Close Menu
    What's Hot

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Sucaad oo kansar ka badbaaday waxay doonaysaa in ay dadkeeda badbaadiso iyada oo xabko isticmaaleysa

    Sucaad oo kansar ka badbaaday waxay doonaysaa in ay dadkeeda badbaadiso iyada oo xabko isticmaaleysa

    By radiohalgan.comMarch 15, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Goob dad aan badnayn oo ajaaniib iyo Soomaali isugu jira ay ku xoonsanyahiin ayaa waxaa dhex taagan gabadh Soomaaliyeed oo alaab ay kusoo samaysay dalkeeda hooyo ku soo bandhigeysa meel dukaan kale hortiis ah. Alaabo ayaa la tijaabinayaa lagana iibsanayaa gabadha.

    β€œMidkaan waxaa loo isticamaalaa kareen ahaan” ayay leedahay iyada oo u sharaxaysa gabadh Shiineys ah oo magaalada Nairobi safar ku timid.

    Dadka meesha wax ka iibsanaya iyo kuwa dheggaysanaya sida ay u sharraxayso badeecada ay haysoΒ intuba si ashqaraarleh ayay madaxa u ruxayaan iyaga oo ka helaya habka dhiirran ee ay gabadhu wax u sharaxayso iyo alaabta ay gadayso dadkana barayso.

    Gabadhu waa Sucaad – hooyo Soomaaliyeed oo qurbaha ku noolayd muddo dheer, rejo iyo fekerka weyna kulasoo noqotay dalkeedii hooyo. Waxay hal abuurtay agab lagu daryeelo maqaarka bani’aadamka oo ay ka sameyso xabagta ka baxda miyiga Soomaaliya.

    Sucaad oo inta badan nolosheeda ku soo qaadatay dalka Canada, ayaa ku soo laabtatay Soomaaliya lix sano ka hor, kadib markii uu ku dhacay xanuun ku sigay in ay rejo beel ka noqoto nolosha.

    Waxaa laga sheegay Kansarka ku dhaca dheefmareenka ee loo yaqaan “esophageal cancer” in kasta oo ay markii dambe ka soo kabatay.

    Waxay sheegtay in markuu kansarku ku dhacay ay qarka u fuushay in ay rejo dhigto.

    Sucaad in kasta oo ay ka kabsatay kansarka, hadana wuxuu nolosheedana kaga tagay cabsi ah in kansarku mar labaad nolosheeda kusoo ku noqdo. Si ay cabsidaas ugu xorrowdo waxay sheegtay in ay u soo dhaqaaqday Soomaaliya si ay u samayso cilmi-baadhis ku aadan waxyaabaha dabiiciga ah ee dalka Soomaaliya qaniga ku tahay sida fooxa, luubaanta iyo xabagta, kuwaas oo cilmibaarisyo hore oo la sameeyay ay tilmaameen in ay ka joojin karaan unugyada kansarka in ay fidaan.

    Sucaad oo ah farsamo yaqaan sheybaar ayaa waxay sheegtay in cilmibaaristeedii kadib ayay bilowday in ay isticmaasho waxsoosaarka xabkaha, si ay uga faa’iideysato si shaqsi ah.

    Alaabaha kala duwan ee ay sucaad ka samayso dhirta

    XIGASHADA SAWIRKA,ABDISHUKRI HAYBE

    Qoraalka sawirka,Alaabaha kala duwan ee ay sucaad ka samayso dhirta

    β€œ2017-kii ayaa waxaan bilaabay in aan ogaado faa’iidada ay luubaantu u leedahay kansarka, waxii aan la dagaalamaayayna waxay ahayd in kansarka ka hortag aan ku sameeyo oo mardanbe uusan igu soo noqonin”.

    Sucaad Maxamuud Cali – 57 jir hooyo u ah shan carruur ah ayaa sidoo kale waxay ka fekertay in ay samayso waxyaabo badal u noqda alaabaha loo isticmaalo daryeelka jidhka ee dalka dibadiisa laga keeno iyada oo ka faa’iidaysanaysa xabkaha kala duwan ee dalka laga heli karo iyada oo ka sameyneysa is qurxin dabiici ah.

    Magaalada Garowe ayay ka bilowdaya ganacsiga alaabo dhif ku ah dalka lagana sameeyay dhirtii dalka.

    β€œDhammaan waxyaabaha aan samayno waa kuwo bilaa Kiimiko ah oo dabiici ah haddana qofkii waxtaraya,” ayay tidhi Sucaad oo ka hadlaysa saliidaha iyo kareemyada ay ka samaysay dhirta dalka Soomaaliya ka baxda.

    Sucaad oo gabadh u sharaxaysaa nooc mid kamid alaabaha ay samayso

    XIGASHADA SAWIRKA,ABDISHUKRI HAYBE

    Qoraalka sawirka,Sucaad oo gabadh u sharaxaysaa nooc mid kamid alaabaha ay samayso

    Waxyaabaha guryaha lagu buufiyo ee udugga leh, saliido iyo kareemo ay ka sameysa xabagta, ayay Sucaad geysaa suuqa oo ay dadka usoo bandhigtaa, iyada oo u sheegeysa muhiimadda ay leedahay alaabtani.

    β€œXaruntii koobaad ee aan alaabtan ku iibinaynay waxaan ka furay magaalada Garowe, bilowgii koobaad waxay noqatay dadka in aan ku wacyi gelinno ahmiyadda ay u leedahay alaabtana iyo siday uga maarmi karaan waxyaabaha kiimikida leh ee caafimaadkoodada wax u dhimaya,” ayay BBC da u sheegtay Sucaad.

    β€œNasiib wanaag dadkii koobaad ee alaabta naga iibsaday aad bay uga heleen waxayna noqotay in ay aamini waayaan in waxsoosaarkan dalka gudahiisa laga heli karo laguna samayn karo”, ayay hadalkeeda sii raacisay.

    Waxay wadaa qorshe a fekerkeeda ku balaadhineyso iyada oo dalka Kenya u timid in ay xafiis cusub ka furto oo ay ku iibiso alaabtan ay samayso. Waxay sidoo kale u dhoofisaa dalka Canada oo ah halk ay ka timid Sucaad.

    β€œAlaabtii meelo badan bay gaartay… waa laga faa’iiday aad baana looga helay natiijadii aan rabnay way keentay,” ayay tiri Sucaad oo farxad ka muujineysa sida qorshaheedii u hirgalay.

    Waxa kale oo ay sheegtay in ay dhaqaalo ka hesho.

    Saliidaha iyo kareenada ay samayso

    XIGASHADA SAWIRKA,ABDISHUKRI HAYBE

    Qoraalka sawirka,Saliidaha iyo kareenada ay samayso

    Sucaad waxay aaminsantahay in Soomaaliya tahay β€œdhulkii daawada” waxyaabaha dalka ka baxa sida xabagta, malmalka, hadiga, cadaadda iyo luubaantana looga faa’iidaysan karo siyaabo kala duwan oo waxtar u leh caafimaadka qofka aadamiga ah.

    Waxay sheegtay in dumar badan ay ku dhaashan karaan alaabta ay soo saarto, halkii ay isticmaali lahaayeen kareemada ay isku caddeeyaan.

    β€œGabdho badan baa waxay marsadeen wajiga ka haleeyay, haddana way quusteen wax usoo celinaya jidhkoodii hore ma jiro. Annagana hadda waxaan helnay xitaa qofkii wajigu ka fiiqmay wax usoo celinaaya jidhkii dabiiciga ahaa.”

    Sucaad, 1989-kii ayay Soomaaliya oo burburaysaa dalka ka baxday iyada oo tagtay qurbaha si ay u hesho nolol dhaanta tii ay ka jirtay dalkeeda Soomaaliya, waxay dhibane u noqotay xanuunka kansarka 10 sano kadib markii ay qaxday, iyada oo ku dhawaatay quus. Hadda waxay joogtaa dalkeeda hooyo iyada oo dooneysa in ay tusaale u noqoto gabdhaha Soomaaliyeed iyo dadka la dhiban xanuunka kansarka ee laga yaabo in ay nolosha quus ka istaagaan.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.