Suxufiga Caanka ah ee asal ahaan kasoo jeeda Falastiin balse haysta Dhalashada Dalka Ingiriiska waa Cabdil-Baari Cudwaan ayaa shaki culus dulsaaray sababta Dhalisay Shilka Diyaaradeed ee Madaxweynihii Iiraan, Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda & Mas’uuliyiin kale ku geeriyoodeen.
Cabdil-Baari ayaa shaki geliyay in labada Diyaarad ee la socday wafdiga Madaxweynaha Iiraan ee aanay waxba soo gaarin iyo ciladda ka dhalatay ceeryaamada ee ku goonida noqotay Diyaaradda uu la socday Ibraahim Ra’iisi.
Waxa uu dalbaday in baaris dhammaystiran oo ay ku dheehan tahay aqoon & feejignaan lagu sameeyo shilkaan si loo ogaado waxyaabo badan oo haatan ku siman in ay yihiin Tuhun oo dad badan ay dulsaarayaan su’aalo jawaabaha ku xiran natiijada soo baxda.
Cudwaan ayaa tilmaamay in uu tuhmayo in diyaaraddaas ay sababsatay saddex arrin oo kala ah:
1-Diyaaradda lagu sii farsameeyay walxaha qarxa kahor in aysan soo kicitimin wafdiga Madaxweyne Ibraahim Ra’iisi.
2-In lagu weeraray diyaaradaha nooca duulliye la’aanta ah ee (Drones-ka) loo yaqaan oo fulin kara weerar halis badan.
3-In Diyaaradaha Maraykanka ee F-35 ay shucaac ku fureen Diyaaradda Madaxweynaha Iiraan maadaama ay awooddaas leeyihiin diyaaradahaan casriga ah.
Maxaa ka dhaxeeyay Madaxweynaha Iiraan ee geeriyooday & Falastiin?
Suxufigaan Cabdil-Baari Cudwaan ayaa si aan ka gaabsi lahayn u sheegay in Madaxweyne Ibraahim Ra’iisi uu buuxiyay booskii ay Falastiin u banneeyeen Dalalka Carabta ah ee Sunniga ah isaga oo dhowr jeer ka dhiidhiyay falalka gurracan ee Yuhuudda.
Cudwaan ayaa intaas ku daray in Ibraahim Ra’iisi aanay keliya ka geeriyoon Iiraan balse sidoo kale ay la murugaysan yihiin Shacabka Falastiin sabab ka dhalatay in uu qayb ka noqday ka dhiidhinta weerarrada Israaiil & Isbahaysigeeda ee Falastiiniyiinta beegsanaya.