Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

    September 12, 2025

    Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

    September 12, 2025

    Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

    September 12, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

      September 12, 2025

      DFS oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Wasiirka Caafimaadka XFS “Farmashigii iibinaya Dawooyinka maandooriye ahaanta loo adeegsado waan la xisaabtamaynaa

      September 12, 2025

      Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

      September 12, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaali guul weyn ka gaartay doorasho ka dhacday dalka Norwey

      September 9, 2025

      Xamaas oo si adag uga hadashay hadal kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Israa’iil

      September 9, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

      September 12, 2025

      Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

      September 12, 2025

      DFS oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Ceeldheer.

      September 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Sucaad oo kansar ka badbaaday waxay doonaysaa in ay dadkeeda badbaadiso iyada oo xabko isticmaaleysa

    Sucaad oo kansar ka badbaaday waxay doonaysaa in ay dadkeeda badbaadiso iyada oo xabko isticmaaleysa

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMarch 15, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Goob dad aan badnayn oo ajaaniib iyo Soomaali isugu jira ay ku xoonsanyahiin ayaa waxaa dhex taagan gabadh Soomaaliyeed oo alaab ay kusoo samaysay dalkeeda hooyo ku soo bandhigeysa meel dukaan kale hortiis ah. Alaabo ayaa la tijaabinayaa lagana iibsanayaa gabadha.

    “Midkaan waxaa loo isticamaalaa kareen ahaan” ayay leedahay iyada oo u sharaxaysa gabadh Shiineys ah oo magaalada Nairobi safar ku timid.

    Dadka meesha wax ka iibsanaya iyo kuwa dheggaysanaya sida ay u sharraxayso badeecada ay hayso intuba si ashqaraarleh ayay madaxa u ruxayaan iyaga oo ka helaya habka dhiirran ee ay gabadhu wax u sharaxayso iyo alaabta ay gadayso dadkana barayso.

    Gabadhu waa Sucaad – hooyo Soomaaliyeed oo qurbaha ku noolayd muddo dheer, rejo iyo fekerka weyna kulasoo noqotay dalkeedii hooyo. Waxay hal abuurtay agab lagu daryeelo maqaarka bani’aadamka oo ay ka sameyso xabagta ka baxda miyiga Soomaaliya.

    Sucaad oo inta badan nolosheeda ku soo qaadatay dalka Canada, ayaa ku soo laabtatay Soomaaliya lix sano ka hor, kadib markii uu ku dhacay xanuun ku sigay in ay rejo beel ka noqoto nolosha.

    Waxaa laga sheegay Kansarka ku dhaca dheefmareenka ee loo yaqaan “esophageal cancer” in kasta oo ay markii dambe ka soo kabatay.

    Waxay sheegtay in markuu kansarku ku dhacay ay qarka u fuushay in ay rejo dhigto.

    Sucaad in kasta oo ay ka kabsatay kansarka, hadana wuxuu nolosheedana kaga tagay cabsi ah in kansarku mar labaad nolosheeda kusoo ku noqdo. Si ay cabsidaas ugu xorrowdo waxay sheegtay in ay u soo dhaqaaqday Soomaaliya si ay u samayso cilmi-baadhis ku aadan waxyaabaha dabiiciga ah ee dalka Soomaaliya qaniga ku tahay sida fooxa, luubaanta iyo xabagta, kuwaas oo cilmibaarisyo hore oo la sameeyay ay tilmaameen in ay ka joojin karaan unugyada kansarka in ay fidaan.

    Sucaad oo ah farsamo yaqaan sheybaar ayaa waxay sheegtay in cilmibaaristeedii kadib ayay bilowday in ay isticmaasho waxsoosaarka xabkaha, si ay uga faa’iideysato si shaqsi ah.

    Alaabaha kala duwan ee ay sucaad ka samayso dhirta

    XIGASHADA SAWIRKA,ABDISHUKRI HAYBE

    Qoraalka sawirka,Alaabaha kala duwan ee ay sucaad ka samayso dhirta

    “2017-kii ayaa waxaan bilaabay in aan ogaado faa’iidada ay luubaantu u leedahay kansarka, waxii aan la dagaalamaayayna waxay ahayd in kansarka ka hortag aan ku sameeyo oo mardanbe uusan igu soo noqonin”.

    Sucaad Maxamuud Cali – 57 jir hooyo u ah shan carruur ah ayaa sidoo kale waxay ka fekertay in ay samayso waxyaabo badal u noqda alaabaha loo isticmaalo daryeelka jidhka ee dalka dibadiisa laga keeno iyada oo ka faa’iidaysanaysa xabkaha kala duwan ee dalka laga heli karo iyada oo ka sameyneysa is qurxin dabiici ah.

    Magaalada Garowe ayay ka bilowdaya ganacsiga alaabo dhif ku ah dalka lagana sameeyay dhirtii dalka.

    “Dhammaan waxyaabaha aan samayno waa kuwo bilaa Kiimiko ah oo dabiici ah haddana qofkii waxtaraya,” ayay tidhi Sucaad oo ka hadlaysa saliidaha iyo kareemyada ay ka samaysay dhirta dalka Soomaaliya ka baxda.

    Sucaad oo gabadh u sharaxaysaa nooc mid kamid alaabaha ay samayso

    XIGASHADA SAWIRKA,ABDISHUKRI HAYBE

    Qoraalka sawirka,Sucaad oo gabadh u sharaxaysaa nooc mid kamid alaabaha ay samayso

    Waxyaabaha guryaha lagu buufiyo ee udugga leh, saliido iyo kareemo ay ka sameysa xabagta, ayay Sucaad geysaa suuqa oo ay dadka usoo bandhigtaa, iyada oo u sheegeysa muhiimadda ay leedahay alaabtani.

    “Xaruntii koobaad ee aan alaabtan ku iibinaynay waxaan ka furay magaalada Garowe, bilowgii koobaad waxay noqatay dadka in aan ku wacyi gelinno ahmiyadda ay u leedahay alaabtana iyo siday uga maarmi karaan waxyaabaha kiimikida leh ee caafimaadkoodada wax u dhimaya,” ayay BBC da u sheegtay Sucaad.

    “Nasiib wanaag dadkii koobaad ee alaabta naga iibsaday aad bay uga heleen waxayna noqotay in ay aamini waayaan in waxsoosaarkan dalka gudahiisa laga heli karo laguna samayn karo”, ayay hadalkeeda sii raacisay.

    Waxay wadaa qorshe a fekerkeeda ku balaadhineyso iyada oo dalka Kenya u timid in ay xafiis cusub ka furto oo ay ku iibiso alaabtan ay samayso. Waxay sidoo kale u dhoofisaa dalka Canada oo ah halk ay ka timid Sucaad.

    “Alaabtii meelo badan bay gaartay… waa laga faa’iiday aad baana looga helay natiijadii aan rabnay way keentay,” ayay tiri Sucaad oo farxad ka muujineysa sida qorshaheedii u hirgalay.

    Waxa kale oo ay sheegtay in ay dhaqaalo ka hesho.

    Saliidaha iyo kareenada ay samayso

    XIGASHADA SAWIRKA,ABDISHUKRI HAYBE

    Qoraalka sawirka,Saliidaha iyo kareenada ay samayso

    Sucaad waxay aaminsantahay in Soomaaliya tahay “dhulkii daawada” waxyaabaha dalka ka baxa sida xabagta, malmalka, hadiga, cadaadda iyo luubaantana looga faa’iidaysan karo siyaabo kala duwan oo waxtar u leh caafimaadka qofka aadamiga ah.

    Waxay sheegtay in dumar badan ay ku dhaashan karaan alaabta ay soo saarto, halkii ay isticmaali lahaayeen kareemada ay isku caddeeyaan.

    “Gabdho badan baa waxay marsadeen wajiga ka haleeyay, haddana way quusteen wax usoo celinaya jidhkoodii hore ma jiro. Annagana hadda waxaan helnay xitaa qofkii wajigu ka fiiqmay wax usoo celinaaya jidhkii dabiiciga ahaa.”

    Sucaad, 1989-kii ayay Soomaaliya oo burburaysaa dalka ka baxday iyada oo tagtay qurbaha si ay u hesho nolol dhaanta tii ay ka jirtay dalkeeda Soomaaliya, waxay dhibane u noqotay xanuunka kansarka 10 sano kadib markii ay qaxday, iyada oo ku dhawaatay quus. Hadda waxay joogtaa dalkeeda hooyo iyada oo dooneysa in ay tusaale u noqoto gabdhaha Soomaaliyeed iyo dadka la dhiban xanuunka kansarka ee laga yaabo in ay nolosha quus ka istaagaan.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

    September 12, 2025

    Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

    September 12, 2025

    Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

    September 12, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

    September 12, 2025

    Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

    September 12, 2025

    Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

    September 12, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.