Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aqbalay soo jeedin ka timid Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ah in loo baahan yahay Talisyo cusub ee lagu xoojinayo Ciidanka Xoogga Dalka.
Afartaas Talis ee cusub ayuu ugu dambayn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aqbalay waxaana ay kala yihiin:
1-Taliska Ciidanka Gaarka ah ee CXDS, 2-Taliska Tababarada CXDS, 3-Taliska Sahanka & Wardoonka CXDS iyo 4-Taliska Taakulada Guud ee CXD.
Talisyadaas cusub waxaa loo kala magacaabay:
S/Guuto Axmed Cadullaahi Sheekh (Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah) G/Sare Axmed Ciise Axmed (Taliyaha Taliska Tababaradda), G/Dhexe Axmed Cabdulaahi Nuur Beeryare (Taliyaha Taliska Sahanka & Wardoonka), G/Dhexe Ibraahim Maxamed Maxamuud (Taliska Taakulada Guud ee CXDS).
Qoraalka ayaa lasii daba-dhigay in Talisyadaan cusub laga doonayo in door muuqda ay ka qaataan xoojinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobollada Dalka sida hadalka loo dhigay.
Radiohalgan.com