Beledweyne(Radiohalgan.com)-Waa kuma Abuukar Xaaji Warsame oo ku magac dheer General Xuud oo horay uga tirsanaa xoogga dalka ayaa hoggaaminayaa Kacdoon lama baxay golaha kacdoonka gobolka Hiiraan.
JANARKA INTOOW KA SOO Horjeeda Masuula Gobolka Hiiraan iyo HirShabelle
Gen. Xuud Wali Isbaaro Ma dhigan Beledweyne ilaa Saldhiga Oo u ahay Burqaninyo.
Ciidamada Kacdoon uu Hogaaminayay Xilaas Janaraal Abuukar Xaaji laguma haayo Dhac iyo Dil Janaraal reer Baladweyne Sharaaf ayay ku Xasuusatan Kacdoon shacab oo ruun.
Balse Waxa hadda Beledweyne ka socado Waa Mooryaanimo iyo 91 dhac dil iyo Isbaaroyin Badan.
Haddaba, Waa Kuma Abuukar Xuud:
General Xuud oo horay taariikh nololeedkiisa uga sheekeeyey Radiohalgan.com, waxaa uu bartay kulyada Siyaasada, waxaa uu heerka labaad ee Jaamacada “Master Degree” uga baxay mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaal wadanka Ruushka, waxaa uu soo noqday Talihii horrinta 1-aad ee ururka magaalada Dhuusamareeb iyo Hargeisa ee Waqooyi ee dowladii kacaanka ee Madaxweyne Maxame SIyaad Barre, sidoo kale waxaa uu qeyb ka ahaa dagaalkii u dhaxeeyay Somaaliya iyo Itoobiya ee dhacay Sanadkii 1977.
General Abuukar Warsame ayaa soo noqday abaanduuliyihii ciidanka ururka 13aad ee Magaalada Jigjiga, taliyihii guutada 22-aad ee Magaalada Gibileey, Taliyihii dugsiga Mandheera, taliyihii gaaska 5-aad Laascaanood, waa khabiir siyaasadda iyo abaanduulka.
Waxaa uu sidoo kale dhanka ammaanka lataliye uu noqday dolwadii ku meel gaarka aheyd ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Waxii warar ah oo ku saabsan Tariikhada Gen Xuud kala soco marwalba Isha wararka Radiohalgan.com