Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dhageeyso:- Wasiir Koroore anigoo Moog ayoow imagacabaay Waxaan ku arkaay Facebook Balse Waxeey Ceeb Ku tahaay Wasarada arimaha Gudaha

    January 14, 2026

    Axmed Madoobe: 20-ka Bishan hadii aan Jawaab laga helin Xasan Sheekh tilaabo go’aan ayaan qaadanaynaa.

    January 14, 2026

    Kulan gaar ah oo laga yeeshay Amniga magaalada Laascaanood

    January 14, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dhageeyso:- Wasiir Koroore anigoo Moog ayoow imagacabaay Waxaan ku arkaay Facebook Balse Waxeey Ceeb Ku tahaay Wasarada arimaha Gudaha

      January 14, 2026

      Axmed Madoobe: 20-ka Bishan hadii aan Jawaab laga helin Xasan Sheekh tilaabo go’aan ayaan qaadanaynaa.

      January 14, 2026

      Kulan gaar ah oo laga yeeshay Amniga magaalada Laascaanood

      January 14, 2026

      Mareykanka oo daad gureynaya qaar kamid ah askartiisa ku sugan saldhiga ugu weyn ee uu ku leeyahay Bariga Dhexe

      January 14, 2026

      Muxuu daaran yahay Safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ee Isutagga Imaaraatka Carabta?

      January 14, 2026

      Waddamada Afrikaanka ah ee ka soo horjeestay aqoonsiga Somaliland

      January 13, 2026

      9 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday maxkamad ku taal dalka Iran,

      July 26, 2025

      Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya dhinaca Difaaca

      July 25, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Dhageeyso:- Wasiir Koroore anigoo Moog ayoow imagacabaay Waxaan ku arkaay Facebook Balse Waxeey Ceeb Ku tahaay Wasarada arimaha Gudaha

      January 14, 2026

      Axmed Madoobe: 20-ka Bishan hadii aan Jawaab laga helin Xasan Sheekh tilaabo go’aan ayaan qaadanaynaa.

      January 14, 2026

      Kulan gaar ah oo laga yeeshay Amniga magaalada Laascaanood

      January 14, 2026

      Mareykanka oo daad gureynaya qaar kamid ah askartiisa ku sugan saldhiga ugu weyn ee uu ku leeyahay Bariga Dhexe

      January 14, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Shir ay qabatay Wasaaradda Cadaaladda ku tilmaamay in uu yahay mid burburinaya hawsha Qaranka

    Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Shir ay qabatay Wasaaradda Cadaaladda ku tilmaamay in uu yahay mid burburinaya hawsha Qaranka

    By radiohalgan.comApril 30, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shir ay qabatay Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya kaas oo Muqdisho ka socda saddex maalin ku tilmaamay in uu yahay mid burburinaya hawsha Qaranka.

    Shirkaan oo Muqdisho ka furmay todobaadkaan gudihiis gaar ahaan maalinta Axadda ayaa ciwaankiisa ahaa hannaanka Federaaleynta Asluubta Soomaaliyeed, iyada oo u jeedka shirka Wasaaradda ku sheegtay faham qaadashada Farsamada qaab dhismeedka nidaamka hannaanka federaleynta Asluubta Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa heshiis ku saabsan hagaajinta iyo hirgalinta lagama maarmaanka u ah hannaanka federaaleynta Soomaaliyeed.

    Qabashada shirkaan ayaa waxaa qaadacay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, Taliyaha ayaa sheegay in shirkaan aysan qeyb ka ahayn taliska Ciidanka Asluubta maadaama uu ku saabsan yahay taliska, waa sida uu hadalka u dhigay.

    Taliyaha ayaa sheegay in shirkaan ay Asluubta qaban qaabisay balse hal qof aan looga yeerin ka qeyb galka shirkaa, isaga oo arintaas ka hadlaya waxa uu yiri, “Shirka oo looga hadlay Ciidanka Asluubta dhismihiisa iyo xabsiyada dhismahooda, oo ay Asluubtu qaban qaabisay oo hal qof Asluubta aan looga yeerin.”

    Taliyaha oo sii hadlaya ayaa hadalkiisa ku sii daray, “Asluubta anniga ayaa Taliye ka ah, aan la’iisheegin, la’igu marti qaadin saan ayaa jirta imow aan la’idhihin, cidkale aan wakiishto ama anniga aantagee, shirkaas waxa aan u aragnaa qalad, burburin howl qaran ayaan u aragnaa.”

    Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in ciidanka Asluubta ay sharci ku dhisan yihiin, haddii la doonaya in la raro uu mas’uul ka yahay madaxweyne Xasan Sheekh, wixii sharci badallid ah waxa uu xusay in mas’uul ka yahay Baarlamaanka Soomaaliya.

    Taliye Mahad Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta ka shaqeenaya in ay iska horkeen wadaan ciidanka Asluubta iyo Wasaaradda Cadaaladda, “Iska horkeyn Siyaasadeed waaye ee ciidanka iyo Wasaaradda ha’iska horkeenina dadka waxaas wada,” sida uu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janeraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

    Eeda uu u jeediyey Taliyaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaan la’ogeyn sida ay ugu falcelin doonaan, balse tani ayaa bannaanka keenaysa wada shaqeynta ka dhex dhaxaysa Wasaaradda iyo Taaliska ciidanka Asluubta

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dhageeyso:- Wasiir Koroore anigoo Moog ayoow imagacabaay Waxaan ku arkaay Facebook Balse Waxeey Ceeb Ku tahaay Wasarada arimaha Gudaha

    January 14, 2026

    Axmed Madoobe: 20-ka Bishan hadii aan Jawaab laga helin Xasan Sheekh tilaabo go’aan ayaan qaadanaynaa.

    January 14, 2026

    Kulan gaar ah oo laga yeeshay Amniga magaalada Laascaanood

    January 14, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dhageeyso:- Wasiir Koroore anigoo Moog ayoow imagacabaay Waxaan ku arkaay Facebook Balse Waxeey Ceeb Ku tahaay Wasarada arimaha Gudaha

    January 14, 2026

    Axmed Madoobe: 20-ka Bishan hadii aan Jawaab laga helin Xasan Sheekh tilaabo go’aan ayaan qaadanaynaa.

    January 14, 2026

    Kulan gaar ah oo laga yeeshay Amniga magaalada Laascaanood

    January 14, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.