Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

    May 15, 2025

    DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

    May 15, 2025

    Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

    May 15, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

      May 15, 2025

      DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

      May 15, 2025

      Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

      May 14, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

      May 14, 2025

      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

      May 14, 2025

      DEG DEG Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday iskaashi dhaqaale oo istiraatiiji ah

      May 13, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

      May 15, 2025

      DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

      May 15, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Somaliland oo sheegtay in Turkigu uusan xeebaheeda iman karin

    Somaliland oo sheegtay in Turkigu uusan xeebaheeda iman karin

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 6, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud oo warraysi gaar ah siiyay BBC Somali ayaa sheegay in ay ku wargeliyeen Turkiga in ayna iman karin xeebaha Somaliland.

    “Turkiga waan u sheegnay in aanay xeebaha Somaliland soo gali karin, waana ogyahay in Somaliland xeebaheeda u taliso – Soomaaliyana ayna u talin. Wax haba yaraatee aanu warwar ka qabnana ma jiro,” ayuu yidhi wasiirka isaga oo aan waxka weydiinnay sida uu u arko heshiiska difaaca ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

     

    Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in uu meel gabagabo ah marayo hirgelinta is-af-garadkii Badda Cas ee u dhexeeyay iyaga iyo Dowladda Itoobiya.

    Is-af-garadkaan muranka badan dhaliyay ee ay bishii koowaad ee sanadkaan maalintiisii koobaad ay la gashay dowladda Itoobiya, kaas oo dhigaayay in Somaliland aqoonsi buuxa ka hesho Itoobiya halka dowladda dhexe ee Itoobiyana laga kireynayo saldhig ciidamo badeed oo ay ku yeelanayso gudaha Somaliland.

    Heshiiskanayaa aad uga cadhaysiiyay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya sababayna in xidhiidhka diblumaasiyadeed ee labada wadan uu gabi ahaanba meesha ka baxo.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

    Qoraalka sawirka,Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

    Sidoo kale Midowga Afrika ayaa kasoo horjeedsaday is-af-garadkaan dhacay, wadamo badan sida Maraykanka, Turkiga, Ururku Jaamacadda Carabta iyo kan Midowga Yurub ayaana soo saaray baaqyo ay ku sheegayaan ahmiyadda ay leedahay xurmeynta madax bannaanida iyo gobonimada dhuleed leedahay.

    Saamaynta heshiiska ka dhalatay keliya kuma ekayn wadamada ka baxsan Somaliland ee qudha balse waxuu saamayn kale oo gudaha ku yeeshay xukuumada Hargeysa.

    Waxaana is casilay Wasiirkii Gaashaandhiga ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, isaga oo sheegay in is-afgaradkaan ay Somaliland la gashay Itoobiya ay ahayd in golaha wasiirrada lagala tashado heshiiska ay Somaliland la gashay Itoobiya oo ah dal daris ah oo aan bad lahayn.

    Banaan baxayaal kasoo horjeeda is-afgaradkii ay galeen Somaliland iyo Itoobiya

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka,Banaan baxayaal kasoo horjeeda is-afgaradkii ay galeen Somaliland iyo Itoobiya

    Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay heshiiskaan mid aan gabi ahaanba jirin lana aqbali karin, waxayna sheegtay in is-af-garadkani yahay mid xad gudub ku ah shuruucda caalamiga ah madaxbannaanida iyo gobanimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    Fagaarayaal kala duwan ayayna madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya uga hadleen. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaana si adag uga hadlay, waxaa sidoo kale ka hadlay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

    Labada gole ee barlamaanka Soomaaliya oo ka fadhiistay arrintan guud ahaanba waxay qaadaceen heshiiska iyagoo qeexay in ay tahay xad gudub ka dhan ah qaranimada Soomaaliya.

    Gudaha Soomaaliyana waxaa ka dhacay bannaanbaxyo looga soo horjeedo is-afgaradkaas waxaa ugu waaweynaa kuwo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, isu soo baxayaasha ayaana muujinaayay halhaysyo ay kamid yahiin ”Badeennu beec ma’aha!

    Shir

    XIGASHADA SAWIRKA,WAM

    Go’aankii ugu danbeeyay ee looga soo horjeedsaday heshiiskaas waxuu ahaa mid ka dhacay caasimadda Dooxa ee dalka Qatar.

    Kalfadhiga Saddexaad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta oo ay la leeyihiin Waddamada Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan oo lagu qabtay 30-kii Abriil, 2024 dalka Qatar, ayaa lagu caddeeyay taageerada amniga, xasilloonida, midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, waxayna ku taageereen dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto ilaalinta madax banaanida Soomaaliya ee dhulka, badda iyo hawada, sida lagu sheegay Bayaanka Doha oo ka kooban 16 bog.

    “Waxay cadeeyeen in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay si sharci ah u difaacdo dhulkeeda sida ku cad qodobka (51) ee Axdiga Qaramada Midoobay, iyo qodobbada khuseeya Axdiga Jaamacadda Carabta, ayna taageeraan. dhismaha hay’adaha dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

    Bayaanka Shirka Golaha Wasiirada kasoo baxay ayaa boggiisa sagaalaad lagu sheegay in ay si buuxda u taageerayaan mawqifka Dowladda Soomaaliya waxaana bayaanka lagu qeexay in uu yahay tallaabo khatar ku ah amniga qaranka Carabta.

    “Wasiirradu waxay muujiyeen diidmada ay ku diideen is-af-garadkaan iyo wixii sharci, siyaasad, ganacsi ama millatari oo ka dhasha, waxayna ku booriyeen dhammaan dalalka inay cambaareeyaan oo ay diidaan qoraalkan. Waxa kale oo ay diideen isku dayo ay ku doonayeen in ay uga faa’iidaystaan “Heshiiskii Is-afgaradka” ee aan soo sheegnay oo ahaa in xaqiiqo cusub oo juqraafiyeed laga abuuro Gacanka Cadmeed, xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas, waxayna u arkeen tallaabo khatar ku ah amniga qaranka Carabta iyo socdaalka Badda Cas. Badda iyo Gacanka Cadmeed” ayaa lagu yidhi bayaanka oo ay barta X soo gelisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

    Ka bood Twitter boggan

    Oggolow Twitter macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay Twitter. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Twitter xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka Twitter boggan

    Balse Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Iskeed Madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud waxuu sheegay in uusan khusayn warsaxaafadeedkaas meel walbana ay u galayaan raadinta aqoonsiga Somaliland.

    “Nama khuseeyaan waxii [Shirkii] Dooxa kasoo baxay, qadiyadayaduna halkii bay taagantahay. Dalalkan carabta ee meesha isugu yimid ma’ay darsin qadiyadda Somaliland – ma’ay arkayaan xaqiiqadda Somaliland – waxa noo dan ahna waa in nala aqoonsado meel walba oo ay nala tagtana waan galaynaa.”

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

    May 15, 2025

    DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

    May 15, 2025

    Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

    May 15, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

    May 15, 2025

    DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

    May 15, 2025

    Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

    May 15, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.