Dad badan oo Soomaali ah ayaa caafimaad ahaan u aada dalka Hindiya, halkaas oo ay u doontaan adeegyo caafimaad oo an laga helin dalka Soomaaliya.
Inkasta oo an si rasmi ah loo hayn tiro sugan oo dadka Soomaalida ee caafimaadka u aada dalka Hindiya haddana waxaa la rumaysan yahay inay sanadkasta Soomaali ka badan kumanaan qof ayu caafimaad doontaan dalkaasi sida ay xogaha qaar sheegayaan.
Dowlada Soomaaliya ayaa sheeegtay inay ku foogan tahay in dadka Soomaalida loo fududeeyo inay si sahlan ku helaan dal ku galka Hindiya ka dib Muqdisho ku dhexmaray masuuliyin ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo saraakiil ka socota dalka Hindiya.
Sida uu BBC-da u sheegay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Xamse Adan Xaadow, labada dhinac ayaa isla soo qaaday sidii ay muwaadiniinta Soomaalida ugu fududaan lahayd dal ku galka Hindiya iyo inay yeeshaan iskaashi dhinacyo badan ah.
“Caafimaadka waa howl horey u socotay, qaabkii loo casriyey lahaa iyo qaabkii ay safaaradooda ugu furan lahaayeen, dadkuna ay fisaha Soomaaliya uga qaadan lahaayeen ayaa ku jirtay wadahadalka” ayuu yiri Xaadow.
Hindiya ayaan hadda Safaarad iyo Qunsliyad midna ku lahayd dalka Soomaaliya basle waa dalka ugu badan ee Soomaalidu u doontaan adeeg caafimaad oo dibada ah.
Caqabadaha ay Soomaalidu kala kulmaan fiisaha dal ku galka Hindiya
Boqolaal Soomaali ah ayaa dal ku galka Hindiya u doonta safaaradaha Hindiya ku leedahay dalalka dariska la ah Sooomaaliya sida Kenya iyo Itoobiya.
Abuukar Xasan Dhaqane oo muddo dheer ka shaqaynayey arrimaha fudaynta safarada iyo duulimaadka ayaa BBC-da u sheegay in Soomaalidu dhib dhaqaale iyo mid waqtiba ku qabaan helida visaha dalka Hindiya.
“Fisaha awal waxaa laga qaadan jiray Itoobiya, hadda waxaa loo soo wareejiyey Kenya, qofka Soomaaliga isagoo jooga Muqdisho iyo meelo kale ayuu tikit soo jartaa oo Kenya yimaadaa, kharash ayaa ka soo baxa haddana hotel ayuu dagaa, iyadoo intaas qofku marayo ayaa haddana wuxuu sugayaa muddo bil ah inuu helo dal ku galka Hindiya, marka dhibaabo badan ayaa lagu qaba” ayuu yiri Dhaqane.
Wuxuu intaa ku daray in qofka doonaya inuu helo dal ku galka caafimaad ee Hindiya ay ugu baxdo ilaa shan boqol iyo kon dollar iyadoo wali muddo ay ku qaadato inay helaan.
Dadka waayeelka ayuu Dhaqane sheegay “inay ay soo dhiibtaan baasaboorka maadama caafimaadku u sahlayn inay safari kala duwan galaan taasna ay ku sii kordhiso kharashka”.
Addis Ababa ayaa ahayd halka ay Soomaali badan u raadsan jireen dal ku galka Hindiya intii an dib loogu soo wareejin in muwaadiniinta Soomalida ka dalban karaan safaarada Hindiya ee Kenya.
“Dabcan Nairobi ayaa u jaban xaga diyaaradaha waayo Addis Ababa waa ka qaalisan tahay marka laga baxayo Soomaaliya ee loo socdo Itoobiya” ayuu intaas raaciyey Dhaqane.
Sidaas oo kale safarka dhulka ayey dad badani ku gali jireen Itoobiya iyagoo sii maraya xadka Wajaale ee Somaliland.
Qiyaasaha an rasmiga ahayn ayaa sheegaya in tiro ka badan labo ilaa saddex boqol oo Soomaali ah dhowrkii bilood u safraan dalka Hindiya kuwaas oo ay ugu badan yihiin kuwa caafimaadka u aadaya.
hindiya ayaa ka mida dalalka daryeelka caafimaadka ee gaarka loo leeyahay aad u horumarsan yihiin kuwaas oo leh qalab caafimaad oo tignoolajiyad sare leh iyo heer aad u wanaagsan oo waafaqsan heerarka caafimaadka caalamiga ah sida ay sheegtay Hindiya.
Dhakhaatiirta ayaa warbixino qaar sheegeen inay ku fiican yihiin dhinacyada qalliinka isqurxinta, qaliimada taranka, wadnaha, kansarka,iyo qalimada wadajirka ah ee lafaha iy
Qiimaha daryeelka caafimaad ee Hindiya aad ayuu uga hooseeyaa kuwa dalalka horumaray balse dhanka tijnoolajiyada ay ku tartamaan.