Close Menu
    What's Hot

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

      March 1, 2026

      Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

      March 1, 2026

      DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

      March 1, 2026

      DEG DEG Dawladda Iran ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida hoggaamiyihiin sare ee Iran Aayatullaahi Cali,

      March 1, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

      March 1, 2026

      Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

      March 1, 2026

      DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

      March 1, 2026

      DEG DEG Dawladda Iran ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida hoggaamiyihiin sare ee Iran Aayatullaahi Cali,

      March 1, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Soomaaliya: ‘Qalab cusub ayaan u adeegsanaynaa xiriirka diyaaradaha dulmara Somaliland, kii hore waan joojinay’

    Soomaaliya: ‘Qalab cusub ayaan u adeegsanaynaa xiriirka diyaaradaha dulmara Somaliland, kii hore waan joojinay’

    By radiohalgan.comFebruary 24, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Hawada Soomaaliya ayaa la kulantay mid ka mida xiisadihii ugu adkaa, taas oo la xiriritay maamulka hawada iyo cidda la xiriireysa diyaaradaha isticmaala.

    Arrintan ayaa sababtay in duulimaadyo caalamiya ay la kulmaan warbixino duulimaad oo aan rasmi ahayn oo ay heleen, sida ay qireen Muqdisho iyo Hargeysaba, taas oo kor u qaaday khatarta heerka badqabka hawada ee Soomaaliya.

    Haya’adda duulista rayidka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in hadda wax laga badalay habka isgaarsiinta ee lagula xiriiro diyaaradaha maraya hawada Somaliland, sababo la xiriira hubinta badqabka hawada, sida ay u sheegeen BBC da.

    Axmed Macallin Xasan oo ah maareeyaha Hay’adda Duullimaadyada Rayidka Soomaaliya ayaa BBC-da u xaqiijiyey in hadda diyaaradaha maraya hawada Somaliland lagula xiriirayo qalab cusub oo ay bilaabeen isticmaalkiisa. Waxaa isticmaali doona qalabkaan hagayaasha diyaaraha ee Soomaaliya.

    Qalabkaan cusub ayuu ku sheegay inuu yahay taleefanka ku shaqeeya dayax-gacmeedka, kaas oo ay haystaan diyaaradha iyo xafiiska laga hago diyaaradaha ee Soomaaiya labadaba.

    “Arrintaasi si fiican ayay u shaqaysay, wax walwal ahna kama qabno…dayuuradihiina wax saamayn ah kuma yeelan,” ayuu BBC da u sheegay Axmed.

    Wuxuu intaas ku daray in habkani xaliyay carqaladihii ay la kulmayeen diyaaradaha dulmara hawada Soomaliya.

    “Hadda waxaan arkaa diyaaradda Emaratis oo u socota Brazil oo maraysa hawada Soomaaliya marka si fiican ayey u socotaa” ayuu BBC-da u sheegay Axmed Macallin oo ku sugnaa qolka laga hago diyaaradha ee Muqdisho.

    Adeegsiga Taleefankaan ku xiran dayax-gacmeedka ayey haya’adda duulista ee Soomaaliya sheegtay in kaliya loo isticmaalayo duulimaadyada dul maraya hawada Somaliland oo kaliya.

    Soomaaliya ayaa sheegtay in ay haysato saddex nidaam oo ay kula xiriirto diyaaradha dulmaraya hawada, kuwaas oo kala VHF, taleefanku shaqeeya dayax-gacmeedka iyo qalab saddexaad oo ah mid ku shaqeeya internetka oo fariimo la isku weydaarsado. Waxay sheegtay in hadda ay meesha ka saartay qalabka VHF ee raadiyaha ah.

    β€˜β€˜Duuliyaashu waxay hore u haysteen xorriyad ah inay adeegsadaan dhamaan saddexda nooc ee lagula xiriiro diyaaraha maraya hawada Soomaaliya, laakiin hadda waxaan qaadnay xorriyada qalabka kowaad ee raadiyaha,” ayuu BBC da u sheegay maareeye Axmed.

    Jawaabta Somaliland

    SOMALILAND IYO SOOMAALIYA XAGA HAWADA

    XIGASHADA SAWIRKA,CUMAR SIYID

    Qoraalka sawirka,Maareeyaha guud ee Haya’adda duulista iyo madaarada ee Somaliland, Cumar Sayid Cabdilaahi

    Maareeyaha guud ee Haya’adda duulista iyo madaarada ee Jamhuuriyada iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, Cumar Sayid Cabdilaahi ayaa BBC-da u sheegay in iyagu ay wataan howshooda adeegsiinta diyaaradaha maraya hawada Somaliland waxna aysan kaga xirnayn Soomaaliya.

    Waxaan wax ka weydiinay in qalabka VHF ka ay wali kula xariirayaan diyaaradaha iyo in kale, balse waa uu ka gaabsaday in uu carbaabo nuuca qalab ee adeegsanayaan.

    β€˜β€˜Hadda waxaan kaala hadlayaa taawarka, diyaaradihii dul marayey hawada Somaliland ayaa loo shaqaynayaa, cid awood u leh inay joojisana malaha,” ayuu BBC da u sheegay maareeye Cumar Sayid.

    Laakiin wuxuu ku eedeeyay Muqdisho β€˜β€˜in ay wali wado carqalad galinta hawada Somaliland, taasina u bahan tahay xal ee aysan u baahnayn in laga meer meero’’.

    Sidaas si lamid ah Axmed Macallin ayaa isna ku eedeeyay Hargeysa “inay la xiriiraan diyaaraaha maraya hawada”.

    Muxuu yahay qalabka β€˜SatellitePhone’

    Hanaankan waa mid ka mida xiriirada isgaarsiineed ee ay adeegsadaan hagayaasha diyaaradaha iyo duuliyaashuba kaas oo ah mid ku xiran dayax gacmeedka.

    Telefoonkan ayaa ah mid loo adeegsado β€˜ Code’ gaar ah oo dhexmaraya dayax gacmeedka, kaas oo si toos ah ugu dhacaya taleefanada yaalla qolka laga hago diyaaradaha maraya hawada ee dalkaasta uu goonida u leeyahay.

    Tan iyo markii dowladda federaalka ee Soomaaliya ay si rasmi ah ula wareegtay maamulka hawada dalka dhamaadkii sanadka 2017-ka, waxaa markii u horeysay ee waalac noocaan ah ka dhashay hawada Soomaaliya xilligaan oo xiisadi ka jirto gobolka geeska Afrika.

    Xiisadda ayaa timid kadib markii Itoobiya ay heshiis la saxiixatay Somaliland.

    Heshiiskaas ayaa dhigayay in Itoobiya la siiyo dhul xeebeed dhan 20 km, kaas oo ay ka dhisan doonaan saldhig ciidamada badeed ah oo ay Itoobiya leedahay.

    Soomaaliya ayaa ka carootay heshiiskaas, walina kama aysan laaban labada dinac

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday 40 maalin oo baroor diiq Qaran ah, kadib

    March 1, 2026

    Maxaan ka naqaanau Hoggaamiyihii-ruuxiga Iiraan?

    March 1, 2026

    DEG DEG Iiraan ayaa ku dhawaaqay geerida Ayatollah Ali

    March 1, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.