Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali) ayaa ka qeyb-galaya Madasha WSIS20 oo lagu qabtay sanadkaan magaalada Geneva ee wadanka Switzerland.
Wasiir Maxamed ayaa kulan gaar ah la yeeshay Mrs. Doreen Bogdan-Martin Xoghayaha guud ee Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee ITU, kaasi oo kala hadlay arrimo dhowr ah.
Kulankaan oo diiradda lagu saara xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo ITU, ayaa looga hadlay horumarinta Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, dhiiri-galinta kor uqaadista xirfadaha dhijitaalka, sare u qaadista ICT-da iyo sidii sharciyo iyo habraac looga samenyn lahaa maamulka garaadka macmalka AI, maadaama si xowli uu ku socdo.
Wasiirka Isgaarsiinta Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin ayaa Xoghayaha guud ee ITU la wadaagay guulaha ay Soomaaliya ka gaartay isgaarsiinta iyo teknoolojiyada xilligaana xooga la saaraayo xirfadaha Dhijitaalka.
“Wasaaradda waxa ay go’aansatey in ay kor u qaaddo xirfadaha dhijitaalka, dhallinyarada waxaa la siinayaa tababar ku saabsan xirfadaha lagama maarmaanka u ah suuqa shaqada dhijitaalka,” ayuu yiri wasiirka.
Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira dardar-galinta casriyeenta nidaamka dowliga, iyada oo xooga la saaraayo dhijitaalka iyo adeega e-commerce iyo e-government oo xilligaan baahi weyn loo qabo.
Arrintaan ayaa imaneysa xilli uu isa-soo tarayo walaaca ee ku saabsan Garaadka Macmalka ah ama Artificial Intelligence, ee muddooyinkii dambe sida weyn ugu faafayey dunida.