Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa dalka Qadar kulan kula la qaatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha wadankaas Qatar Cabdilcasiis Bin Faysal Bin Maxamed Al-Thani.
Kulana wasiirka amniga iyo wasiiru dowlaha dalka Qadar ayaa waxaa looga hadlay xiriirka iskaashiga ee labada dal ee Soomaaliya iyo dalka Qadar.
Sidoo kale, waxaa kulanka si gaar ah diiradda lagu saaray dhinacyada amniga, arrimaha gudaha iyo sidii loo horumarin lahaa wada shaqeynta iyo taageerada dowladda Qatar ee Soomaaliya.
Kulanka, Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Wasiiru dowlaha dalka Qadar, ayaa imaanay xilli uu wasiirka amniga XFS uu safar shaqo ku joogo dalka Qadar.