Taageerayaasha Haweeneyda Madaxweyne ku xigeenka haatan ka ah Dalka Maraykanka ee Kamala Harris ayaa ka niyad-jabay Doorashada sida ay u socoto maadaama tan iyo markii tirinta la billaabay uu ku sarreeyo Donald Trump.
Goobta ugu weyn ee loo qorsheeyay in taageerayaasha Kamala Harris ku dabbaaldegaan oo laga soo qaaday sawirro kala duwan waxaa ka muuqda niyadjab iyo ay dhafar yihiin maadaama waqti dheer ku howlan yihiin Doorashadaan.
Qaar kamid ah Warbaahinta sida tooska ah u tabineysa Doorashada Maraykanka ayaa sheegtay in ay jiraan shakhsiyaad kamid ah taageerayaasha Kamala Harris oo isaga tagay goobtii ay ku ballameen in ay ku dabbaaldegaan.
Kamala Harris oo doorashada ku jabto waxaa hal bacaad lagu lusiay ka dhigeysaa rajadii Xisbiga Dimuqraadiga ee sanadkii 2017kii jebiyay kan Jamhuuriga oo sanadkii saddexaad oo xiriir ah soo wakiishay Madaxweynihii 45aad ee Maraykanka Donald Trump.
La soco wixii kasoo kordha