Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Daawo:- Somaliland oo kashiftay qorshe ay damacsan tahay Soomaaliya oo la xiriira Itoobiya

    Daawo:- Somaliland oo kashiftay qorshe ay damacsan tahay Soomaaliya oo la xiriira Itoobiya

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJuly 3, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Axmed Kaahin oo xalay ka qayb-galay kulan ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu maamulkooda la galay Itoobiya, wuxuuna kashifay qorshe uu sheegay inay damacsan tahay dowladda Soomaaliya.

    Ugu horreyntii wasiirka ayaa ka hadlay sababaha keenay diidmada dowladda federaalka ee ku aadan heshiiska badda, wuxuuna sheegay in Somaliland aysan u ogoleyn inay la macaamisho dariskeeda iyo waddamada kale ee caalamka, sida uu hadalka u dhigay.

    Sidoo kale wasiirka oo garnaqsaday ayaa sheegay in horay Soomaaliya iyo Somaliland ay u galeen illaa 7 heshiis oo uu wax ka saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna su’aal la keenay waxa loogu diidayo inay heshiis la galaan Itoobiya ama dalal kale ee dariska ah.

    “Soomaaliya 6 ama 7 heshiis ayaynu wada galnay Xasan Sheekh maanta madaxweynaha ah xilligii hore ee uu madaxweynaha ahaa Axmed Maxamed Siilaanyo oo madaxweyne ah labadooda ayaa wada saxiixay maxaa isbeddalay? waxaa isbeddalay heshiiska aynu wada galnay Itoobiya, iyagana 7 ayaynu wada galnay maxaa diidaayo marka inaan Itoobiya wada galno” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland.

    Maxamed Kaahin oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Soomaaliya qudheeda ay kireysato baddeeda iyo dekedaheeda, wuxuuna sheegay in horay ay heshiisyo u gashay, hadana ay damacsan tahay qorshe kale oo ku aadan inay ku wareejiso dekedaha Hobyo iyo Kismaayo.

    Kaliya Geeskan Afrika ee aynu ka midka nahay dowladaha inta IGAD la yiraahdo ilaa 8 bees baa ka kireysan oo la leeyahay, maxaa kan Somaliland gooni u calaamadeeyay?. Saddex bees baa dowladda Soomaaliya ayaa iminka yaalla Soomaaliya, hadda wuxuu leeyahay afar meelood baan anigu siinayaayee, kaas Somaliland yaanay qaadan” ayuu yiri.

    Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Wuxuu leeyahay Hobyo ayaan siinayaa, Kismaayo ayaan siinayaa, wuxuu leeyahay meel heblo ayaan siinayaa”.

    Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay doonayaan in Somaliland ay u dhaqanto sida dowlad oo kale, isla markaana ay darisnimo iyo walaalnimo kula macaamisho Soomaaliya.

    “Waxaan dooneynaa inaynu laba dowladood oo walaalo ah oo Soomaaliyeed oo xiriir wanaagsan leh oo kala ganacsada oo nabad-gelyada is weydaarsada inaynu wada noqono” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiir Maxamed Kaahin Axmed.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.