahinta ay heshay.
Taliye Odowaa ayaa hoosta ka xariiqay in baaritaankaan uu wada saameynayo Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana jira tuhun musuq maasuq oo sababtay in la reysteeyo Taliyaha.
“Sababta reystadaan u uku muteystay waa musuqmaasuq, waxaana shaqada Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Ciidanka Xoogga Dalka sii wadaya G/Dhexe Cabdiwaaxid Cali Afrax,” ayaa lagu yiri dikreetada ka soo baxday xafiiska Taliyaha Xoogga Jeneraal Odowaa. Yuusuf.
Warqada lagu reysteeyey Taliyaha oo Caasimada Online ay heshay waxaa lagu socodsiiyey labo xafiis oo kala ah, Taliska Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha iyo Hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana la amray inay ka gudtaan waajibkooda.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa ayaa la sheegay inay soo gaareen dacwado badan oo uga yimid Taliska Ciidanka Badda, taas oo sababtay in ugu dambeyn uu reysto ku dhufto taliyihii ugu sareeyey taliskaas, kadibna amro in lagu sameeyo baaritaan musuq maasuq.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa loo sameeyey hoggaan gaar ah oo dabagalka qaabilsan, kaasi oo baara musuqa, basaaska iyo wax kasta oo ka baxsan shaqada qaranka ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay u dhaarteen.