Close Menu
    What's Hot

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026

    Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

    February 22, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026

      Dowlad Goboleedyada wakhtigu ka dhamaaday waa inay qabsadaan Doorasho dadban”, Golaha Mustaqblka Soomaaliyeed.

      February 21, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026

      Dowlad Goboleedyada wakhtigu ka dhamaaday waa inay qabsadaan Doorasho dadban”, Golaha Mustaqblka Soomaaliyeed.

      February 21, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Soomaaliya: ‘Heshiiskii aan la galnay Turkiga wax xiriir ah lama laha khilaafka nagala dhexeeye Itoobiya’

    Soomaaliya: ‘Heshiiskii aan la galnay Turkiga wax xiriir ah lama laha khilaafka nagala dhexeeye Itoobiya’

    By radiohalgan.comMarch 2, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Wasiiru dawlaha arimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Cumar Balcad ayaa wareysi uu siiyay wakalaada wararka Turkiga ee Anadolu waxa uu ku sheegay in heshiiskii dhawaan ay wada sixiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ee difaaca iyo dhaqaalaha uusan shuqul ku lahayn xiisadda kala dhaxaysan Itoobiya.

    Balse waxaa uu sheegayba in Ankara ay sameyn karto dhexdhexaadin labada dhinac ah maadaamada sida uu sheegay ay xiriir wanaagsan la leedahay Addis Ababa.

    β€œSi loo dhiso ciidanka amniga badda, waxaad u baahanaysaa kharash, dhaqaale badan ayey u baahan tahay, taasi waa waxa aan ugu yeerno iskaashiga gaashaandhigga iyo dhaqaalaha,” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in heshiiskan uu yahay mid faa’iido u leh labada dal oo uusan wax xiriir ah la lahayn xiisadda Itoobiya.

    β€œWaxan u baahanahay qaab aan u ilaashino badeena…waxaan u baahanahay qaab aan dhisano ciidamadeena badda kuwaas oo noo suuraagalin doona inaan ilaalashano kheyraadka badda. Turkigu wuxuu naga caawinayaa inaan dhisano ciidamadeena badda,” ayuu yiri Cabi Balcad.

    Dhanka kale Cali Balcad ayaa sheegay in Soomaaliya ay rajo wayn ka qabtay in ay xiriir wanaagsna la sameysato Itoobiya kadib sanado badan oo madmadoow dhexdooda ka jiray, balse heshiiskii is fagarad ee ay la saxiideen Somaliland uu god ku riday rajadaas.

    Waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin isku day β€˜lagu qaadanayo qayb kamid ah dhulkeeda’, ayuu iu sheegay wakaalada Anadolu isaga oo ka qayb galayay Madasha Diblumaaisyadda Antalya oo ka dhacay dalka Turkiga.

    β€œWaxaasi waa wax aanan waligeen aqbali doonin. Soomaali waligeed ma aqbalayso. Soomaaliya iyo Itoobiya dhib in ku filani horay ayay usoo dhexmartay. Waxaan rajeynayaa in aan dhibtaas dib ugu laaban, Soomaaliyana waligeed ma aqbali doonto in qayb kamid ah dhulkeeda la goosto. Hadii Itoobiya rabto in ay badda ganacsi ahaan u gaarto, taas inagaaba ugu doonis badan,” ayuu yiri Cali Balcad.

    Itoobiya ayaa dhankeeda marar kala duwan sheegtay in aysan dhibaato la rabin Soomaaliya, ayna u baahan yihiin bad ay isticmaalaan.

    Tan iyo markii Itoobiya ay heshiis la gashay Jahuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland kowdii bishii Janaayo ee sanadkaan, xiriirka labadaan dal ee dariska ah ayaa aad usii xumaanayay.

    Heshiiska ayaa sida ay sheegeen labada dhinacba wuxuu dhigayay in Itoobiya laga kireeyo 20 km oo dhul ku yaalla badda ah, taas badalkeedana Itoobiya aqoonsi siiso Somaliland.

    β€œHadii Itoobiya dooneyso inay raacdo shuruucda caalamiga ah, waxaa jira tiro shuruuc caalami ah oo qeexaya sida waddan aan bad lahayni ku isticmaali karo bbadaha wadamada kale,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

    Danab

    XIGASHADA SAWIRKA,SNTV

    Cunaqabataynta hubka, la dagaalanka Al-Shabaab

    Markii Soomaaliya laga qaaday cunaqabateynta hubka bishii Disembar, Balcad waxa uu sheegay in go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu si wanaagsan u saameeyay dagaalka uu dalku kula jiro kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

    Cunaqabatayntan ayaa markii ugu horaysay la saaray dalka ku yaala Geeska Afrika sanadkii 1992-kii.

    β€œWaxaa jira tiro saaxiibo ah oo jeclaan lahaa in ay Soomaaliya ka caawiyaan dhanka ciidamada, balse markii hore waa ay ka labalabeynayeen cunaqabateynta awgeed, marka waxaan ku rajo weynahay in hadda taasi meesha ka baxday, iyo sidoo kale hub dheeri ah oo aan la heli Karin markii hore, Soomaaliya hadda way heli kartaa,” ayuu yiri.

    Soomaaliya ayaa muddo dheer codsaneysay in laga qaado cunaqabateynta hubka si ay u xoojiso ciidamadeeda oo ay ula dagaallamaan argagixisada, kuwaas oo weerarayay ciidamada dowladda tan iyo 2006-dii.

    Balcad ayaa sheegay in Soomaaliyada oo uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka qabtay May 2022 ay saddex marxaladood kula dagaalamayso argagixisada Al-Shabaab.

    “Marka, wuxuu la yimid qorshe ballaaran, kaasoo ah in aan u baahannahay sii wadista dagaalka…laakin dagaal keliya kuma filna, [waana inaan qaadno tallaabooyin dheeraad ah,” ayuu yiri.

    Waxa uu sheegay in talaabooyinka la qaaday ay yihiin sidii loo dhimi lahaa dakhli ururinta Al-Shabaab iyo in la xayiro xisaabaadka bangiyada; iyaga oo meesha ka saaraya fikirkooda kadib fadwo ay soo saareen culimada diinta islaamka ugu saraysa, iyo waliba qorista ciidamo dheeraad ah.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026

    Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

    February 22, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026

    Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

    February 22, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.