Close Menu
    What's Hot

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

      January 31, 2026

      Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

      January 31, 2026

      Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho.

      January 31, 2026

      Madaxdii Jigjiga booqatay oo isugu tagtay Shabeelley.

      January 31, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

      January 31, 2026

      Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

      January 31, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho.

      January 31, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Suuragal ma tahay in MW Xasan Sheekh uu hor fadhiisto Deni iyo Madoobe sannado ka dib?

    Suuragal ma tahay in MW Xasan Sheekh uu hor fadhiisto Deni iyo Madoobe sannado ka dib?

    By radiohalgan.comJanuary 28, 20263 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa horraantii bishii hore ku baaqay in la qabto shir wadatashi qaran, kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Kismaayo.

    Mucaaradka ayaa xilligaas sheegay in loo baahan yahay madal lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo midnimada dalka.

     

    Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabaysa baaqa mucaaradka ayaa 30 berri ka dib aqbashay codsiga mucaaradka, iyada oo ku dhawaaqday qabsoomidda shir wadatashi qaran oo loo dhan yahay, kaas oo lagu wado in lagu qabto magaaladaΒ  Muqdisho 1-febraayo 2026.

    Dowladda ayaa sheegtay in shirka diiradda lagu saari doono xoojinta midnimada qaranka, hirgelinta nidaam dimuqraadi ah oo ku saleysan isu-tanaasul, iyo ka heshiisiinta arrimaha masiiriga ah ee dalka.

    Go’aanka dowladda Soomaaliya waxaa taageeray Boqortooyada Ingiriiska, iyada oo sheegtay in ay dhiirigalinayso dhammaan dhinacyada in ay ka qeyb galaan shirka, si loo gaaro is-afgarad ku saabsan doorashooyinka, waxa ay mucaaradka ugu baaqday ka qeyb galka shirkaan.

    Si lamid ah waxaa dhankooda soo dhaweeyay go’aanka dowladda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, waxa ay sheegeen in gogosha wada hadal ay soo dhaweenayaan, bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in khilaafaadka siyaasadeed ee soo noqnoqda ay mugdi geliyeen mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaana ay horseedi karaan faragelin shisheeye.

    Shan maalin ka dib Golaha Mustaqbalka Soomaaliye ayaa soo dhaweeyay go’aanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya, waxa ay carabka ku dhufteen in ay qeyb ka yihiin shirkaan, markii la’isku afgarto ajandaha shirkaan, oo ay dalabadeen in looga hadla; Amniga, doorashooyinka, dastuurka, midnimada, iyo abaaraha.

    Golaha Mustaqbal ayaa ka kooban; Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarayaashii hore; Saacid, Kheyre iyo Rooble, madaxweynayaasha maamul gobaleedyada Puntlanad iyo Jubbaland, oo ay wehliyaan Xildhibaanno mucaarad ah.

    Shirkaan ayaa la filayaa in uu noqdo madal qaran oo lagu wajahaayo arrimaha doorashooyinka, Dastuurka, Amniga, Midnimada iyo xaaladaha abaaraha, iyadoo indhaha lagu hayo in wadahadalku horseedo is af garad siyaasadeed oo looga gudbo marxaladda xasaasiga ah ee dalka.

    Lama hubo in dowladda Soomaaliya shirkaan ku casuumi doonta madaxweynihii 9-aad ee Soomaaliya oo hadda ah siyaasi kaligiis socod, iyo madaxweynayaasha maamullada kale oo hadda ah saaxiibada dowladda dhexe.

    Suuragal ma tahay in madaxweyne Xasan Sheekh uu hor fadhiisto Saciid Deni iyo Madoobe sannado ka dib?

    Haddii ay isku afgarataan guddiyada farsamo ee dowladda iyo mucaaradka ugu wakiilka ah qaban qaabada shirkaan, waxaa markale si wada jir ah is-horfadhiisan doona madaxweyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynayaasha maamullada Puntland Saciid Cabdullaahi iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

    Xiriirka kala dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka Puntland oo xumaaday ayaa sababay in madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uusan ka qeyb galin kulamada Golaha Wadatashiga Qaran tan iyo 2023.

    Dowladda Soomaaliya ayaa ka hortimid doorashadii sanadkii hore ka dhacday magaalada Kismaayo taas oo markale dib loogu doortay madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe, oo isaga baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo Muqdisho ka qabsoomay October 2024.

    Puntland iyo Jubbaland oo ka soo horjeeda siyaasadda dowladda dhexe ayaa hadda la filayaa in ay markaan qeyb ka noqdaan shir looga arinsanayo xaaladda dalka, iyaga oo la safan mucaaradka dowladda.

    Guddiga farsamada laba dhinac oo Muqdisho shir uga furmay ayaa ka arinsanaya habka la rajeeyo in uu u qabsoomo shirkaan.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Shiinaha oo sheegay inuu qeyb ka qaadanaya Amniga iyo ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya.

    January 31, 2026

    Mw Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo maanta safar hal maalin ku tagay magaalada Jigjiga,

    January 31, 2026

    Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

    January 31, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.