Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Fahad Yaasiin” Madaxweyne Xasan Sheekh waa hoggaamiye Caddaalad !”

    May 10, 2025

    Khasaaro dhimasho oo ka dhashay Roobkii xalay Muqdisho ka da’ay

    May 10, 2025

    DEG DEG Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

    May 9, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Fahad Yaasiin” Madaxweyne Xasan Sheekh waa hoggaamiye Caddaalad !”

      May 10, 2025

      Khasaaro dhimasho oo ka dhashay Roobkii xalay Muqdisho ka da’ay

      May 10, 2025

      Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay salaad Janaaso

      May 9, 2025

      Kacdoon lamid ah kii Laascaanood oo looga dhawaaqay Baladweyne .

      May 9, 2025

      DEG DEG Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

      May 9, 2025

      DEG DEG Pakistan ayaa markii ugu horreysay adeegsatay hub casri ah

      May 9, 2025

      Madaxweyne Trump oo xiriirka u jaray Netanyahu

      May 9, 2025

      Pakistaan oo ku hanjabtay in ay Hindiya ka aargudan doonto

      May 8, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      DEG DEG Itoobiya ayaa kamid noqotey Wadamada ugu kobaca dhaqaalaha

      May 5, 2025

      Muwadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

      April 25, 2025

      Guddoomiye Aadan Madoobe “Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay noqotay walaal karti badan oo nagu garab istaagtay Dowlad dhiska burburkii kadib”.

      November 2, 2024

      Fahad Yaasiin” Madaxweyne Xasan Sheekh waa hoggaamiye Caddaalad !”

      May 10, 2025

      Khasaaro dhimasho oo ka dhashay Roobkii xalay Muqdisho ka da’ay

      May 10, 2025

      DEG DEG Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

      May 9, 2025

      DEG DEG Pakistan ayaa markii ugu horreysay adeegsatay hub casri ah

      May 9, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Soomaaliya: halista hubka sharci darrada ah iyo jihooyinka uu ka soo galo

    Soomaaliya: halista hubka sharci darrada ah iyo jihooyinka uu ka soo galo

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comSeptember 22, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Sida laga soo xigtay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay, hubka sharci darrada ayaa Soomaaliya ka soo gala dhowr jiho oo ay ka mid tahay gacanka cadmeed.

    Marka loo eego natiijooyinka sanadkii 2023-kii Global Organised Crime Index, Soomaaliya waxay martigelisaa mid ka mid ah suuqyada ugu baahsan ee ka ganacsiga hubka ee Afrika.

    Tirada hubka sharci darrada ah ee dalka ku dhex wareegaysa oo isugu jira qoryaha fudud iyo kuwa khafiifka ah ayaa ah mid aad u badan oo ay ku lug leeyihiin kooxaha dambiilayaasha ah ee kala duwan. Marka laga soo tago maleeshiyo beeleedyada deegaanka iyo shabakadaha dambiilayaasha caalamiga ah, kooxaha xagjirka ah ee xiriirka la leh al-Shabaab ama kooxda dowladda Islaamiga ah ee Soomaaliya ayaa si weyn ugu lug leh suuqa, iyaga oo adeegsanaya hubka si ay u fuliyaan weeraradooda rabshadaha wata iyo ka ganacsiga noocyada kale ee ganacsiga. Sida ay sheegayso warbixinta Global Organised Crime Index.

    Sida uu BBC-da u sheegay sarkaalka sirdoon oo hore – kana soo shqeeyay Puntland, hubka Soomaaliya ayaa dalka ku yimaado saddex qaab oo kala duwan kuwaas oo kala ah, sida uu sheegay mid dalalka dunidu ugu deeqaan dowladda Soomaaliya oo ku qalabaysan ciidamadeed, kan labad oo ah mid ka soo dagga xeebaha Soomaaliya iyo kan seddexaad oo ka yimaada dalalka soohdimaha dhulka la wadaaga Soomaaliya.

    Wuxuu BBC-da u sheegay in hubka kaliya ee sifada sharciga ku yimaada dalka uu yahay midka dowladda dhexe la soo degto ama ay ka hesho saaxiibadeeda caalamigaa.

    Hubka ka soo degga xeebaha ayuu BBC-da u sheegay sarkaalkan hore ee sirdoon inuu yahay midka ugu weyn ee hub sharci darro ah ee soo gala Soomaaliya kaas oo uu sheegay inuu ku yimaado qaab ka ganacsi ah.

    “Waa kan ugu halista badan hubka kan tahriibinta kaga soo gala xeebaha, oo xoogiisu ka yimaado Yemen iyo wadamo kale” ayuu yiri sarkaalkan.

    Axmed Cabdi Kooshin, waa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya, wuxuu sidoo kale agaasime guud ka soo noqday wasaaraddaha amniga iyo gaashaandhiga ee Soomaaliya, wuxuu BBC-da u sheegay in boqolkiiba sideetan wax ku dhow uu hubka sharci darradaa uu ka soo galo dhanka Yemen.

    Soomaaliya

    Xigashada Sawirka,SOCAIL

    Xildhibaan Kooshin ayaa sarkaalkan ku raacsan in hubka ugu badan ee Soomaaliya ka soo gala dalka ugu badan uu yahay Yemen.

    Sida laga soo xigtay Hay’ad cilmi baaris ah oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, hubka ay Iran siiso xulafadooda Xuutiyiinta Yemen ayaa si qarsoodi ah loogu soo gudbiyaa gacanka Cadmeed si ay u soo gaaraan Soomaaliya halkaasoo Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qacida ay kula dagaalamayaan dowladda Soomaaliya.

    Hay’adda Global Initiative ee ka dhanka ah dambiyada abaabulan ee xuduudaha ka gudba ayaa sheegtay in daraasaddoodu ay ku saleysan tahay xog laga helay in ka badan 400 oo hub ah oo laga diiwaan geliyay 13 goobood oo ku yaalla Soomaaliya muddo siddeed bilood ah iyo agab laga soo aruuriyay 13 doomood oo ah nooca yar yar ee fud fudud.

    Waa cilmi-baaristii ugu horreysay ee si guud loo helo oo lagu sameeyo baaxadda hubka sharci-darrada ah ee Yemen laga soo galiyo dalalka ku yaalla Geeska Afri

    Hubka an gacanta maamul dowli ah ku jirin ee Soomaaliya

    Soomaaliya

    Xigashada Sawirka,Getty Images

    Sida uu BBC-da u sheegay Xildhibaan Kooshin, hubka yaalla Soomaaliya ee an ku jirin gacanta dowladda Soomaaliya iyo kan maamul goboleedyada ayaa leh khatar amni oo badan.

    Xoosh, wuxuu BBC-da u sheegay in sanadkii 2018-kii uu tagay maamulada dalka iyadoo socdaalka qorshadoodu ahaa inay baaraan hubka gacanta maleeshiyaadka ku jira ee an gacanta dowladda Soomaaliya ku jirin.

    “Goobaha qaar aanu tagnay anigoon carababayn, waxaan ugu tagay reero haysta 80 hubka lidka diyaaradaha ah ama (anti-aircraft artillery), hubka ku jira gacanta reeraha ee ka baxsan gacanta dowladda wuxuu ka badan yahay hubka dowladda federalku iyadu haysato ama maamusho” ayuu sheegay sida ay u muujisay xogtaas ay soo aruuriyeen sanadkii 2018-kii.

    Soomaaliya

    Xigashada Sawirka,Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed

    Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo maanta magaalada Muqdisho uu shir guddoomiyey wasiirka amniga gudaha ee Soomaaliaya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), kulan lagaga hadlayey sidii ay hay’adaha amniga dalku u xakameyn lahaayeen hubka sharci darrada ah, kaas oo khatar ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

    Shirka ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhaqan gelinta qaraarro ay horay usoo saareen Golaha Wasiirrada oo mamnuucaya iibinta iyo faafinta hubka sharci darrada ah.

    Shirka waxaa sidoo kale looga hadlay sidii hay’adaha amniga loogu adkeyn lahaa in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada hubka sharci darrada ah, kuwaas oo gacan ka geysanaya hurinta colaadaha qabiillada iyo taageeridda kooxaha argagixisada ah sida uu baahiyey telefishinka Soomaaliya

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu jimcihii ka sheegay Muqdisho in aan la ogolaan doonin in cidi si sharci darro ah u haystaan hub oo ay dowladdiisu tallaabo adag ka qaadayso.

    Bishii December ee sanadkii tagay 2023-kii ayey ahayd markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqeen inay qaadeen cunaqatayntii hubka ee saarnayd Soomaaliya muddo ka badan soddon sano.

    BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Fahad Yaasiin” Madaxweyne Xasan Sheekh waa hoggaamiye Caddaalad !”

    May 10, 2025

    Khasaaro dhimasho oo ka dhashay Roobkii xalay Muqdisho ka da’ay

    May 10, 2025

    DEG DEG Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

    May 9, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Fahad Yaasiin” Madaxweyne Xasan Sheekh waa hoggaamiye Caddaalad !”

    May 10, 2025

    Khasaaro dhimasho oo ka dhashay Roobkii xalay Muqdisho ka da’ay

    May 10, 2025

    DEG DEG Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

    May 9, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.