Soomaaliya ayaa garab istaag xooggan u muujisay Ururka Jaamacadda Carabta oo todobaadkaan dhaleecayn kala kulmay Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya Sulaiman Dedefo Woshe oo ku eedeeyay in uu kala saftay Masar.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Ururka Jaamacadda Carabta uu taageerro muuqda u muujiyay Soomaaliya iyo dedaallada dib u dhiska Dalka.
Fiqi ayaa intaas ku daray Ururka Jaamacadda Carabta uu waajib ku yahay sidii uu u wanaaji lahaa ama isugu xiri lahaa cilaaqaadka ka dhaxeeya Dalalka Xubnaha ka ah, taasina ay tahay ujeedka loo aasaasay ururkaan sida uu hadalka u dhigay.
“Soomaaliya waxa ay xubin ka tahay Ururka Jaamacadda Carabta oo taageero u muujiyay isla markaana ka caawiyay dedaallada dib u dhiska, Yoolka Ururku waa isku xirka xiriirka Dalalka xubnaha ka ah si wadashaqayntoodu u wanaagsanaato” Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Danjire Axmed Macallin Fiqi.
Soomaaliya waxa ay heshiis dhinaca Amniga ah la gashay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar oo ay xubno kawada yihiin Jaamacadda Carabta, Xukuumadda Qaahira waxa ay siyaasad ahaan is hayaan dhiggeeda Addis Ababa oo qaadday tallaabooyin ka hor imaanaya wadaagga biyaha Nile.