Wasiiru dawlaha arimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Cumar Balcad ayaa wareysi uu siiyay wakalaada wararka Turkiga ee Anadolu waxa uu ku sheegay in heshiiskii dhawaan ay wada sixiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ee difaaca iyo dhaqaalaha uusan shuqul ku lahayn xiisadda kala dhaxaysan Itoobiya.
Balse waxaa uu sheegayba in Ankara ay sameyn karto dhexdhexaadin labada dhinac ah maadaamada sida uu sheegay ay xiriir wanaagsan la leedahay Addis Ababa.
“Si loo dhiso ciidanka amniga badda, waxaad u baahanaysaa kharash, dhaqaale badan ayey u baahan tahay, taasi waa waxa aan ugu yeerno iskaashiga gaashaandhigga iyo dhaqaalaha,” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in heshiiskan uu yahay mid faa’iido u leh labada dal oo uusan wax xiriir ah la lahayn xiisadda Itoobiya.
“Waxan u baahanahay qaab aan u ilaashino badeena…waxaan u baahanahay qaab aan dhisano ciidamadeena badda kuwaas oo noo suuraagalin doona inaan ilaalashano kheyraadka badda. Turkigu wuxuu naga caawinayaa inaan dhisano ciidamadeena badda,” ayuu yiri Cabi Balcad.
Dhanka kale Cali Balcad ayaa sheegay in Soomaaliya ay rajo wayn ka qabtay in ay xiriir wanaagsna la sameysato Itoobiya kadib sanado badan oo madmadoow dhexdooda ka jiray, balse heshiiskii is fagarad ee ay la saxiideen Somaliland uu god ku riday rajadaas.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin isku day ‘lagu qaadanayo qayb kamid ah dhulkeeda’, ayuu iu sheegay wakaalada Anadolu isaga oo ka qayb galayay Madasha Diblumaaisyadda Antalya oo ka dhacay dalka Turkiga.
“Waxaasi waa wax aanan waligeen aqbali doonin. Soomaali waligeed ma aqbalayso. Soomaaliya iyo Itoobiya dhib in ku filani horay ayay usoo dhexmartay. Waxaan rajeynayaa in aan dhibtaas dib ugu laaban, Soomaaliyana waligeed ma aqbali doonto in qayb kamid ah dhulkeeda la goosto. Hadii Itoobiya rabto in ay badda ganacsi ahaan u gaarto, taas inagaaba ugu doonis badan,” ayuu yiri Cali Balcad.
Itoobiya ayaa dhankeeda marar kala duwan sheegtay in aysan dhibaato la rabin Soomaaliya, ayna u baahan yihiin bad ay isticmaalaan.
Tan iyo markii Itoobiya ay heshiis la gashay Jahuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland kowdii bishii Janaayo ee sanadkaan, xiriirka labadaan dal ee dariska ah ayaa aad usii xumaanayay.
Heshiiska ayaa sida ay sheegeen labada dhinacba wuxuu dhigayay in Itoobiya laga kireeyo 20 km oo dhul ku yaalla badda ah, taas badalkeedana Itoobiya aqoonsi siiso Somaliland.
“Hadii Itoobiya dooneyso inay raacdo shuruucda caalamiga ah, waxaa jira tiro shuruuc caalami ah oo qeexaya sida waddan aan bad lahayni ku isticmaali karo bbadaha wadamada kale,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Cunaqabataynta hubka, la dagaalanka Al-Shabaab
Markii Soomaaliya laga qaaday cunaqabateynta hubka bishii Disembar, Balcad waxa uu sheegay in go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu si wanaagsan u saameeyay dagaalka uu dalku kula jiro kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.
Cunaqabatayntan ayaa markii ugu horaysay la saaray dalka ku yaala Geeska Afrika sanadkii 1992-kii.
“Waxaa jira tiro saaxiibo ah oo jeclaan lahaa in ay Soomaaliya ka caawiyaan dhanka ciidamada, balse markii hore waa ay ka labalabeynayeen cunaqabateynta awgeed, marka waxaan ku rajo weynahay in hadda taasi meesha ka baxday, iyo sidoo kale hub dheeri ah oo aan la heli Karin markii hore, Soomaaliya hadda way heli kartaa,” ayuu yiri.
Soomaaliya ayaa muddo dheer codsaneysay in laga qaado cunaqabateynta hubka si ay u xoojiso ciidamadeeda oo ay ula dagaallamaan argagixisada, kuwaas oo weerarayay ciidamada dowladda tan iyo 2006-dii.
Balcad ayaa sheegay in Soomaaliyada oo uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka qabtay May 2022 ay saddex marxaladood kula dagaalamayso argagixisada Al-Shabaab.
“Marka, wuxuu la yimid qorshe ballaaran, kaasoo ah in aan u baahannahay sii wadista dagaalka…laakin dagaal keliya kuma filna, [waana inaan qaadno tallaabooyin dheeraad ah,” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in talaabooyinka la qaaday ay yihiin sidii loo dhimi lahaa dakhli ururinta Al-Shabaab iyo in la xayiro xisaabaadka bangiyada; iyaga oo meesha ka saaraya fikirkooda kadib fadwo ay soo saareen culimada diinta islaamka ugu saraysa, iyo waliba qorista ciidamo dheeraad ah.