Wafdi uu hoggaaminaayo taliyaha ciidianka booliiska Soomaaliyeed S/Guuto, Sulub Axmed Firin ,ayaa safar shaqo ku tagay xarunta guud ee booliiska caalamiga ee loo yaqaan (Interpol) ee ku taalo Magaalada Lyon ee dalka Faransiiska.
Xoghayaha guud ee booliiska caalamiga ee Interpol, General Jürgen Stock ayaa ku soo dhaweeyay xarunta Interpol taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed iyo wafdi saraakiil ah uu hoggaaminayay taliye Sulub Axmed Firin.
Dowladda Soomaaliya oo xubin buuxda ka ah booliiska caalamiga ee Interpol ayaa iskaashi kala sameesa dhincyo badan sida la dagaalanka araggixisada, ka ganacsiga daroogada, tahriibinta dadka iyo hubka, dembiyada abaabulan, burcad badeedka, kalluumeysiga sharcidarada ah iyo fududeynta is-dhaafsiga xogaha dembiilayaasha caalamiga ah.
Booqashada taliyaha iyo wafdiga uu hoggaaminaayo oo qaadatay muddo 3 cisho ah, ayaa waxaa is af-garad laga gaaray sare u qaadista xirfadaha baarista dembiyada, isticmaalka keydadka macluumaadka Interpol ee kala duwan iyo iskaashiga hawlgallada booliiska caalamiga ah ee INERPOL.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com