Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Soomaaliya oo ka jawaabtay go’aanka Midowga Afrika

    Soomaaliya oo ka jawaabtay go’aanka Midowga Afrika

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 22, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dowladda Federaalka Soomaaliya oo jawaab ka bixisay tallaabada Ururka Midowga Afrika ayaa soo dhaweysay go’aanka Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee ururkaasi oo aqbalay codsiga Soomaaliya ee ku aadan bixista ATMIS iyo dhismaha ciidamada cusub ee beddelaya.

    Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika Danjire Cabdullahi Maxamed Warfaa ayaa ka warbixiyey aqbalaadda codsiga Soomaaliya iyo waxa uu ka dhigan yahay, isaga sheegay in go’aanada kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ay yihiin kuwa masiiri ah oo saameynaya Soomaaliya.

    Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay inay masiiri yihiin, isla markaana ay wax badan ka beddali doonaan nabadgelyada Soomaaliya, maadaama ay la wareegayaan ciidanka qaranka.

    “Qaraarada kasoo baxay Midowga Afrika waa go’aano masiiri ah oo nabadgelyada Soomaaliya saameyn ku leh, wax badana ka beddalaya sida ay wax u socdeen, sidoo kalena abuuraya jawi cusub oo ka duwan sidii hore oo ay wax u socdeen” ayuu yiri Danjire Warfaa.

    Safiirka Soomaaliya ee Midowga Afrika ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in la gaaray xilligii isku filnaashaha Soomaaliya, ayna amnigeeda ku filan yihiin ciidankeeda.

    “Soomaaliya inta badan waxay aad ugu tiirsaneed ciidamadan baxayo, hase yeeshee waxaa la gaaray waqti ay Soomaaliya go’aankeeda qaadan karto oo ay rabto inay isku filnaato ciidamadeeda ay ku filnaadaan, ayna la wareegaan nabadgelyada dalka” ayuu raaciyay.

    Waxaa kale oo uu kusii daray “Sanadihii u dambeeyay waxaa socday wada-hadallo u dhexeeyay Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya, waxayna ku saabsanaayeen sida mas’uuliyadda waddanka loogu wareejin lahaa dowladda dhexe”.

    ATMIS ayaa la filayaa inay dalka ka baxdo dhammaadka sanadkan 2024-ka, waxaana haatan si tartiib ah u socda qorshaha bixista ciidamada ku jira howlgalkaasi.

    Dhinaca kale Midowga Afrika ayaa taageeray in la sameeyo howlgal cusub oo ururkooda hoostaga, maadaama howlgalka hadda socda ee ATMIS uu dhamaanayo bisha December ee sanadkaan 2024.

    Midowga Afrika ayaa warbixinta ay soo saareen ku sheegay in howlgalka cusub ay diiradda ku saari doonaan taageeridda dowladda federaalka Soomaaliya, si dalka looga xoreeyo kooxaha argagixisada ah.

    Howlgalka bilaabanaya ee ATMIS bedelaya ayaa mudnaanta lagu siinayaa ilaalinta rayidka Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale dowladda dhexe ka caawi doonaa xasilinta iyo amniga dalka, iyadoo awood la siinayo mudnaanta dowlad-dhiska, sida lagu sheegay warbixinta.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.