Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025

    Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

    September 9, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Jaamacadda Carabta oo dhaleecayn kala kulantay Itoobiya

      September 9, 2025

      Saciid Deni oo Safar qarsoodi ah saaka ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta

      September 9, 2025

      Puntland oo kahor timid go’aan kasoo baxay dowladda Federaalka

      September 9, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaali guul weyn ka gaartay doorasho ka dhacday dalka Norwey

      September 9, 2025

      Xamaas oo si adag uga hadashay hadal kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Israa’iil

      September 9, 2025

      Maamulka Mandheera oo cadeeyay in dowladda Kenya ay taageero u fidisay ciidanka Jubbaland

      August 31, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

      September 9, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Jaamacadda Carabta oo dhaleecayn kala kulantay Itoobiya

      September 9, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Soomaaliya: ‘Qalab cusub ayaan u adeegsanaynaa xiriirka diyaaradaha dulmara Somaliland, kii hore waan joojinay’

    Soomaaliya: ‘Qalab cusub ayaan u adeegsanaynaa xiriirka diyaaradaha dulmara Somaliland, kii hore waan joojinay’

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comFebruary 24, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Hawada Soomaaliya ayaa la kulantay mid ka mida xiisadihii ugu adkaa, taas oo la xiriritay maamulka hawada iyo cidda la xiriireysa diyaaradaha isticmaala.

    Arrintan ayaa sababtay in duulimaadyo caalamiya ay la kulmaan warbixino duulimaad oo aan rasmi ahayn oo ay heleen, sida ay qireen Muqdisho iyo Hargeysaba, taas oo kor u qaaday khatarta heerka badqabka hawada ee Soomaaliya.

    Haya’adda duulista rayidka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in hadda wax laga badalay habka isgaarsiinta ee lagula xiriiro diyaaradaha maraya hawada Somaliland, sababo la xiriira hubinta badqabka hawada, sida ay u sheegeen BBC da.

    Axmed Macallin Xasan oo ah maareeyaha Hay’adda Duullimaadyada Rayidka Soomaaliya ayaa BBC-da u xaqiijiyey in hadda diyaaradaha maraya hawada Somaliland lagula xiriirayo qalab cusub oo ay bilaabeen isticmaalkiisa. Waxaa isticmaali doona qalabkaan hagayaasha diyaaraha ee Soomaaliya.

    Qalabkaan cusub ayuu ku sheegay inuu yahay taleefanka ku shaqeeya dayax-gacmeedka, kaas oo ay haystaan diyaaradha iyo xafiiska laga hago diyaaradaha ee Soomaaiya labadaba.

    “Arrintaasi si fiican ayay u shaqaysay, wax walwal ahna kama qabno…dayuuradihiina wax saamayn ah kuma yeelan,” ayuu BBC da u sheegay Axmed.

    Wuxuu intaas ku daray in habkani xaliyay carqaladihii ay la kulmayeen diyaaradaha dulmara hawada Soomaliya.

    “Hadda waxaan arkaa diyaaradda Emaratis oo u socota Brazil oo maraysa hawada Soomaaliya marka si fiican ayey u socotaa” ayuu BBC-da u sheegay Axmed Macallin oo ku sugnaa qolka laga hago diyaaradha ee Muqdisho.

    Adeegsiga Taleefankaan ku xiran dayax-gacmeedka ayey haya’adda duulista ee Soomaaliya sheegtay in kaliya loo isticmaalayo duulimaadyada dul maraya hawada Somaliland oo kaliya.

    Soomaaliya ayaa sheegtay in ay haysato saddex nidaam oo ay kula xiriirto diyaaradha dulmaraya hawada, kuwaas oo kala VHF, taleefanku shaqeeya dayax-gacmeedka iyo qalab saddexaad oo ah mid ku shaqeeya internetka oo fariimo la isku weydaarsado. Waxay sheegtay in hadda ay meesha ka saartay qalabka VHF ee raadiyaha ah.

    ‘‘Duuliyaashu waxay hore u haysteen xorriyad ah inay adeegsadaan dhamaan saddexda nooc ee lagula xiriiro diyaaraha maraya hawada Soomaaliya, laakiin hadda waxaan qaadnay xorriyada qalabka kowaad ee raadiyaha,” ayuu BBC da u sheegay maareeye Axmed.

    Jawaabta Somaliland

    SOMALILAND IYO SOOMAALIYA XAGA HAWADA

    XIGASHADA SAWIRKA,CUMAR SIYID

    Qoraalka sawirka,Maareeyaha guud ee Haya’adda duulista iyo madaarada ee Somaliland, Cumar Sayid Cabdilaahi

    Maareeyaha guud ee Haya’adda duulista iyo madaarada ee Jamhuuriyada iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, Cumar Sayid Cabdilaahi ayaa BBC-da u sheegay in iyagu ay wataan howshooda adeegsiinta diyaaradaha maraya hawada Somaliland waxna aysan kaga xirnayn Soomaaliya.

    Waxaan wax ka weydiinay in qalabka VHF ka ay wali kula xariirayaan diyaaradaha iyo in kale, balse waa uu ka gaabsaday in uu carbaabo nuuca qalab ee adeegsanayaan.

    ‘‘Hadda waxaan kaala hadlayaa taawarka, diyaaradihii dul marayey hawada Somaliland ayaa loo shaqaynayaa, cid awood u leh inay joojisana malaha,” ayuu BBC da u sheegay maareeye Cumar Sayid.

    Laakiin wuxuu ku eedeeyay Muqdisho ‘‘in ay wali wado carqalad galinta hawada Somaliland, taasina u bahan tahay xal ee aysan u baahnayn in laga meer meero’’.

    Sidaas si lamid ah Axmed Macallin ayaa isna ku eedeeyay Hargeysa “inay la xiriiraan diyaaraaha maraya hawada”.

    Muxuu yahay qalabka ‘SatellitePhone’

    Hanaankan waa mid ka mida xiriirada isgaarsiineed ee ay adeegsadaan hagayaasha diyaaradaha iyo duuliyaashuba kaas oo ah mid ku xiran dayax gacmeedka.

    Telefoonkan ayaa ah mid loo adeegsado ‘ Code’ gaar ah oo dhexmaraya dayax gacmeedka, kaas oo si toos ah ugu dhacaya taleefanada yaalla qolka laga hago diyaaradaha maraya hawada ee dalkaasta uu goonida u leeyahay.

    Tan iyo markii dowladda federaalka ee Soomaaliya ay si rasmi ah ula wareegtay maamulka hawada dalka dhamaadkii sanadka 2017-ka, waxaa markii u horeysay ee waalac noocaan ah ka dhashay hawada Soomaaliya xilligaan oo xiisadi ka jirto gobolka geeska Afrika.

    Xiisadda ayaa timid kadib markii Itoobiya ay heshiis la saxiixatay Somaliland.

    Heshiiskaas ayaa dhigayay in Itoobiya la siiyo dhul xeebeed dhan 20 km, kaas oo ay ka dhisan doonaan saldhig ciidamada badeed ah oo ay Itoobiya leedahay.

    Soomaaliya ayaa ka carootay heshiiskaas, walina kama aysan laaban labada dinac

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025

    Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

    September 9, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025

    Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

    September 9, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.