Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagebeysay wada-hadallo dhanka farsamada ah oo ay la yeelatay Jamhuuriyadda Carabta Masar, kuwaas oo ku saabsan qorshaha ka qeyb galka Ciidamada Masar ee howlgalka AUSSOM.
Jamhuuriyadda Carabta ee Masar ayaa caddeysay ka go’anaashaheeda taageerada Dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ogtahay doorka Masar ay ka qaadan karto ciribtirka Khawaarijta, waxayna ka rajaynaysaa inay gacan ka geystaan si lamid ah dalalka kale ee saaxiibka la ah Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda.
Sarkaal ka tirsan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta Qaahira ku saxiixay heshiiska bilaabidda qorshaha ugu dambeeya howlgalka.
Ciidamada Masar ayaa lagu wadaa in toddobaadyadaan lagu soo daabulo Soomaaliya, kani waa go’aan dhibaya Itoobiya oo walwal badan ka qabta in Masar ay awood militeri ku yeelato Geeska Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore tegay Qaahira kadib casuumad uu ka helay dhiggiisa Masar, waxayna kala saxiixdeen heshiis kale oo miisaan culus leh.
Heshiiskaas ayaa qeexayey istaraatiijiyad rasmi ah oo iskaashi amni ah, sidoo kale waxaa horay u jiray heshiis iskaashi oo seddax geesood ah oo ka dhexeeya Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.
Dhaqdhaqaaqa ay Soomaaliya ka wado gobolka Geeska Afrika waa mid ruxaya qalbiyada Itoobiyaanka oo khatar amni ka dhex arka, maadaama Masar, Eritrea iyo xittaa Soomaaliya ay cadow u arkaan Itoobiya.
Iyadoo uu taagan yahay qorshe ay Soomaaliya garab militeri ugu raadsaneyso la dagaalanka argagixisada, maadaama uu dhamaaday howlgalkii ATMIS, ayaa hadana waxaa gobolka xiisad ka abuuray damacii oo if-baxay bilowgii 2024 ee Itoobiya ay dooneysay inay ku dhacdo badda Soomaaliya.