Soomaaliya ayaa billowday ololaha ay ku doonayso hanashada kursiga Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee loosoo gaabiyo AUC oo ay ku metalayso Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo musharraxad isusoo taagtay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Fowsiya Yuusuf ayaa rejo wanaagsan ka muujisay in ay gacanta ku dhigto kursigaan iyada oo sheegtay in ay xoogga saarayso haddii ay ku guulaysato Horumarinta Qaaradda Afrika kuna soo kordhin doonno waaya-aragnimadeeda Siyaasadeed.
Muddo xileedka kursigaan ay ku haminayso Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan waa 2025-2028 waxaana ku tartamaya Hoggaamiyaha Mucaaradka Dalka Kenya Raila Odigna oo qudhiisu wada ololaha uu ku gaarayo guusha uu u baahan yahay.
Midaynta Dalalka kala aragtida duwan ee Qaaradda Afrika ayay tilmaamtay in ay door firfircoon ka qaadan doonto iyada oo diiradda saarayso sidii loo heli lahaa Qaarad midaysan oo isku dhafan waa sida ay hadalka u dhigtay Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.
“Waxa aan u hayaa jacayl qoto dheer & rabitaan xooggan oo ah inaan ka qayb qaato horumarka Afrika, Anigoo u tartamaya guddoomiyaha Midowga Afrika, waxaan hiigsanayaa inaan xoojiyo xiriirka ka dhexeeya dalalka Afrika oo aan ka shaqeeyo sidii loo heli lahaa qaarad midaysan oo isku-dhafan” ayay tiri Fowsiya oo u warrantay Nation.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daauud Aways Jaamac ayaa sheegay in Dowladdu ay garab istaag buuxa la dhinac taagan tahay musharraxad Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.
Fursadaha Soomaaliya & Kenya usoo bannaanbixiyay in ay damcaan Kursigaan waa shuruucda la dejiyay sanadkii 2018kii oo keliya Dalalka dhaca Bariga Qaaradda Afrika u ogolaanaya in ay u tartamaan Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.