Close Menu
    What's Hot

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026

    DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

    February 7, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

      February 7, 2026

      DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

      February 7, 2026

      DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

      February 7, 2026

      DEGDEG:- Xildhibaano iyo Ciidan isku dhex dagaalay xarunta Baarlamaanka,

      February 7, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

      February 7, 2026

      DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

      February 7, 2026

      DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

      February 7, 2026

      DEGDEG:- Xildhibaano iyo Ciidan isku dhex dagaalay xarunta Baarlamaanka,

      February 7, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Soomaaliya ma waxaa ku jira kayd shidaal oo ka badan kan Imaaraatka Carabta?

    Soomaaliya ma waxaa ku jira kayd shidaal oo ka badan kan Imaaraatka Carabta?

    By radiohalgan.comFebruary 2, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Waxaa baraha bulshada ee Soomaalida ku baahay muuqaal la isku barbar dhigayo keydadka Shidaalka ee dalalka Caalamka, kaas oo Soomaaliya ka dhigaya lambarka lixaad ee dalalka ugu keydka shidaal badan caalamka.

    Muuqaalka waxaa soo bandhigay kanaalka YouTube ee Gravity, kaas oo adeegsada xogaha guud ee caalamka kadibna muuqaallo ka sameeya si ay isbarbar dhig ugu sameeyaan. Tusaale muuqaalkan waxay isku barbar dhigayaan dalalka uu dhulkooda iyo baddooda ku jiro keyd shidaal taas oo Soomaaliya kaga sara mariyeen dalka saliidda qaniga ku ah ee Isutagga Imaaraatka carabta.

    Wuxuu sheegayaa muuqaalku in Soomaaliya ay ku jirto boqol iyo kow iyo toban bilyan oo fuusto oo saliidda cadhiin ah. Lacag ahaan haddii lagu dhufto qiimaha fuustada saliidda cadhiin ah ee maanta; waxay noqonaysaa in ka badan siddeed Triliyan oo dΓ³lar, taas oo haddii ay run tahay Soomaaliya ka dhigaysa mid ka mid ah dalalka ugu qanisan caalamka.

    Maxaa ka jira in shidaal intaas la eg ku jiro Soomaaliya?

    Runnimada xogta ku xusan muuqaalka ayaan wax ka waydiinay wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya.

    Agaasimaha wasaaradda, Maxamed Xaashi Carabeey ayaa BBC da u sheegay in aysan beenin karin isla markaanay aysan rumayn karin xogta, maadaama aysan Soomaaliya ogayn qiyaasta dhabta ah ee shidaalka ku jira Soomaaliya. Wuxuu sheegay in qiyaasta lagu xusay muuqaalkaas mid ka badan ay ku jiri karto gudaha Soomaaliya.

    β€œMa xaqiijin karno mana garanayno halka ay xogtan ka keeneen, laakiin aad iyo aad ayuu suurta gal u yahay in intaas iyo ka badanba ay ku jirto Soomaaliya,” ayuu BBC da u sheegay agaasime Maxamed.

    Wuxuu ku sababeeyay hadalkiisaan in Soomaaliya aysan wali ogaan cadadka shidaalka ku jira dhulka iyo badda Soomaaliya isla markaana xogta rasmiga ah ee hadda la hayo ay ku kooban tahay oo kaliya waxa laga helay xirmooyin ka mid ah kuwa badda.

    Sannadkii 2020 kii, shirkadda sahaminta ee Norway, TGS, ayaa ku qiyaastay in qayb kamid ah badda Soomaaliyta uu ku jiro kayd saliid oo ku dhow 30 bilyan oo barmiil, oo leh kayd dheeraad ah oo badda ah, in kasta oo qiyaasaha dhulku ay aad u yar yihiin.

    Si kastaba ha ahaatee su’aal kama taagno in Soomaaliya ay ku fadhido kayd shidaal oo weyn, bad iyo berriba, balse weli lama hayo qiyaas rasmi ah oo lagu tiirsanaan karo taas oo sida muuqaalka oo kale sheegi karta tiro fuustooyin ah oo guud ahaan ku jirta dhulka iyo badda Soomaaliya.

    Ceelka Shidaalka ee aagga Oodweyne
    Qoraalka sawirka,Ceelka Shidaalka ee aagga Oodweyne

    Sahminta shidaal ee Soomaaliya

    Soomaaliya waxaa lagu sameeyay baaritaanno shidaal oo badan kuwaas oo sida uu noosheegay Agaasimaha Guud ee wasaaradda bartroolka iyo macdanta ee Soomaaliya, Agaasime Maxamed xaashi, soo bilowday sannadkii 1957 – saddex sano ka hor xornimadii Soomaaliya.

    Ceelkii ugu horeeyay ayaa xilligaas β€œlaga qoday woqooyiga Soomaaliya” tan iyo markaas waxaa la baaray 68 ceel, β€œafar iyo labaatan ka mid ah waxay tusaysay in uu shidaal ku jiro” ayuu yiri Agaasime Maxamed.

    Qaar ka mid ah ceelashii lagu bilaabay qoditaanka, ayuu dagaalkii sokeeye iyo dhicitaankii dawladdi dhexe ku yimaadeen sidaasna ay hakad ku galeen, sida uu BBC da u sheegay agaasimuhu.

    Markii ay Soomaaliya ka baxday dawlad ku meel gaar ah sannadkii 2013, wasaaradda batroolka ee Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay shirkad la yiraahdo Som Oil and Gas. Shirkaddan waxay sahamin ku samaynaysay laga bilaabo Kismaayo illaa Hobyo oo dhanka badda ah sida uu noo sheegay Agaasimaha wasaaradda.

    Shirkaddaasi waxay sahamisay saddex aag oo kala duwan, β€œWaxayna sameeyeen baaritaan illaa 20 kun oo kilo mitir ah. Sanadihii 2015-2016 waxaa baaritaan kale sameeyay shirkad kale oo Spectrum la yiraahdo taas oo sida uu agaasimuhu sheegay iyaduna baartay 21 kun oo kilo mitir.

    Haddaba labadaas baaritaan markii la sameeyay β€œwaxaa la ogaaday keydka saliidda ee Soomaaliya ku jira ee badda inta laga baaray ah in uu yahay mid aad u badan oo fursad badan ay jirto, maalinkiina lagasoo saari karo in ka badan hal milyan oo fuusto” ayuu yiri Agaasime Maxamed Xaashi Carrabey.

    Shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka oo ay ka mid yihiin Chevron, Eni, ExxonMobil iyo Shell ayaa sahamin ka bilaabay Soomaaliya 1950-meeyadii, balse waxaa la hakiyay markii uu dalka ka qarxay dagaal sokeeye 1991-kii.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026

    DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

    February 7, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    DEG DEG Askarta Baarlamaanka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo foodda is daray.

    February 7, 2026

    DEG DEG Ciidamo Boolis ah oo Gudaha u galay Xarunta Golaha Shacabka iyo Xaalad taagan

    February 7, 2026

    DEG DEG: Warbaahinta madaxa bannaan oo isaga soo baxay xarunta golaha

    February 7, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.