Taliska qeybta Booliska gobolka Mudug eePuntland ayaa ku guulaystey in ay Gacanta ku dhigaan Xukume Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor)
Qabashada Xukumanaha ayaa waxaa gacan wayn ka gaystay Ciidamada Macawisleyda iyo dadka shacabka ah ee degmooyinka Wisil iyo Bacaadwayne.
Xukumanaha ayaa ka tirsanaa Shabakad dad badan ku dishay gobolka Mudug Gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo, iyada oo horey Garsoorka Puntland ay dil toogasho ku xukuntay ayaa ka baxsadey gacanta maamulka.
Xukumane Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor) ayaana loo gudbiyay Xabsiga dhexe ee gobolka Mudug.