Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

    July 28, 2025

    MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

    July 28, 2025

    Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

    July 28, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

      July 28, 2025

      MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

      July 28, 2025

      Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

      July 28, 2025

      Dagaal culus oo xalay ka dhacay Degmada Doolow ee G/Gedo

      July 28, 2025

      9 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday maxkamad ku taal dalka Iran,

      July 26, 2025

      Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya dhinaca Difaaca

      July 25, 2025

      Akhriso:- WhatsApp ma wuxuu noqday aalad wax basaasta

      July 22, 2025

      Samatabbixiyeyaasha Congo oo gacmahooda ku qodaya si ay soo saaraan macdan qodayaal ku go’doonsan Dhulka.

      July 22, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

      July 28, 2025

      MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

      July 28, 2025

      Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

      July 28, 2025

      Dagaal culus oo xalay ka dhacay Degmada Doolow ee G/Gedo

      July 28, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Soomaaliya ma waxaa ku jira kayd shidaal oo ka badan kan Imaaraatka Carabta?

    Soomaaliya ma waxaa ku jira kayd shidaal oo ka badan kan Imaaraatka Carabta?

    By radiohalgan.comFebruary 2, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Waxaa baraha bulshada ee Soomaalida ku baahay muuqaal la isku barbar dhigayo keydadka Shidaalka ee dalalka Caalamka, kaas oo Soomaaliya ka dhigaya lambarka lixaad ee dalalka ugu keydka shidaal badan caalamka.

    Muuqaalka waxaa soo bandhigay kanaalka YouTube ee Gravity, kaas oo adeegsada xogaha guud ee caalamka kadibna muuqaallo ka sameeya si ay isbarbar dhig ugu sameeyaan. Tusaale muuqaalkan waxay isku barbar dhigayaan dalalka uu dhulkooda iyo baddooda ku jiro keyd shidaal taas oo Soomaaliya kaga sara mariyeen dalka saliidda qaniga ku ah ee Isutagga Imaaraatka carabta.

    Wuxuu sheegayaa muuqaalku in Soomaaliya ay ku jirto boqol iyo kow iyo toban bilyan oo fuusto oo saliidda cadhiin ah. Lacag ahaan haddii lagu dhufto qiimaha fuustada saliidda cadhiin ah ee maanta; waxay noqonaysaa in ka badan siddeed Triliyan oo dólar, taas oo haddii ay run tahay Soomaaliya ka dhigaysa mid ka mid ah dalalka ugu qanisan caalamka.

    Maxaa ka jira in shidaal intaas la eg ku jiro Soomaaliya?

    Runnimada xogta ku xusan muuqaalka ayaan wax ka waydiinay wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya.

    Agaasimaha wasaaradda, Maxamed Xaashi Carabeey ayaa BBC da u sheegay in aysan beenin karin isla markaanay aysan rumayn karin xogta, maadaama aysan Soomaaliya ogayn qiyaasta dhabta ah ee shidaalka ku jira Soomaaliya. Wuxuu sheegay in qiyaasta lagu xusay muuqaalkaas mid ka badan ay ku jiri karto gudaha Soomaaliya.

    “Ma xaqiijin karno mana garanayno halka ay xogtan ka keeneen, laakiin aad iyo aad ayuu suurta gal u yahay in intaas iyo ka badanba ay ku jirto Soomaaliya,” ayuu BBC da u sheegay agaasime Maxamed.

    Wuxuu ku sababeeyay hadalkiisaan in Soomaaliya aysan wali ogaan cadadka shidaalka ku jira dhulka iyo badda Soomaaliya isla markaana xogta rasmiga ah ee hadda la hayo ay ku kooban tahay oo kaliya waxa laga helay xirmooyin ka mid ah kuwa badda.

    Sannadkii 2020 kii, shirkadda sahaminta ee Norway, TGS, ayaa ku qiyaastay in qayb kamid ah badda Soomaaliyta uu ku jiro kayd saliid oo ku dhow 30 bilyan oo barmiil, oo leh kayd dheeraad ah oo badda ah, in kasta oo qiyaasaha dhulku ay aad u yar yihiin.

    Si kastaba ha ahaatee su’aal kama taagno in Soomaaliya ay ku fadhido kayd shidaal oo weyn, bad iyo berriba, balse weli lama hayo qiyaas rasmi ah oo lagu tiirsanaan karo taas oo sida muuqaalka oo kale sheegi karta tiro fuustooyin ah oo guud ahaan ku jirta dhulka iyo badda Soomaaliya.

    Ceelka Shidaalka ee aagga Oodweyne
    Qoraalka sawirka,Ceelka Shidaalka ee aagga Oodweyne

    Sahminta shidaal ee Soomaaliya

    Soomaaliya waxaa lagu sameeyay baaritaanno shidaal oo badan kuwaas oo sida uu noosheegay Agaasimaha Guud ee wasaaradda bartroolka iyo macdanta ee Soomaaliya, Agaasime Maxamed xaashi, soo bilowday sannadkii 1957 – saddex sano ka hor xornimadii Soomaaliya.

    Ceelkii ugu horeeyay ayaa xilligaas “laga qoday woqooyiga Soomaaliya” tan iyo markaas waxaa la baaray 68 ceel, “afar iyo labaatan ka mid ah waxay tusaysay in uu shidaal ku jiro” ayuu yiri Agaasime Maxamed.

    Qaar ka mid ah ceelashii lagu bilaabay qoditaanka, ayuu dagaalkii sokeeye iyo dhicitaankii dawladdi dhexe ku yimaadeen sidaasna ay hakad ku galeen, sida uu BBC da u sheegay agaasimuhu.

    Markii ay Soomaaliya ka baxday dawlad ku meel gaar ah sannadkii 2013, wasaaradda batroolka ee Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay shirkad la yiraahdo Som Oil and Gas. Shirkaddan waxay sahamin ku samaynaysay laga bilaabo Kismaayo illaa Hobyo oo dhanka badda ah sida uu noo sheegay Agaasimaha wasaaradda.

    Shirkaddaasi waxay sahamisay saddex aag oo kala duwan, “Waxayna sameeyeen baaritaan illaa 20 kun oo kilo mitir ah. Sanadihii 2015-2016 waxaa baaritaan kale sameeyay shirkad kale oo Spectrum la yiraahdo taas oo sida uu agaasimuhu sheegay iyaduna baartay 21 kun oo kilo mitir.

    Haddaba labadaas baaritaan markii la sameeyay “waxaa la ogaaday keydka saliidda ee Soomaaliya ku jira ee badda inta laga baaray ah in uu yahay mid aad u badan oo fursad badan ay jirto, maalinkiina lagasoo saari karo in ka badan hal milyan oo fuusto” ayuu yiri Agaasime Maxamed Xaashi Carrabey.

    Shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka oo ay ka mid yihiin Chevron, Eni, ExxonMobil iyo Shell ayaa sahamin ka bilaabay Soomaaliya 1950-meeyadii, balse waxaa la hakiyay markii uu dalka ka qarxay dagaal sokeeye 1991-kii.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

    July 28, 2025

    MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

    July 28, 2025

    Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

    July 28, 2025
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

    July 28, 2025

    MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir ka socda Itoobiya

    July 28, 2025

    Soomaaliya oo sheegtay in ay soo iibsatay laba dayaaradood oo Airbus ah oo dhawaan hawlgali doona

    July 28, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.