Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeeb ayaa xilligaan wajahay cadaadis siyaasadeed oo uga imaanaya dowladda federaalka Soomaaliya, ka dib markii maamulkiisa uu taageero u fidiyey ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaannada maamulkaas, kuwaas oo dowladda dhexe ay sheegtay in ay dhawaan dalka isaga bixi doonaan.
Qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay deegaannada Koonfur Galbeed ayaa taageero u muujiyey go’aanka ka soo yeeray maamulka Koonfur Galbeed, taas oo sababtay in qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ay soo jeediyeen in Xildhibaannadaas lagala laabto xasaanadda, wallow markii dambe ay raali galin ka bixiyeen.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo kula hadlay September 9, 2024 shacabka maamulkiisa, ayaa Xildhibaannada taageerada u muujiyey ku sifeeyey in ay ula mid yihiin 15-kii dhallinyaro ee Ururka SYL, taas oo sababtay in maalin ka dib uu Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre uu safar degdeg ah ku tagay magaalada Baydhabo.
Booqashada Baydhabo ee Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa daarneed xal u helista xiisadda taagan, wallow Xafiiska Xamsa uusan xog dheeraad ah ka bixin natiijada ka soo baxday shirarkii isdaba jooga ahaa ee ka dhacay Koonfur Galbeed.
Xildhibaan Mukhtar Maxamed Guuleed oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ugu baaqay madaxweynaha Koonfur Galbeed in uu xilka baneeyo, isaga oo xusay in xilka uusan ahayn ‘dhaxal’.
Xildhibaanka ayaa qoraalkiisa ku yiri sida tan, “Xukunka oo la isku dhejiyo iyo dulminta kuwii aad xukumeysay ee kaa sugayey inaad u cadaalad fasho ayaa ugu dambeyn sababi karto baaba’ iyo dhibaato shaqsiyadaada ugu dambeyn kugu koobmi doonto ee inta ay goori goor tahay adiga ha isdhibaateyn umaddana dhibaato intaan ugu filane ha ugu sii darin ee xilka baneey dhaxaltooyo ma ahane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.”
Doorasho dhiig ku daatay oo ay garwadeen ka ahayd Villa Somalia ayaa December 2018-kii waxaa Baydhabo loogu doortay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo xilka haya ku dhawaad lix sanno.
Madaxweynihii hore ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa Baydhabo isaga tagay, ka dib markii uu shaaciyey in uusan markale u tartami doonin doorashada maamulkaas, ka gadaal markii magaalada Baydhabo ay hareeyeen dibabad baxy ay dhigayeen shacab qaadacsanaa nidaamka Madaxweyne Shariif.
Haddaba Suuragal matahay in Laftagareen uu qaado waddadii uu jeexay Madaweynihii ka horreeyey ee Koonfur Galbeed?