Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Waa kuma Geesiga shafka u dhigtay xambada shabaab? 

    May 18, 2025

    DEG DEG Ra’iisul Wasaare Xamze oo caawa Madaxweynihii hore dalka Sheekh Shariif u jawabay.

    May 18, 2025

    Wararkii ugu dambeyay ee ka imaanaya deeganada maalintii labaad lagu dagaalamaya.

    May 18, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Waa kuma Geesiga shafka u dhigtay xambada shabaab? 

      May 18, 2025

      DEG DEG Ra’iisul Wasaare Xamze oo caawa Madaxweynihii hore dalka Sheekh Shariif u jawabay.

      May 18, 2025

      Wararkii ugu dambeyay ee ka imaanaya deeganada maalintii labaad lagu dagaalamaya.

      May 18, 2025

      Dagaal Xoogan Oo wali kasocda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe

      May 18, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo dagaalka AS kala hadlay dhigiisa dalka Ciraaq

      May 18, 2025

      Weeraro aay fuliyeen ciidammadda Ruushka oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira

      May 17, 2025

      Maxay Soomaaliya ka baran kartaa Ciraaq oo ay isku xaalad iyo dagaal sokeeye soo wada mareen?

      May 17, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Waa kuma Geesiga shafka u dhigtay xambada shabaab? 

      May 18, 2025

      DEG DEG Ra’iisul Wasaare Xamze oo caawa Madaxweynihii hore dalka Sheekh Shariif u jawabay.

      May 18, 2025

      Wararkii ugu dambeyay ee ka imaanaya deeganada maalintii labaad lagu dagaalamaya.

      May 18, 2025

      Dagaal Xoogan Oo wali kasocda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe

      May 18, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Suurtagal ma tahay in dawladda Soomaaliya ka laabato go’aankii ay ku dalbatay in la soo gabagabeeyo Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM)?

    Suurtagal ma tahay in dawladda Soomaaliya ka laabato go’aankii ay ku dalbatay in la soo gabagabeeyo Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM)?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 2, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Sida lagu baahiyay bogga Waaxda Arimaha Dibadda Maraykanka, xoghaye Antony Blinken ayaa khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

    Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka Matthew Miller ayaa sheegay in Antony Blinken iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay ka wadahadleen arrimo ay kamid yihiin ammaanka Geeska Afrika, oo ay ku jirto sida loogu baahan yahay in hoos loo dhigo xiisadda ka jirta gobolka, iyadoo diiradda la saarayo ahdaafta ka hortagga argagixisada iyo gabagabeynta qorshaha kala guurka ee hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS).

    Matthew Miller waxa kale oo uu sheegay in Blinken iyo Xasan Sheekh ay ka wada hadleen kaalinta muhiimka ah ee uu leeyahay Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

    Dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya war ka soo baxay waxa lagu soo koobay in labada nin ay ka wadahadleen xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada ammaanka, xasilloonida gobolka iyo taageerada Maraykanka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

    Warka madaxtooyada ka soo baxay laguma sheegin in laga wadahadlay arimaha ku saabasan Hawgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

    Bishii hore ee Maajo warqad uu ku saxiixnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, loona diray Madaxweynaha Golaha Ammaanka Pedro Comissario Afonso, ogeysiina la siiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa looga codsaday in la baabi’iyo Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNSOM), innagoo tixgalineyna bay yiraahdeen hawllaheena istiraajiyadeed ee hortabinta leh.

    Warqada ayaa lagu sheegay in Dawladda Soomaaliya aysan codsan doonin in la cusbooneysiiyo qaraarka tirsigiisu yahay 2705 ee soo baxay 2023.

    Dawladdu waxa ay codsatay in la qaado dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah hannaanka lagu gabagabeynayo muddo xileedka Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo ku eg bisha Oktoobar 2024.

    Suurtagal ma tahay in dawladdu dib uga laabato go’aanka xiritaanka xafiiska UNSOM?

    Madaxweyne Xasan Sheekh and Antonio Guterres

    XIGASHADA SAWIRKA,SONNA

    Qoraalka sawirka,Madaxweyne Xasan Sheekh and Antonio Guterres

    Maraykanku waxa uu doonayaa in uu sii shaqeeyo Hawgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, sida uu sheegay Afhayeenka Waaxda Arimaha Dibadda Matthew Miller.

    Maraykanka ayaa xiriir dhaw la leh Dawladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ka caawiya arrimo ay kamid yihiin amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo kaalmada gargaarka. Waxa muuqata in uu cadaadis ku saarayo dawladda inay ka laabato go’aankeeda ah in la soo gabagabeeyo hawlgalka UNSOM.

    Dad badan ayaa rumeysan suurtagalnimada in dawladdu dib uga laabato go’aankeeda, marka la eego cadaadiska uga imaanaya beesha caalamka oo u dambeeyay kan Maraykanka ka yimid.

    Feysal Deri oo ka faalooda arimaha siyaasadda oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in soo magacaabistii James Swan, loo soo magacaabay in uu hoggaamiyo si kumeel gaar ah xafiiska UNSOM iyo daneynta Maraykanka ee xiisadda gobolka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixsada ay dhammaantood keeni karaan, in dawladda Soomaaliya aqbasho codsiga uga imaanaya beesha caalamka oo uu Maraykanku ugu horreeyo.

    ‘’Dawladda Soomaaliya runtii waxa dhab ah in ay aad ugu tiirsan tahay saaxiibadeeda beesha caalamka, xataa haddaad fiiriso dhimista ciidamadan hadda laga wadahadlayo, dawladda Soomaaliya marna may oran ciidamadu gabi ahaan Soomaaliya ha ka baxeen ee waxa la isku haystaa qaabka iyo waajibaadka ay ku sii joogayaan ciidamadan iyo magaca loo bixinayo, marka haddaad isku soo wada duubto waxa lafdhabar u ah dawladda Soomaaliya jiritaankeeda waa saaxiibada ay ku leeyihiin beesha caalamka, Maraykankuna qayb ayuu ka yahay saaxiibadaas,’’ ayuu yiri Feysal Deri.

    Feysal waxa kale oo uu sheegay ‘’marka waxan filayaa in ay jiri doonaan wadahadallo dheeraada si loogu heshiiyo meel dhexdhexaad ah beesha caalamkuna ku qanacdo, dawladda Soomaaliyana u aragto in danaheeda gaarka ah uu ku jiro’’.

    Hawllaha uu qabto Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

    UNSOM

    XIGASHADA SAWIRKA,UNSOM

    Hawgalka UNSOM xafiisyadiisa kala duwan ee Soomaaliya, waajibaadkiisa waxa kamid ah in uu kala shaqeeyo Dawladda Federaalka iyo dawlad Gobolleedyada hawllaha dibu heshiisiinta, talo bixinno istraatijayeed oo kala duwan oo ku saabsan nabad iyo dawlad dhiska Soomaaliya, la socoshada xuquuqda aadamaha iyo isku xirka dadaallada caalamiga ah ee lagu taageerayo Soomaaliya.

    Tan iyo markii uu hawgalkan bilowday 2013-kii, waxa ay gacan ka geysteen hannaanka federaalaynta Soomaaliya,. Waxa kale oo ay kaalin ku leeyihiin dawlad dhiska, amniga iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha. Hawlahaas in badan oo kamid ah hadda ayay qayb ka ahaayeen sida xoojinta nidaamka federaalka, dhameystirka dastuurka iyadoo loo marayo wadatashiyo ballaaran iyo dib u habeynta qaybaha amniga iyo caddaaladda ee Soomaaliya.

    Arimaha kale ee waaweyn ee xafiiskan kaalinta ku leeyahay waxa kamid ah u kala dab qaadidda dhinacyada siyaasadda Soomaaliya marka uu dhex maro khilaaf siyaasadeed. Xiliyada kaalintoodu muuqato waxa kamid ah marka doorashooyinka heer federaal ama heer dawlad gobolleed la qabanayo, markaas oo ay dhinacyada u sameeyaan kulamo xal loogu raadinayo isdiidooyinka jira.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Waa kuma Geesiga shafka u dhigtay xambada shabaab? 

    May 18, 2025

    DEG DEG Ra’iisul Wasaare Xamze oo caawa Madaxweynihii hore dalka Sheekh Shariif u jawabay.

    May 18, 2025

    Wararkii ugu dambeyay ee ka imaanaya deeganada maalintii labaad lagu dagaalamaya.

    May 18, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Waa kuma Geesiga shafka u dhigtay xambada shabaab? 

    May 18, 2025

    DEG DEG Ra’iisul Wasaare Xamze oo caawa Madaxweynihii hore dalka Sheekh Shariif u jawabay.

    May 18, 2025

    Wararkii ugu dambeyay ee ka imaanaya deeganada maalintii labaad lagu dagaalamaya.

    May 18, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.