Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa horraantii bishii hore ku baaqay in la qabto shir wadatashi qaran, kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Kismaayo.
Mucaaradka ayaa xilligaas sheegay in loo baahan yahay madal lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo midnimada dalka.
Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabaysa baaqa mucaaradka ayaa 30 berri ka dib aqbashay codsiga mucaaradka, iyada oo ku dhawaaqday qabsoomidda shir wadatashi qaran oo loo dhan yahay, kaas oo lagu wado in lagu qabto magaaladaΒ Muqdisho 1-febraayo 2026.
Dowladda ayaa sheegtay in shirka diiradda lagu saari doono xoojinta midnimada qaranka, hirgelinta nidaam dimuqraadi ah oo ku saleysan isu-tanaasul, iyo ka heshiisiinta arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Goβaanka dowladda Soomaaliya waxaa taageeray Boqortooyada Ingiriiska, iyada oo sheegtay in ay dhiirigalinayso dhammaan dhinacyada in ay ka qeyb galaan shirka, si loo gaaro is-afgarad ku saabsan doorashooyinka, waxa ay mucaaradka ugu baaqday ka qeyb galka shirkaan.
Si lamid ah waxaa dhankooda soo dhaweeyay goβaanka dowladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, waxa ay sheegeen in gogosha wada hadal ay soo dhaweenayaan, bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in khilaafaadka siyaasadeed ee soo noqnoqda ay mugdi geliyeen mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaana ay horseedi karaan faragelin shisheeye.
Shan maalin ka dib Golaha Mustaqbalka Soomaaliye ayaa soo dhaweeyay goβaanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya, waxa ay carabka ku dhufteen in ay qeyb ka yihiin shirkaan, markii laβisku afgarto ajandaha shirkaan, oo ay dalabadeen in looga hadla; Amniga, doorashooyinka, dastuurka, midnimada, iyo abaaraha.
Golaha Mustaqbal ayaa ka kooban; Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, Raβiisul Wasaarayaashii hore; Saacid, Kheyre iyo Rooble, madaxweynayaasha maamul gobaleedyada Puntlanad iyo Jubbaland, oo ay wehliyaan Xildhibaanno mucaarad ah.
Shirkaan ayaa la filayaa in uu noqdo madal qaran oo lagu wajahaayo arrimaha doorashooyinka, Dastuurka, Amniga, Midnimada iyo xaaladaha abaaraha, iyadoo indhaha lagu hayo in wadahadalku horseedo is af garad siyaasadeed oo looga gudbo marxaladda xasaasiga ah ee dalka.
Lama hubo in dowladda Soomaaliya shirkaan ku casuumi doonta madaxweynihii 9-aad ee Soomaaliya oo hadda ah siyaasi kaligiis socod, iyo madaxweynayaasha maamullada kale oo hadda ah saaxiibada dowladda dhexe.
Suuragal ma tahay in madaxweyne Xasan Sheekh uu hor fadhiisto Saciid Deni iyo Madoobe sannado ka dib?
Haddii ay isku afgarataan guddiyada farsamo ee dowladda iyo mucaaradka ugu wakiilka ah qaban qaabada shirkaan, waxaa markale si wada jir ah is-horfadhiisan doona madaxweyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynayaasha maamullada Puntland Saciid Cabdullaahi iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Xiriirka kala dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka Puntland oo xumaaday ayaa sababay in madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uusan ka qeyb galin kulamada Golaha Wadatashiga Qaran tan iyo 2023.
Dowladda Soomaaliya ayaa ka hortimid doorashadii sanadkii hore ka dhacday magaalada Kismaayo taas oo markale dib loogu doortay madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe, oo isaga baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo Muqdisho ka qabsoomay October 2024.
Puntland iyo Jubbaland oo ka soo horjeeda siyaasadda dowladda dhexe ayaa hadda la filayaa in ay markaan qeyb ka noqdaan shir looga arinsanayo xaaladda dalka, iyaga oo la safan mucaaradka dowladda.
Guddiga farsamada laba dhinac oo Muqdisho shir uga furmay ayaa ka arinsanaya habka la rajeeyo in uu u qabsoomo shirkaan.

